Spain Oo ku Gulaysatay Koobka Aduunka(Dawo+sawiro)
Kooxda Spain ayaa markii ugu horeysey abid qaaday Koobka Aduunka, ciyaaar kulul o ay isku wajaheen xulalka Nederland iyo Spain ayaa waxaa guushii raacday kooxdii matalaysey Madrid.

Kooxdii ka socota Amstadam ayaa guul daro kala tagtay, inkastoo xeeldheerayaashu leeyihiin Garsooraha ayaa ka hiiliyey Holland.

Ciyaarta oo in badan qaatay isla markaana sodonkii daqiiqo ee ugu danbeeyey lagu kala badiyey ayaa waxay ahayd mid xaasaasiyad gaar ah leh. Kooxda Holland ayaa waxay soo bandhigtay ciyaar adag, waxayna halkaas ka muujisay difaac iyo weerar halka dal doolol badan ka muuqatay dhexda.

Kooxda Spain ayaa ayadu weerar culus qaadaysey markastaba, waxaana inta badan jaale loo taagay ciyaaryahanadii ka socdey Holland, halka kuwa Spanashka lala saayirayey. Jaalayaasha faraha badan ee inta badan ciyaartooyda reer Holland la siiyey ka Sokoow, waxaa jirey in kaadh ka Guduudan loo dhiibey ciyaaryahankoodii dhexda, taasoo qalad lagu tilmaamay maadaba xariiqda shishadeeda oo gacantiisa gadaal kaga taabtay weeraryahanka Spanashka.
Isku soo wada duubo koobka aduunka oo sanadkan ahaa mid taariikh ah aya waxaa hadheeyey Tayo xumo xaga Garsoorayaasha ah, ayadoo FIFA balan qaaday in ay wax ka bedeli doonto taas.
Daalacatey :279 editor@boocame.comShort URL: http://www.boocameonline.com/?p=2195
---------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

























