|

Baaq ay soo saareen Jaaliyada Maakhir ee dalka UK kadib shirkii Liverpool, 26kii Bisha 2aad ee 2011


BOOCAME

Shirweynihii ka dhacay magaalada Liverpool ee dalka UK ayaa waxaa laga soo saarey baaq ku aadan dagaaladii ka dhacay deegaanada Kalshaale, Meygaagle iyo Hagoogane.

Baaqan ayaa waxaa laga codsadey Somaliland si deg deg ah ugala baxaan ciidamadooda Deegaanka Kalshaale isla markaana Magdhow shardi la’aan ah ka bixiso Dadkii ay ciidamaaasi ku xasuuqeen dagaaladii Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane.

Waxaa sidoo kale maamulka la farayaa inuu faragelinta ka daayo Gobolka Cayn iyo dhamaan gobolada kale ee ay sheegato oo ay ka mid tacay Caro Maakhir, ogaadaana hogaanka Maamulka Somaliland in dhulka lakala leeyahay oo lakala dego, cidina aysan dan ugu jirin dagaalo iyo colaado laga huriyo goboladaasi.

Sidoo kale Jaaliyadu waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Eheladii iyo qaraabadii dadkii shacabka ahaa lagu xasuuqey Dagaaladii Maygaagle, Hagoogane iyo Kalshaale, waxayna Allahooda uga baryeysaa denbi dhaaf iyo janadii inuu geeyo.

Sidoo kale Jaaliyadu waxay u ogeysiineysaa shacabka Gobolka Cayniney Garab taagan yihiin ayna dareensan yihiin dhibka lasoo wajahdey isla markaana hiil iyo hooba la garab taagan yihiin.


Xubin ka mid ah Bahda LaasqorayNet

—-عضو في الشبكة لاسقري نت الاخبارية —-

Member of LaasqorayNet Team







Daalacatey :1660

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Feb 27 2011. Filed under News, slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply