Gabay:- Saleebaan Faarax Cali Garoon
dacwad culus hadii aan furoo diirada aan raacsho
daadaga usii dhaadhacoo daaqad ubanmeeyo
dareensiiyo duulkan hurdoo toos wax ugu sheego
danbi maanan galine dadyohow haygu diidina
daraawiish markay dirirayeen duulka reer yurub
dudmo kama ahayne waxay diidayeen cadawga sooduulay
dugsi iyo daryeen cidina uma dadaalayne
diihaalka gaajiyo diifna kama muuqan daacadbay ahaayeene looma daaheen
daarood dhamaantiis waysu dudayaaye
kala dide sidii goosan ari oo ayda weer uu ku haleelay
dakanana makala galine dawgalbaa jira
dugsigii dhulbahantaw maxaa diiday inaynu dayrqura ahaano
damiirkii maxaa idinkahelay oo docadocayn keenay
dulu sunuud xun daba rooraya miyaa dayrka igu ooday
duqaydii iyo aqoon yahankii miyaa dabaqyo dheer fushan
dantoo ilaawoo dayn uun guranaaya
digniin hore ayaan bixiyaye haygu diidina
danabyadaa aan riday hadii ay daqnaan boogtuna dilaacdo
dawadii lawaaya laheli daacada illaahe
daahii dhexdeena laguxiray baa dhakhso ufaydmi
dawladeena SSCbaa danaguud dabacsani u wadidoonta
daadihinaysa ii shacabka daryeel wacan u fidinaysa
doorashiyo ismaqalbaa kadhici baladka oo idile
digtooriin baalahele iyo macalimiin dugsi aqoomeed leh
duuliyayaal hawadasare uka oo door ah baa kici
dunidaas haray umrtaan higsane aan daacad u ahaano
Qore:- Saleebaan Faarax Cali Garoon
Daalacatey :443 editor@boocame.comShort URL: http://www.boocameonline.com/?p=7290
---------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------
