|

Gabay loogu jawaabayo Beesha Bariga Burco

AS/WR/WB
Gabaygani wuxuu jawaab kooban uyahay gabayga ka hooseeya ee doraad lagu soo daabacay Qorilugud. 
 
Cosobsiga hashii barata iyo cidhifka daaqiisa
Cishuun bay dhurwaayadu cunaan kuna casheeyaane
Coobaha marbuu kalajaraa cooflihii bahale
 
Caynkaad wadaan habar jeclooy cilinki waa yaabe
Cagaagiyo mudaad buurihii camal ilawdeene
Cariskiyo banaanada mudaad cimidh u daaqdeene
 
Carigiyo dhulkaygii markaan kugu casuumeeyey
Cuudkiyo markay kuu bateen coodidiyo maalka
Cidiyuhu markay kuu bexeen baad i caasidaye 
Ciyoon baad ilawdeen waxaan caana kuu shubaye
 
Cisi iyo wanaag kuma anhelin’ caawidaan idhiye  
Caybaad bilawdiyo inadaad igu ciyaartaaye
Cafiskii badnaa eede iyo camal samaantiiye 

 

Casharada ankuudhigo hadanad cayndhe kari waayin
Curcuradiyo qararkii hadaan lagu cillaalaanin
Hadii annan cashiyo buurihii kugu ceshiimaynin
Curadada lagaa dilo hadaanay kuman cagayn waayin
  
Caasi baad ahaataye hadanad caabid noqon maanta
Cali geriyo reer Hagar hadaan cagaha loo maydhin
Ciilkiyo dhibaatadu hadaanay kaa camirin laabta
Cuqdadaad qabteen iyo hadaanay cadhadu weynaanin
  
Ceesaanahaagii hadaanad adhiga caataysan 
Canjil baad bilwdiye hadaanad caaqil odhanwaayin
Culayskiyo dhibkaagii hadaanan maanta soo celinin
Cabashooyinkii hore hadaanay cayma noqon waayin
 

————————-

Hanjabaado ayaa waxay kazoo yeerayaan beesha qarilugud taas oo shalay oo arbaca ahayd lagu soo daabacay barta inernetka . Website ay leeyihiin beesha qorilugud ayaa waxaa lagu soo daabacay gabay ay isku guugaabinayaan beeshaasi oo xataa aanay qarsan. Webkan oo lagu magacaabi www.qorilugud.com ayaa waxaa lagu daabacay tixdan,
 
Ninkii nabad cisaynaayayoow timi colaadiiye
Haddii aan cadaan looga qixin Cidhifka buuhoodle
Cida reer marqaan iyo hadaan Qaraaro caydhoobin
Hadaan curadadii Layga dilay caaqilo ulaynin
Cali geriyo reer hagar hadaan Haadu ku cashaynin
cimrigay intuu jiro hadii Cidi kunaalooto
calaan ahoo Calaydhalay haddii layga caban waayo.

 

Gabaykaan Kale waxaa isna Nasoo gaarsiiyey Abwaan Magaciisa layiraahdo 

Saleebaan Faarax Cali Garoon‏

balada nimankaa yabohoo baaqa soodiray
bilaahida hadii aan maroo beenta kabasaaro
burburkiyo shidada marnaba  layma buun buunsho
burco iyo barbar hadaan bilistu wada ooyin
oo baadariga waynu meeshuu fadhiyo boodhku kor uduulin
bir adaygii laygu yiqiin baa bilaash noqon
bahdaada kuwii ahaa oo boobka kuguraacay
balantii aykuu qaadayeen iyo burjigu haduusan buushe kaanoqonin
 
baligii kalshaaloo doraad baladu kaaraacday
boog hadaanan kaagadhigin buugta kuugala
allaylehe biyihii  daarood barax aan ka ahaado
 
 
baabulaha libaax oo wax badan ayda ku abaaday
baahiyo haraad wuxuu beerka ula jiifo
baadi luntay markuu helo buu micida doojaa
dabadeed bogii xoodmay buu xalus kuyeeshaa
 
baadil adigoo raboo been kitaab maray
bareere aan qarsoonayn  sharcigiyo diinta ugabayray
beer jileec inaad iga hesho marnab hayga sugintaas
danbiyadaas kubiirsanaa waa lagaa jariye
boga rasaas inaan kaaladhoco waa abaalkaaye
 baadrool inaan kugushido baan balankumarayaaye
baqa carar inaad boorame gasho baan balan kumarayaaye
bugtadaad qabteen mataabane waa bilow hadalku
maansadana halka iigudaa baaqi baaharaye

—————————————————————-

Daalacatey :1026

editor@boocame.com

Short URL: http://www.boocameonline.com/?p=7456

---------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------
Posted by on Dec 12 2010. Filed under slidernews, Suugaan, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Gabay loogu jawaabayo Beesha Bariga Burco”

  1. meesha rag baa iska helay waa ragii guba ragii ay dhaleen labada gabay ee sare waa isu dhigamaan oo laba nin oo gabyaa ah ayaa tiriyey laakiin ka danbe waa buraanbur ma wacna in shirka la keenokkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. esh cala gabay laakiin abwaanka magacii gabayga tiriyey

  3. Mansha allaah waa kuwaa geesiyaashii Darwiish maxaa ku yaal afqurjiile ina idoor
    Abwaan Saleebaan Cali Xassan nooloow cadawgeena jaban SSC guul4 ever

  4. gurmad iyo anoo goob colaad gooni ka ahaaday
    gildhigaanka anoo duubtay iyo geeshka qorigayga
    anuu guriga raartiisa iyo gurada ii yaalo
    gacmo nabada anigoo sidoo godobta diidaaya
    gayigayga nimankii qodee godadka faadhfaadhay
    gar nasteexo markaan ula tagiyo gacal walaalowba
    haday guuto noosoo baxsheen galin horaadkiiba
    magadooday waa taan waxbadan gaadhsanaan jiraye
    gildhigaanka iyo maw rakibay gumucyo qiiqaaya
    geddi aan lahaan jiray miyaan goosana udiiday
    ma gumaaday nimankii kibree godadka faadhaayay
    galkii balikalshaaliyo miyaan goobtii ka eryooday

  5. waa sidii larabay nimankii dhulbahantoowe halkaa kawada waajawaab taan rabaye habar jeclo waxay tahay caalamka tusa waxayn ahayn bay ismoodeene mariya abaalkooda wanaagey eedeene
    .

  6. maansha allah abwaanada ilahay hanoodayo war nimanki isaq waxay ahayn bay ismodene wale waxa afka ciida layni dariyo ilkaha layni kaso daadsha oo sanadadi laga so gudbay aanu iska daynay aye kibrene buurihi halagu celiyo o dhuusadodi aye nalaso jiidhene wax tusa wale waxba ismodene wa layni jilib dhagaya marki hore wa lay tudhayaye hada warba ini haysa dhuusada cesta habrahow ok

Leave a Reply

Recently Commented

  • Mohamed: Subxaan ma 70kii ayaad garanaysaa?
  • Gurey: arrinkan oo kale hadda ka hor kismaio ayey ka dhacdey , todobaatameeyadii, ninka naagta qabey baa sixir loo...
  • Gurey: furitaanka airportka taleex waa horumarka laa taaban karo , oo ay khatumo state maamulkeeda sameeyeen, waana...
  • Ms maxamud dhiil: Thnks sntv and maxamud boocame Warkaas baa igu soconayaa all thnks
  • Gurey: qaylo dhaan ma maqal meel go’doon ah baan ku noolahay ee kabiirka sawirkiisa aad soo dhigteen halkan ma...