degmada God’aale oo gobolka Sool Oo Xadhoga Looga jaray Dugsi Hoose dhexe oo Degmadaasi yeelanayso+Sawiro
Munaasibad balaadhan oo loo qabtay furitaanka iskuulka hoose dhexe ee Goda’alo ayaa Waxaa ka soo qayb galay Wafuud badan oo ay kamid yihiin wasiirka madaxtooyada iyo maamul wanaaga puntland maxamed Faarax Ciise (Gaashaan), Kusimaha wasiirka wasaarada waxbarashada ahna wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada puntland Cabdiraxmaan diiriye Carab, Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee golaha wakiilada puntland xildhibaan Faarax jaamac Goox,Saxaafada Caalamiga ah Ee VOA Iyo Universal Tv.
Dugsigan Godaalo ayaa si rasmi ah waxaa xadhiga uga jaray kusimaha Wasiirka Wasaarada waxbarashada Puntland ahna wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada,
iyadoo ay Dhismahan suurto gelisay Hayada IRFAN CANADA.
Ugu horeyntii Waxaa ka hadlay Xaflada Furitaanka Schoolka God’aalo Maamulaha Schoolka,Wuxuuna umahadceliyay Hayada usuura galisay dhismaha Schoolka God’aalo iyo wufuudii Balaadhnayd ee ka soo qaybgashay Xaflada God’aalo School,wuxuuna balan qaaday inay soo saari doonaan arday tayo sare leh oo waxbarasho leh.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Gudoomiyaha God’aalo iyo Walidiinta god’aalo oo ku tilmaamay furitaanka dugsiga hoose dhexe mid Taariikhiya ayna abaal ugu hayaan Hayada IRFAN CANADA,iyagoo ka codsaday Dawlada Puntland in Taageeradooda ay labanlaabaan,
Dhanka kale waxaa ka hadlay Siciid cabdi ducaale(Siciid Elji) oo ku hadlayay Magaca Qurba jooga God’aalo iyo hayada IRFAN CANADA,ayaa waxaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay in ay maanta ay yeelatay God’aalo School Tayadiisu sareyso,wuxuuna aad ugu mahadnaqay Siday Dadka deegaanku gacan oga siyeen Hir galinta schoolka.
Gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka sool maxamuud jaamac dalmar (Ina Baadari) oo ka warbixiyay marxaladihii kala duwanaa iyo dadaalo badan oo ay sameeyeen si maruun loo furo iskuulkan aysan suuro gelin,Balse uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu maanta ka qayb qaato Furitaankan Schoolka God’aalo.
Waxaa isna dhankiisa ka hadlay Kusimaha wasiirka waxbarashada ahna wasiirku xigeenka wasaarada Waxbarashada puntland Md:Cabdiraxmaan Diiriye Carab, oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in ay ka soo qayb galaan Schoolka Laga furay god’aalo isagoo Sheegay in aysan waxba ka hagran doonin,Waxaa kale oo uu ku waniyay Shacabka God’aalo inay waxbarsahda dugsiga hoose dhexe ee maanta loo furay Ay ku dadalaan Sidii ay u kafaalo qaadan lahayeen Macalimiinta Ardayda wax udhigaysa, wuxuuna ku booriyay in jaaliyadaha God’aalo ay ka qayb qaataan wax kasta oo lagu horumarinayo God’aalo,isagoo ku boorinaya Jaliyada God’aalo wasiirku xigeenku ayaa waxaa uu yiri “ Reer godaalow Wasaarada waxbarashada Puntland waxa ay Qaban karto waa wax xadidan,waxaa masuuliyada uweyn laga rabo Waa qurba joogto u dhalatay god’aalo iyo dadka Deegaankaba”.
Wasiirka madaxtooyada iyo dawlad wanaaga puntland md:Maxamed Faarax Ciise (gashaan),isagoo Sheegay in god’aalo ay ubaahneyd School Tayadiisu sarayso,aadna ugu faraxsanyahay in uu maanta Goobjoog ka ahaado Schoolka God’aalo oo xadhiga laga jarayo,dhanka kale waxaa uu balan qaaday in ay wax la qaban doonaan Inta Karaamkoodu yahay.
Gaba gabadiina waxaa Soo xidhay Xafladii Garaad Cabdisalaan Xasan maxamed isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in qurba joogta deegaanada God’aalo ay ku dadaalaan horumarka dalkooda,Isagoo maamulka Puntland uu ka codsaday In ay God’aalo in ay ka cawiyaan Cafimaadka,waxbarashada,biyaha iyo Wadooyinka dayactir lagu sameeyo.
Daalacatey :360 editor@boocame.comShort URL: http://www.boocameonline.com/?p=5396
---------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------
















Asc,bacda salaan waxa aad soo gudbiseen waa ku mahadsantahiin.
Schoolka loo dhisay god’aalo waa wax aad iyo aad loogu farxo intii ka qayb qaadatay qaban qaabadiisa,dhisidiisa iyo hirgalintiisa dhamaan waad mahadsantihiin uuna ugu horeeyo Garaadka,Gaashaan iyo dhamaan reer god’aalo iyo maamulka Puntland. Mahadsanidiin. Ilaahay hadin ka abaal mariyo.
Mashalaah & Congratulation’s to Reer-Godalo.
Anaga Dhisanaay School waxba Pirate-Land yeey iska dhigiin ineey wax qabteen, Dhulkooda haku ekadaan..
VIVA SSC..
asc all ssc anigoo aha wiil reer godaala anagaa dhisanay schoolka bukh laan waxaba noo ma dhisine qurbajoogta cumar wacays ayaa dhistay schoolka majeerteniya waxaba madhisin candareerada meelahas hala aaden marabno qudhunkooda xabashiida godaalo waa ssc dadku waa ssc guul ssc thank you boocame noolada
reer godaalo cogratultion’ s hadii aanahanay qurbajoogta reer godaalo anagaa dhisanay scoolka noma dhisin bukh laan waxay nasheegan xaraantu majeerteniya anagu waxaan nahanay ssc reer godaalo waa ssc gashaan u mataliyo cumar wacays waa ssc guul
aad & aad baan ugu faraxsanahay indegmadii aan kudhashay ku barbaaray
dugsi hoose dhexe loogadhisay waan umahad celinayaaaaaaa haayada hayshaasi fulisay by