Ogaysiis Dhamaan Jaaliyada Somaliyeed:- Mudaharaad kadhacaya London 23/02/2011
Waxaa la ogaysiinaya dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee jecel midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed in ay kasoo qaybgalaan Mudaharad aad ubaaaladhan oo loogaka soo horjeedo kala qaybinta dalka Soomaaliya isla markaasna lagu taageerayo wada jirka iyo midnimada Dalka iyo shacabka soomaaliya.
Mudaharaadkan oo kadhacaya Maalinta 23 feb 2012 oo ah maalinta uu dhacayo shirka loogaga hadlayo arimaha Somalia, shirkaaas oo kadhacaya Magaalada London , Mudaharaadkuna waxa uu kadhacaya 10 down street oo ah kasoo horjeedka aqalka raisal wasaaraha dalka Britain.
Hadaba dhamaan umada soomaaliyeed ee jecel midnimada soomaaliya ee kunool dhamaan gobolada dalka Uk waa in ay kasoo qaybgalaan waa in caruuraha iskuulada fasax looga soo qaado waa in shaqooyinka fasax laga soo qaata si loo badbaadiyo dalka iyo dadka soomaaliya iyo qaranimada soomaaliya meelna looga soo wada jeestaa dadka jecel in soomaaliya lagala jaro.
Balankeenu waa 10 Downstreet kasoo horjeedka aqalka raisal wasaaraha iyo Maalinta Khamiista 23 February 2012 Saacada 9:00 ilaa 4 pm galabtii
Wixii Faahfaahin ah kala Xidhiidh
AdanĀ 078 7753 9503.
Ahmed Qani 079 4911 2918.
Daalacatey :4582 editor@boocame.comShort URL: http://www.boocameonline.com/?p=25225
---------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------
Soomaaliyeey toosoo isku tiirsada ee hadba kiina taag daranee,
taageera waligiinay.
Asc wr wb,,,,,,,,,,,, Dhamaan Shaqaalaha Webside boocame,
Salaan ka bacdi, Waa muhiim in caalamka aan u muujino rabitaanka wada jirka umada somaliyeed iyo sida ay u tahay lama huran midnimada umada somaliyeed dal ahaan iyo dad ahaanba, midnimada somalia gor gorton ma leh waana lama taabtaan, Waxaan idin leeyahay dhamaan umada somaliyeed, ku dadaala wada jirkiina iyo isku duubnimadiina meel waba aad kala joogtaan, ..
Caalamkana waa inay tix galiyaan wada jirka umada somaliyeed, dhowraan qaranimada somaliyeed oo hal dal ah ,somaliyee toosay isku tiirsada waligiin kiina taag daranee taageera waligiina, guul iyo gobonimo somaliweyn,,,
Maigh Allaab Bless Somali Federl Government,….!!!!!
Dhamaan Soomaalida joogta U.K waxaan ku boorinayaa inay ka qayb qaataan mudaaharaadkaas loogaga soo horjeedo kala qoqobista dadka Soomaaliyeed. Waxaan leeyahay, midnimadda Soomaaliya waa muqadas qabiil raba inuu Soomaali kala gooyo Soomaali yaysan yeelin.
waxaan ku talin lahaa in dadka qurbaha somaliland uga ololeeyo gacan bir ah lagu qabtaa oo la garaacaa ama la aamusiyaa way xishoon waayeene. dadka ugu horeeyo ee edebta loo yeelayaa waa kuwa tv yada ka hanjabo ama xuduud ayaan soo xiraynaa iwm ku hadlaaa. qofkastaa waa la yaqaan meeshuu dagan yahay iyo waxuu qabto si fudud ayaa edeb loogu yeeli karaa. waa in ay cabsi ku noolaada iidoorku meel ay joogaaba iyo ciil.