|

Falastiin Dhibaatiyo waxii dhaawac loo gaystay, Dharartiyo habenkaba waxay Qudus dhibaatotay (Gabay)

Falastiin iyo dilka ku dhacay dad aan waxba galabsan oo haddana ‘aan isdifaaci karin, muslimna ah. Ayaan ka tiriyay tixdan.

Falastiin Dhibaatiyo waxii dhaawac loo gaystay

Dhalinyariyo waayeel waxaan midna la’dhaafaynin

Dhamaantood Haweenkii ubadkii la’dhaafsiiyay

Dhalaankiyo caruurtuba waxay wada dhaqaaysay

Dhaayahooda sharafta leh waxay ilini Soo dhaaftay

Dhar la’aan waxay haysato dhaxani ay goysay

Dhiiliyo colaad loogu daray baladii loo dhaanshay

Dhalanteed wax loo laayay oo dhuuni loo diiday

Dhulka oogadiisana dhiigoodu badi qooyay

Dhurwaagii Yuhuudigu waxuu dhacayay ciidooda

Dhamaan reer galbeedkuna, dhacan garab ku siinaayay

Dharaartiyo habeenkaba waxay Qudus dhibaatootay

Dhulkan aan ku noolahay naxdini way ka dheertahaye

Dhugta oo bal daya, bariga dhexe dhool ayaa da’aye

Afartaa dhambaal aan u diray dhibir-fayow uun dheh,

Afarkalana waa mid’aan dhacdadan samir ku dhaafsiiyay

Dhafoorkaygu wuu taagmayoo waan ka dhiidhiyaye

Dhambaal baan ka qorayaa, dulmiga dhaayahay aragye

Dhanka Eebahaybaan baryada dhaaxo joogtayne

Dharaartiyo habeenkaba qalbiga waan ku dhigayaaye

Dhursugaay qiyaamaa dhawoo maalinbaa dhigane

Afartaa dhambaal aan u diray dhibir-fayow uun dheh,

Afarkalana dhaliilaha jiraan soo banana dhigiye.

Dhaayahaan idiin saarayaa dheygag loo go’aye

Dhiciskaba intii loo socdaa noloshu dhaaftaaye

Inkastoo islaamkaba dhamaan, Dhiilo wada gaadhay

Dhalashada kuwii ugu xigaa looga soo dhacaye

Dhedig kuwo la’moodaa ku sugan dhinacyadoodaase

Dhuglaawayaashaa carbeed, way dhutinayaane

Dhaqaaliyo markuu Eebahay Dheeman wada siiyay

Dhamaantood barwaaqada aduun dhuunta loo galiyay

Dhaqashiyo inay sii badshaan dheesha mooyaane

Dhuganwaaye falastiin dhibkiyo, dhiifta lagu reebay

Dhacdadii la’yaablehi Naflahay dhaxal u reebtaye

Dhoohane haduu jiray waqtiga waa dhursugaynaaye

Allahayow dhibaatada ka saar, duul kalaa dhibaye.

By: Abdihakim Herer

Boocame Online

Daalacatey :1256

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Nov 17 2012. Filed under slidernews, Suugaan, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...