DURDURO GEELBAA KUJABAY
Akhristow bal akhri waxaan shalay ka digayney, bal dib u eedi shallay markaanu ka digaynay Shirqookii Widhwidh iyo sida maanta Kalshaale loola wareegay iyaadoona dhalinyaradii Reer Buuhoodle cudud wax laga qaadin ee Shirqool loo dhigay ay u geysteen Odayaal ku sheeg, culimo xaaraan isku bahaysatay. Bal isgu eeg shallay iyo maanta
Akhristow xagee bay salaadu iska qaban ladahay?
DURDURO GEEL BAA KUJABAY
DAMAACINA WAA XUNYAHAY
DALKUNA WAA LAMAHURAAN(SSC)
DADKUNA WAA LAMA HURAAN(SSC)
Erayadaa kor ku xusan iyo kuwo kale oo badan waxaa loo tiriyey Inqilaabkii fashilmay 1971kii looguna tala galy in lagu minjaxaabiyo kacaankii dada yaraa ee ka curtay dalka soomaaliya 1969kii. Inqilaabkaas oo uu hormuud ka ahaa Sarkaalka lagu magcaabijirey Salaad Gabeydhe (Alla ha u naxariistee) laguna toogay isaga iyo raggii Inqilaabka lawadayba.muddo yar dabadeed wixii sharcigu u qoodeeyey.
Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa “Booraan hadimo ha qodin, haddii aad qodona ha dheerayn, ku dhici doonteetna mooyi’e”.
Aar-artani ama hordhacani waxay ku wajahan yahay Shirqooladii is daba jooga ahaa ee in muda aba ka socday deegaanda SSC gudo iyo dibed ba. Waxaase lama filaan ku noqotay Shirqoolayaashii mu’aamardda waday meel kasata oo ay joogaanba in ay guuldaraysaan si isdabajooga ah. Wax kasta oo ay maleegaana iyagii wejiga kaga qaraxday. Fadeexad iyo ciilna kala huleelaan goob kasta.
Dib uguma noqon karo 20kii sano ama 40kii sanno ee lasoo dhaafay. Marka aad eegto dhibaatooyinka loogaystay shacab-waynaha iyo deegaanka SSC. Anigoo ka duulaayah kala daadsanaanta iyo sida deegaamadoodii loo kala-qaybasaday. Qaarkoodna soor quudheed u raadsadeen SNM(Maamulka Hargeysa) IYO SSDF(Maamulka Garowe) oo iyagu meel uga soo waddajeeday, heshiis-midaysana ku ahaa, dhibaatadda iyo kala qaybsiga dadka iyo deegaanadda SSC, ilaa iyo meelintii lagu aasaayey Magaaladda Dirirdhaba ee Ethiopia 1978. Waxayna dhaar ku mareen waqtiga ay u soo marto awoodu inay kala qaybsan doonaan deegaanadda iyo dadka Dhulbahante. Marka uu waqtigu u saamaxo. Waana xaaladda ka aloosan deegaanka SSC labaatankii sano ee la’soodhaafay iyo kala qayb-sanaanta faraha ka baxday ee dadka reer SSC..Akhristow waa meesha ay salaaadu iskaqaban ladahay.
Haddii aan dib u jaleeco dulucda qoraalkayga ee maanta wuxuu ku wajahan yahay shirqooladii isdaba jooga ahaa ee wiigagii iyo bilihii la soo dhaafay ka soo baxayey deegaanadda iyo dadka SSC. Sida shirqooladii laga soo maleegay Maamulka Hargeysa iyo Maamulka Garrowe ee lagu dhextuuray beesha Guulleed Garaad(Barkad) taasoo looga danlahaa shir kusheeggyadii ku fashilmay tuuladda Xamar-Laguxidh iyo degmadda Widhwidh ee deegaanka Gobolka Cayn. Taas soo ay ka qaybqaateen dad ka soo jeedda Beesha Guulleed Garaad, qaar kale oo ka soo jeeda mandaqada SSC iyo weliba Maamulka Hargeysa iyo Garrowe. Kuna noqotay beeshaas filanwaa iyo jaahwareer horleh oo aan weligeed soo marin Beesha Guulleed Garaad.
Sida ay sheegayaan warar laga soo xigtay ilo xogogaal ah, waxay tibaaxayaan inay Shirkadda DhiigShiil ku bixisay lacag ka badan $100,000.00. Lagana bixiyey faraceeda Burco, Si Shirqoolkaasi u fulo. Looguna adeegaayey Maamulka asal raaca ah ee Woqooyi Golbeed. Taa soo ay u qorsheeyeen labadda maamul ee geesaha ka xiga waa (Maamulka Hargeysa iyo Maamulka Garrowe e) ugu bambayntiina ay si toos ah labadda Maamul u qirteen inay iyagu ku lug lahaayeen. Dhaqaalo iyo waqtina ay meel u dhigeen, waa sida ay hadlka u dhigeene.
Waxaana looga danlahaa shirqooladdaa sida soo socota:
1) In madaxa laysugu dhifto beesha Guulled Garaad(Barkad) si loo wiiqo difaacooda midaysan.
2) In Beesha Guulleed Garaad laga jaro Bahwaynta SSC loona gacan geliyo SNMta si aan wax dagaal ahi aagaa uga dhicin mardambe.
3) In Lagu cabudhiyo dhaqdhaqaaqa ciidan ee SSC iyo Hogaankooddaba. Si aanay dagaal dembe uga soo qaadin nawaaxidda Widhwidh oo ah furinta labaad ee difaaca iyo xoraynta deegaanadda SSC. Sababta oo ah waa aaga SNMtu ku wiiqantahay dagaaladii isdabajoog ahaa ee ay lagaleen dadka reer SSC, khaasatan nawaaxidda Widhwidh taasoo ay ku guuldareysteen si isdabajoog ah.
Waxaad si xeeldheer oo faahfaahsan uga helikartaa Yaa Ka Danbeeyay Shirqoolkii Widh-Widh, Maxayse Tahay Natiijada Kasoo Baxday?.iyo Website JIDBAALE oo ku caanbaxay warbaahinta qarniga cusub iyo xaaladaha SSC dad iyo deegaanba.
Anagoo taa lasiiyaaban, ayaa hadana maalmo yar ka hor, waxa maryihii dhigtay si xishood la’aan ahna u dhex-cararay Magaalada Buuhoodle Gudoomiyihii Golaha Qusuusiga ee SSC iyo koox yar oo ay shirqool xaaraan ah isku waafaqeen. Iyagoo eedayn iyo wax qabad la’aan ku soo oogaya Hogaanka SSC. Wax la taaban karo oo dhibaato ahna ku hungoobay markii laga hadal siiyey. Dunuub ay galeen oo xilka lagaga qaaddana cadayn kari waayey. Taas oo aan ahayn markii ugu horeysay ee ay shirqool ka dhex aloosaan dadka reer SSC iyo cidii kale ee dan kaleh Qadiyada iyo Hadafka SSC.
Waxaa intaas ka sii naxdin badneyd markii ay cuskadeen Shuruuc lagaga dhaqmo dalalka Yurub iyo Woqooyiga Mareykanka (US Constitution) taas oo aan lagaga dheqmin dalalka Africa amaba aduunka sadexaad. SSCna warkeeda meel iska dhig, Waa maamul aan welli si rasmi ah u cagadhigin kuna jira xaalad qalafsan oo dagaal iyo xoreyna ah. Hogaanka iyo Masuuliinta kale ee SSC laftooda ayaa dibed wareeg ah, oo aan hoy rasmi ah lahayn. Xafiis laga qaado iyo Kursi madaxwaynena warkiisu ha inoodambeeyo. Kuwii ururka ahaa e-mail lada uga soo diraayey North America iyo Europe arintaas looma qeexin Fidma walayaasha Shirqoolkani ka dhicisoobay. America waa America, Soomaaliyana waa Soomaaliya, kala barta Sunnha iyo Faralka
Waxaase inaas ka siiqosol badnayd markii ay cusukadeen Distuurka Mareynka xeererkiisa looyaqaano (Impeachment) xilka-qaadid Masuul sare. Sida Madaxwaynaha, wasiiradda iyo Xaakinmiinta Maxkamadaha. Kadib marka ay ku cadaato waxa loo yaqaan(High Crime and misdemeanor) taas oo aad ka garan karto sida aanay u sahlaneyn taas lafteedu. Distuurka Mareynka oo jira in ka badan 200 oo sano laba jeer ayaa la isticmaalay (Presidential Impeachment) hal marbaana Madaxweyne shaqadda lagaga saarey ilaa iyo mudadaa.
Soomaaliya oo aan lahayn dowlad dhexe labaatankii sano ee u dambeeyeyna Qusuusi-yow xageebay u soo martay shuruuc ay sameysteen Mareykan beeraley ahaa jirey muddo laga joogo 200 oo sano in ka badan? Waxaase yaabka yaabkiis ah SSC waxay ka howlgashaa deegaanadda loo yaqaan; HAWD IYO NUGAAL dhaqan iyo caado u qaas ah na leh. Markii iigu dambaysey ee aan akhiyo (US Constitution) kuma aanan arag meel qusaysa SSC, Hawd iyo Nugaal-Godan, waana meesha kale ee ay akhristow salaadu iska qaban ladahay. Markii daaqadda laga saaray wixii hadafka u ahaa shirkii horsed iyo masuuliyiintii lagu magcaabay.
Waxaanse jeclaan lahaan inaan xasuusiyo kooxda xaaraanta ku heshiiyey iyo Gudoomiyahooda/Afhayeenkooda:
1) Waxaa la’idinku keenay hab qos ama reer,ama jifo. La’ idinkuma keenin hab doorashow iyo codayn laydiinma codeynin(Vote). Caaqiliin baa gacanta idin soo qabtay
2) Waxaa la idiinka fadhieyey inaad ku noqotaan beelihii aad ka timaadeen kuna soo ururisaan ciidan iyo dhaqaalo si loogu fuliyo hadafka dhow iyo kan dheer ee SSC higsanayso. La idiinma keenin inaad Huteel Buuhoodle seexataan lacagna ku raasataan.
3) Inaad la shaqaysaan Hogaanka iyo ciidanka ku hawlan shaqadii loo idmay. La idiinma keenin inaad shirqool iyo xagla daacin kala dhamaan waydaan SSC dhexdeed iyo Hogaanka.
Laakiin Hogaanka iyo ku xigeenka waxaa lagu keenay hab codeyn iyo doorasho(vote) ay shacabka reer SSC iska dhexdoorteen shirkii horseed ee Nairobi_Kenya
Hogaanku in ka yar 8 bilood ayey dalka ku sugnaayeen, waxyaalaha ay qabteena waxaa ka mid ahaa:
1) Dhisida iyo Magcaabidii maamulka SSC, faracyadiisa kala duwan.
2) ka qayb qaadashadii dagaaladii Widhwidh, Buuhoodle, Bali-Hadhac, Saaxdheer IWM.
3) Heshiisiinta Beelaha, Reer Hagar, Cabdi-Garaad iyo mashaqadii Cagaarey ee Bahararsame iyo Cumar Maxamuud iyo qaarkale.
4) Faafinta magaca SSC iyo himiladiisa ee dalalka jiiraanka inla ah, sida Kenya, Ethiopia,Yaman iyo Jabuuti. Waxayna la kulmeen Haayadaha Caalamiga oo dhan iyo Sifaaraddo fara badan oo aanaan Magac yadooda halkan ku soo koobi Karin.
In ka badan 24 dal oo ku kala yaala dunida dacaladeeda ayaa laga xusay sanad guuradii 1aad ee aasaaskii SSC. Iyadoo ay kala sooqayb-galeen dhamaan shacab waynaha soomaaliyeed ee ku kala nool aduunka dacaladiisa. Hogaanka SSC oo kaashanaaya dadka xalaasha ah ee reer SSC iyo Soomaali-weyn ayuu gaarsiiyey dadka iyo dalka SSC in taas iyo qaar kale oo aan xaashi lagu soo koobi Karin, mudo ku siman HAL SANO.
Su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay : Kooxda shirqoolkan soo maleegtay ee ka mid ah Golaha Qusuusiga SSC, maxaad idinku SSC dal iyo dibedba u qabateen? Ma dhib mise dheef? Jawaabtu waxay u dhow dahay waxa keliya ee la dinka arkay inay tahay shirqoolo is daba joog ah iyo inaad habeen iyo maalin kasta la safan tihiin cadowga SSC gudaha iyo dibedaba. Su’aasha labaad waxay ku haboon tahay keese u qalma in xilka laga xayuubiyo, lana soo taago sharciga hortiisa?, Ma Hogaanka in taas ku qabtay mudo hal sano ka yar?, Mise, Kooxda yare ee Shirqoolka Xaaraanta ah isku bahaysatay?
Waxaanse kaga baxayaa, heesta soomaaliyeed ee ah:
Geesiga dhulkiisa
Guusha u horseeda
Geerida dishaay geedkaa habo.
Ku gabraratada
Gumeysigu ku dhuuntiyo
Gaad ma diixumaataay geedkaa habo.
Omar M. Samatar
(Southern California, USA)
Daalacatey :393 editor@boocame.comShort URL: http://www.boocameonline.com/?p=7316
---------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------