Telesombanner2013

Buuhoodle july 2014: Dawrooyinkii cilmiga iyo aqoonta ee buuhoodle oo lasoo gabagabeeyey Iyo Bulshadoo si iskumida uga faa’idaysatay |Video|

Filed under: Isbarashadda Reer Khaatumo,Islaamka,Wararka |

Magaalada buuhoodle ee caasimadda gobolka cayn ayaa lagusoo gabogabeeyey dawrooyin sharci ah oo fasaxan loogu magacdaaray [دورات العلم والمعرفة]  labada dawro ayaa kala ahaa sidan:

1-      Dawro loo qabtay ardayda dugsiga sare ee machadka alfurqaan, laguna qabtay xarunta jaamacadda bariga afrika ee buhoodle.

2-      Dawro loo qabtay ardayda macaahidda icdaadiga ah kana soctay xarunta machadka ummusalama ee buuhoodle.

Dowradan oo soconaysay muddo bil ah ayaa waxaa ardayda loogu qabtay labo xarumood oo kala ah xarunta jaamacadda bariga afrika & xarunta mac-hadka Ummu salama ee magaalada buuhoodle

Waxaa kasoo qaybgalay xaflada lagu soo xidhayay dawradaas Ardayda ka faa’iidaysatay, macalimiintii bixinaysay, waalidiin,isimaada waawayn ee gobolkani cayn, & marti sharaf kale

ugu horayntii waxaa kawar bixiyey dowrada & intii ay soconaysay sh. cabdilaahi cabdisamad & sh.maxamed cabdiwali yuusuf oo maamulayaal ka ahaa labada meelood ee dowradani kasocotay.

Maamule ku xigeenka mac-hadka sare ee al furqaan buhodle sh/Axmed maxamed samatar ayaa kahadlay muhiimadda ay leeday doowrooyika noocan oo kale ah.

Halkaan ka daawo muuqaalka


Sh/mubaarig sh/xuseen sugulle madaxa waaxda dacwada ee gobolka cayn ayaa u mahadceliyey machadka alfurqaan iyo macaahidda raacsan iyo weliba qaban qaabiyeyaasha dawradan, wuxuuna dhiirigeliyey soo celcelinta dawrooyinkan sharciga ah.

Ardaydii ka faa’iidaysatay dowradan ayaa iyaguna goobta ka hadlay waxayna ka warbixiyeen wax yaabihii ay barteen iyagoona tilmaamay in ay ku adkaan lahayeen casharada qaar hadii aysan helin dowradan muhiimka ah

intaas kadib waxaa hadlay masuuliyiinta golaha deegaanka ee degmada Buuhoodla, culimo, waalidiin & marti sharaftii kale ee xafladda kasoo qayb galay

Ugu dambayntiina waxaa munaa sibadda soo xidhay garaad saleebaan buraale aw aadan oo ka mid ah isimada Gobolkan cayn iyadoona halkaas abaal marino & shahaadooyin lagu gudoon siiyey ardaydii dowradu u soo dhamaatay

 

DSCI0581DSCI0583DSCI0586DSCI0587DSCI0591DSCI0594DSCI0598DSCI0603DSCI0607DSCI0611DSCI0615DSCI0617DSCI0618DSCI0627DSCI0633DSCI0635DSCI0637DSCI0638DSCI0639DSCI0641DSCI0643DSCI0644DSCI0647DSCI0648DSCI0650DSCI0653DSCI0655DSCI0656DSCI0662DSCI0664DSCI0666DSCI0667DSCI0669DSCI0676DSCI0678DSCI0679

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>