Xaflad lagu taagerayo Waxbarashada & Dhiilo Welfare and Education foundation oo kadhacday Degmada Boocame , (Waraysi+Sawiro)
Waxaan ka dhacday Degmada Boocame ee Gobolka Sool Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen Boqolaal Dad wayne ah oo isugu jira Aqoonyahano,Waxgarad Culimo iyo Bulshada noocyadeeda kala duwan,Xafladan ayaa waxaa qaban qaabiyeen Waalidiinta iyo Bahda waxbarashada Boocame oo u hormood ka yahay Maamulaha Dugsiga Sare Ahmed Osmaan lug -Atoor iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boocame Coondhe Cabdi Cumar.
Xafladan ayaa lagu taageerayey laganada Hirgalinayey Hay adda DHiilo Welfare ana education Foundation o Somalia.waxaa kaloo magac loogu bixinayey Dugsiga sare ee Boocame kaasoo loobixiyey Dugsiga Sare ee Faarax Maxamuud Saleebaan Dhiilo Casar.
waxaa kaloo niyada loogu dhisayey Doorka Qurba joogta Boocame ay ka qaateen Waxbarashada Deegaanka ,iyadoo lagu fulinayey Codsi uga yimi qurba joogta oo ahaa in magac dugsiga sare loobixiyo Faarax Maxamuud saleebaan Dhiilo casar .taasoo ay aqbaleen Reer Boocame.
Xaflada ayaa looga sheekeeyey waxqabadka Dhiila casar iyo doorkii uu ka soo qaatay halganka midnimada soomaaliyeed.
Waxaa kaloo lagu soo bandhigay Doorka qurba joogtu ka gaysatay waxbarashada tan iyo Burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya.
Waxaa sidoo kale loogu duceeyey asaasayaasha iyo qurba joogta Hay-adda Dhiilo welfare and education foundation iyo asaasaha ugu wayn ee maxamed farax ee dalka Canada iyo Aqoonyahadan Qurba joogta sidooo kale loogu duceeyey Deeqbixiyayaasha Waxbarashada Deegaanka boocame ugu deeqaya ee Xilka iska saaray Deegaanka iyo Waxbarashada.
Magacbixinta iyo dhiirigalinta waxbarashad deegaanka ka dib ayaa loogu baaqay inay jaaliyaduhu qayb ka qaataan waxbarashada deegaanka iyo horumarka degmada boocame Rag iyo Dumarba.
Waxaa kaloo laga codsaday qurba joogta inay dhiiri galiyaan waxbarashada deegaanka Meelkastoo ay joogaan.
HAY ADDA DHIILO WALE FARE AND EDUCATION FOUNDATION ayaa bilaabaysa Bisha Nov.1 -2012 waana Todobaadkan fooda inagu soo haya iyadoo bil walba diri doonta in ku dhow $3.000. waxbarashada boocame haddii eebe idmo. SAWIRADA HOOSTOODA HOOSE KA DHEGAYSO WARAYSIGII AHMED OSMAAN FADLAN 











WARAYSIGA HALKAN KU DHUFO HAhmed Osmaan lug atoor maamulaha dugsiga sare ee Boocameb
Daalacatey :1627 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------
