|

Siyaasada horgalaashu waa noocee? & Aragtida Shacabka Ssc (Qormo)

Ugu horayn Mahad oo dhan Alle ayay usugnaatay waxaan maanta Qormadan kooban Ku Eegaynaa Hadii Alle idmo Sidaad ciwaankeedaba ku Argtaan Siyaasada Guracan ee Horlagada Kasoo Jeeda Deeganada SSC ee Maamulka KHAATUMO STATE  una Xagliya Danhada Maamulada Hareeraha ” SOMALI LAND – PUNTLAND” oo labaduba dibindaabyo ku haya Horumarka deeganadaas.

Hadaba Hadii Aynu usoo Daadegno Qormadeenan Markaa Aad ufiirsato Siyaasada Horgalayaasha Ayaa waxaad ka dheehanaysaa Inay Yihiin Shaqsiyaad aan Fahamsanayn meelaha ay usocdaa iyo waliba waxyaabaha ay qabanayaan.

Waxaynda Shaqsiyaadkani dusha uriteen Lugooyada & dhibka ay usoo jiidayaan shacabkooda, waxayna iska indhatiraan dhamaan rabitaanka shacabka iyagoo shir kasta la taga waxyaabo aan qab soomayn oo jirin.

Hanka Ku jira Horgalaasha ee Dhanka Siyaasadu  Waa Noocee?

Iyagoo dankani ay yihiin kuwa laysaga soo hormajiyo Dhibaataynta dadkooda , Ayaa hadana dhibka jira ayaa waxa uu yahay inaysan lahaynba wax han siyaasadeeda oo ku wajahan maamulada hareeraha, waxayna dhamaan kawada simanyihiin, inay qabtaan xilal hoose oo aan Cuntamayn.

Tusaale Ahaan- Waxaa jira niman xilal Kaqabtay una doontay Maamulka Goboleedka  (Somali Land) Waxayn dhamaantood hada hayaan Xilal aan Haboonayn, hadana ah kuwa ugu dhibka badan ee marka loo eego bulshadooda.

Talo Kusocota Horgalada Habaabay & kuwa Kusii Wajahanba!

Waxaa Dhamaan Loosoo jeedinayaa Dhamaan Shaqsiyaadka Kasoo jeedada Deeganada SSC ee Maamulka Khaatumo Inay Dadkooda wax laqabaan una istaagaan inay ku shaqeeyaan rabitaanka shacabkooda, iyagoo aan kaduulayn siyaasad Reero kale.

Qaarkamida Shacabka Oo Nala Qaybsaday Aragtidooda ku Aadan Horgalada.

Mr Xuseen  Osman :-  Ayaa Aragtidiisa ku aadan Siyaasada Horgalayaasha Waxa uu kusoo koobay sidatan: “”anigu waxaan ku darsan lahaa siyaasada horgaladu waa “Adhi abqaala oo jilaal jooga marba waxay dhowraan qofka abqada u lula geedkuu aadana way  aadaan waliba iyagaa uga sii horeeeya “ Thanks Axmedoow.

Suleekha Abdi:- Aniga hadii aan fekerkayga ka dhiibto su aashan waxaan dhihi lahaa “Horgalada waxaan u arkaa niman dhuuni qaatayaal ah, calooshooda  waxay ucini lahaayeen ayuunbayna ka fekeraan”

Sidoo kale – Mr Aden Jamac Oogle- Ayaa Dhankiisa Yidhi:-  Axmedoow  waxaan ka Odhan lahaa Arinkaas Hadalkii Abwaan jaamac kediye cilimi ee Ahaa “Awoowgii rumaadiyo aabihii ninka diidayee, Asalkiisii kaleexdoo,  Halkaad doontid abaaroo abtirsiimo u doono”".

Dhamaan Akhristayaasha Sharafta leh Intaas ayaan Kusoo Gaabinyaa Qormadan aan Maanta Ku eegaynay Siyaasada Horgalayaasha Kasoo Jeeda Deeganada SSC ee Maamulka Khaatumo State.

Waxaa Qoray Iskuna Soo Duway- Axmed Darwiish

Boocame Online – Warbaahinta Qarnigan Cusub.

 

Daalacatey :1341

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Sep 30 2012. Filed under Media, slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...