|

Wadaada dhulbahante Iyo haberjeclo oo kulankuyeeshay London

 
BAAQ NABADEED
 
“ولتكن منكم أمة يدعون إلى الخير ويأمرون بالمعروف وينهون عن المنكر وأولئك هم المفلحون”
 
“وتعاونوا على البر والتقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان واتقوا الله إن الله شديد العقاب”
 
Waxaa waayadanbe ka socdey magaalada London ee dalka Ingiriiska kulammo isdaba joog ahaa oo ay wada yeelanayeen culimada ka soo kala jeeda Beelaha Habar-jeclo iyo Dhulbahante oo ku hawlanaa kaalintii ay ka qaadan lahaayeen nabadaynta iyo xal u helidda shaqaaqooyinka ka jira deegaanka Kalshaale,
 
Haddaba wada hadal dheer, faallayn iyo isxogwaraysiyo kaddib oo dhex maray waxay Culimadu isla garteen inay si wada jir ah usoo saaraan Baaq-nabadeed oo sidan u qoran:-
 
1. Waxaannu ugu baaqaynaa dadka walaalaha ah ee ay dhibtu ku dhexmartay deegaammada Kalshaale iyo hareerihiisa xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, Waxaannuna walaalaha xusuusinaynaa inay ilaahay ka baqaan xurmada uu Dhiigga Muslimku leeyahayna la ilaaliyo,
 
2. Waxaannu soo dhoweynaynaa oo taageeraynaa baaqyadii nabadeed ee ay soo saareen dhamaan culimaa,udiinka iyo wax garadka nabadda jecel waxaanan Allah uga baryeynaa inuu ka abaal mariyo.
 
3. Waxaannu ugu baaqaynaa dhammaan dadka walaalaha ah ee  ka soo jeeda deegamadaas inay nabadda ka wada shaqeeyaan wanaaggana isu kaashadaan meel ay joogaan ba gudaha dalka iyo dibadiisaba.
 
4. Waxaannu walaalaha ugu baaqaynaa in wax walba oo jira wada hadal iyo walaalnimo lagu dhammeeyo,
 
5. Waxaannu soo dheweynaynaa tallaabo walba oo dhanka nabada loo qaado oo isu soo dhawayn karta dadka walaalaha ah.
 
Waxaan kaloo soo jeedinaynaa si xabbad-joojintu u taabba gasho in ciidamada is hor fadhiya la kala durkiyo.
 
 
 
 
Gebagebadii waxay Culimadan Reer London isla garteen inay si wada jir ah ugasii wada shaqeeyaan geeddi-socodka nabadda ilaa inta laga gaadhayo guul iyo nabad waarta.
 
Magacyada Culimada:-
 
1. Sheekh Ali Mohamed Ahmed (Ali Mawliid
2. Sheekh Hassan Abdillahi Ashur
3. Sheekh Jama Suleiman Abdi
4. Sheekh Jama Dhinbil Adan
5. Sheekh Jibriil M Salah
6. Sheekh Abdiaziz Hassan  Jama
7. Sheekh Ali Hassan Shire
8. Abdirashid Mohamed Abdi
9. Ciise Farah Abdi
10. Osman Hassan Ashur
11. Mohamud Mohamed Hersi (Dhinbil)
12. Musse Farah Abdi
13. Abdillahi Colhaye
14. Iimaan Mohamed Jama
15. Mohamed Ismail Nuur
16. Abdullahi Mohamed Hassan
17. Aydiid Ali Elmi
18. Ibrahim Ali
19. Ciise Mohamed Hassan
20. Osman Mohamud Abdi
21. Mohamed Aadan Farah
22. Omar Yoolac
23. Abdirazaq M Ahmed Doodi
24. Ahmed Hassan Farah
 
 
والله على ما نقول وكيل

Daalacatey :485

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Feb 27 2011. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...