Caawa & Ciyaraha Calamka Wararkii Udanbeeyay Oo Xiiso leh + Sawiro
David Silva oo Shan Sano oo qanadaraas cusub ah u qoray Manchester City
Manchester City ciyaariyahankeeda qadka dhexe David Silva ayaa Qoray Shan Sano oo qandaraas Cusub ah taasoo ka dhigaysa inuu kooxda sii joogi doono ilaa iyo Xagaaga 2017 ka
26 Jirkan u dhashay Dalka Spain ayaa u ciyaaray 107 kulan isagoo dhaliyay 14 goals tan iyo Markii uu ku soo biiray kooxda ah Horiyaalka Premier League waxa uuna kaga yimi Valencia Aduun Dhan £26m June 2010.

Silva ayaa u sheegay Official Website ka City ‘’aad ayaan uga mahad celinaa Maxaa yeelay Halkan waxaan Joogay Laba Sano hada waxaana dareemayaa inaan Halkan aad ugu Faraxsanahay kooxda Magaalada iyo dadka oo dhan’’
Marka hada waxaan ku faraxsanahay inaan kordhiyo qandaraaskayda halkane xaqiiqdi waxaan dareemayaa Gurigaydi oo kale
Waxaan ku guulaysanay Horiyaalka Premier League iyo Laba koob oo kale kooxduna way dhismaysaa hada waxay u jeedadu tahay inaan ku guulaysano Champions League taansa waa Mid kale oon rabo oo halkan aan u joogo isku dayana inaan ku guulaysto
Labdi sano oo la soo dhaafay waxay ku soo dhamaatay si aad u wanaagsan marka Shantan Sanana aan rajayno inay ku dhamaato si wanaagsan ama xataa Fiican
Mourinho wararkiisu Ma caawinayaan Real Madrid waxaa yiri Calderon

Madaxweynihii Hore ee Real Madrid Ramon Calderon ayaa dareemaya in Macalinka Kooxda ay qalad ku ahayd warkii uu yiri ka dib kulanki Los Blancos 1-0 ay kaga adkaatay Sevilla
Macalinka ayaa yiri Mahaysto koox kadib guularadii lama filaanka ahayd ee ku dhacday
Mourinho wararkiisu ma caawinayaan kooxda dhan walbo ciyaartoydu si fudud ayay ku dhihi karaan hada la joogo Mahaystaan Macalin Calderon ayaa sidaa u sheegay RAC1
Waxaa la qaatay in loo arko badiskan Shil dhacay waxaan qiyaasayaa in ciyartoydu iyagu xataa aysan ku qanacsanayn warkii Mourinho
Madrid ayaa dhumisay Sideed dhibcoos usbuucyadii Furtaanka 2012-2013 Campaing ka ah waxayna ka fariitsaan kaalmaha kala horaynta Horiyaalka kaalinta 11
Aguero oo dib usoo naqanaya

Manchester City ayaa dib usoo dhawaynaysa goal dhaliyaheeda Sergio Aguero Talaadada Champions League Kulanka ay la ciyaarayso Real Madrid
Aguero ayaa Hal Bil la maqnaa dhaawici soo gaaray laakiin wuxuu dib uga soo Mid naqday kooxda Kulan Ka tirsan Group D oo ay ku ciyaari doonto Bernabeu
Ciyaariyahanka Qadka dhexe Gareth Barry ayay u badantahay inuu ku soo bilowdo ka dib markii uu ka soo muuqday Markiisi ugu horaysay Xili ciyaareedka isagoo Badel ku soo galay Kulanki sabtida 1-1 ay la dhaafi waayeen Stoke
QPR oo dhaawac qatar ahi uu ka soo gaaray Johnson
QPR goal dhaliyaheeda Andy Johnson ayay u badantahay inuu dhaawac ku seegi doono dhamaan Xili ciyaareedka 2012-2013 iyadoo uu gaaray dhaawac halis ah
Ciyaariyahanka Cusub ee ay kala soo wareegeen Fulham ayaa dhaawacmay kulanki Barbaraha 0-0 ah ay la galeen Chelsea Sabtidii
Baaris laga marsiiyay dhaawaca ayay sheegtay kooxdu subixi isniinta inuu wajihi doono dhaawac qaadan doona waqti dheer
Laba ciyaariyahan oo kale Fabio de Silva iyo Anton Ferdinand ayaa sidoo kale wax gaareen kulanki Blues ay ka hortageen waxaana la filayaa inay Maqnaadaan Dhowr usbuuc
Wararka ayaa mar kale sii kaciyaraya xaalada Mark Hughes kaasoon wax kulan ah weli badin xili ciyaareedkan lana Fadhiyay Kaalinta 18 aad Laba dhibac.
Sanad walba waa sii adkaanaya-Lampard oo ka cabsi qaba Juventus

Chelsea ciyaariyahankeeda qadka dhexe Frank Lamaprd ayaa ka hadlay xushmada uu u hayo kooxda italia ka hor kulanka Blues ee Furitaan Group yada Champions League ee ka dhici doona Stamford Bridge habeenka Arbacada
Blues ayaa ka hortagi doonta kooxda ah Horiyaalka Serie A da Arbacda Stamford Bridge iyagoo ku faraxsan inay helaan Bilow fiican Campaing ka Europe
Si walbaba 34 jirkan ayaa ayaa qirtay inay adgtahay in la garaaco dhinici ku guuleystay Horiyaalka Italia iyagoon laga badin Hal kulan
Sanad walbo wuu sii adkaanayaa Real Madrid iyo Barcelona waxay ka soo adkaanayaan sidi hore laakiin anagu waa inaan ilaalinaan Muhimadeena kuna bilowno si wanaagsan tan iyo Bilowga Group ka ayuu u sheegay Wariyaasha
Waan ognahay kulanka aan ka hortagayno Juventus inuusan sahlanayn waa koox adag
Taasna waa qayb ka mid ah Taariiqda kubada Cagtay.
Wenger: Szczesny waxa uu sii ahaan doonaa Goalhayaha Koowaad ee Arsenal

Arsene Wenger ayaa sheegay in wojciech Szczesny uu sii ahaan Goalhayaha koowaad ee Arsenal ka dib Marki uu sameeyay qalad kulanki Gunners ay guusha ka gaartay Southampton
Szczesny ayaa soo naqday laba kulan ka dib isagoo dhaawac ku maqnaa waxayna ahayd qalad isagu uu Mas,uul ka ahaa halkii Goal ee ay dhalisay Southampton taasoo uu ka faa,iideystay Danny Fox oo ka dhaliyay Arsenal Goalki ugu Horeeyay ee Xili ciyaareedkan
Si walbaba goalhayaha da,da yar ayaa kalsooni ka helaya Macalinkiisa
Wenger ayaa sheegay In Szczesny uu sii qaban doono Goosha Arsenal
Waxa uu u sheegay Official Website ka kooxda wojciech waa Goalhayaha koowaas taas way cadahay waana sababta uu goosha ugu soo naqday.
By – Yaasir Cagod
Yaasir00@hotmail.com
Cape Town S/Africa
UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------
