|

Laascaanood,Jaamac Siyaad , Ugaadhyahan ,Bah-ararsame , Cali Sandule Iyo G11.

Maqaalkeenu maanta waxa uu ku saabsan yahay sababta ilaa maanta Laascaanood looga ridi-la-yahay Heeryada saaran ee ku habsatay mudada 5 sanadood,? Waxaa iyana isweydiin leh maxay tahay sababta reer Buuhoodle ay deegaankooda sida layaab kaleh ugu difaaceen?.

Wuu odhan karaa akhriste ka soo jeeda deegaanka SSC maxaa maqaalkan qalinka lagu balaadhinayo Laascaanood sidan loogu soo bandhigay, waana wax dhici kara in uu qofkaasi saxsan yahay , laakiin arrin ayaa jira ka mugweyn beel iyo qoys oo ah sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen ummad dhan oo geeska afrika magac iyo maamuus ku lahayd oo rag koobani jiritaankeedii meesha ka saarayaan.

Run ahaantii dhamaan shacabka hoos yimaada magacyadan aan kor ku xusnay ma wada wadaagaan dhaliisha, ha sayeshee dhibaatada ayey wadaagaan oo waxay ku sifoobayaan dadkii doonta wada saarnaa ee kuwa hoosta joogaa biyo u baahdeen , markay ku daaleen marwalba dadkii kor ka jiray ee ay sii marayeen, ayey yidhaahdeen oo inagaaba kuwaas uga dhaw biyahee maynu hoosteena daloolino oo biyaha halkan ka soo dhaansano, haddii aanay kuwa sare ka gaadhin oo aanay odhan waar anagaa hawsha idiin fududeyna ee keena wadaanta dhamaantood waa halaagsamayaan oo doontu waa qaraqmaysaa.

Taas macnaheedu waxa weeye kuwa ku abtirsada Jaamac Siyaad, Ugaadhyahan, iyo Bah,Ararsame ee arkaya sida ay wax u dhacayaan ee aan ka hortagin hadba kii dhibaatada wada wuxuu la mid noqonayaa kuwaas halaagsamay, Tusaale ahaan markii uu wax kharibayey Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir (Faratoon) Jaamac Siyaadkii ka aamusay ee dhibaatada ka qaban waayey  ee uu dadkiisa iyo deegaankiisa kuwado, qayb ayey ka yihiin ceebta iyo halaaga maanta deegaanka ka jira, sidoo kale dadkii ku abtirsanayey Bah,ararsame ee Axmed Cabdi Xaabsade wax ka qaban waayey markuu tulkii ceebta iyo halaag u soo hoynaye iyaguna Xaabsade waxba kama ood sokeeyaan, sidoo kale kuwa Ugaadhyahan ku abtirsada ee markii Xasan Daahir Afqudhac awoodii uu ku haystay Puntland ku takri falayey waxba ka qaban waayey iyaguna ceebta iyo fadeexada dhacday qayb ayey ku leeyihiin maanta Cabdisamad Cali Shire u jeeda .

Sidee Laascaanood Gacanta Dadkii Lahaa uga baxday.

Intii aan Laascaanood la qabsan aan dib u yara jaleecno annagoo  og in Taariikhba Taariikh inoo dhiibayso, hadana waxyaalo isbiiraday ayaa sababay in beelahan aan kor ku soo xusnay markasta loolan qarsoon ka dhaxeeyey , laga soo bilaabo xilligii Labada Garaad kaliya Dhulbahante lahaa ilaa maanta , haddana xilli kasta marxaladiisa ayuu lahaa, oo marna ma aysan dhicin in deegaan Dhulbahante lagu loofaro oo dadkii cadowga u ahaa gacanta loo galiyo, iyada oo nin markaas lawada dhashay lagu xinayo taabanayo, khilaaf ka dhashay dhaqaale ama xil awgeed.

Khilaafka ugu weyn ee ka dhacay sadexdan beelood burburkii dawladii dhexe ka dib wuxuu soo shaac baxay 01.08.1998 markii lagu dhawaaqay Puntland in kasta oo madax dhaqameedka badankooda intaa xilligaa jirtay ka qaybgaleen haddana kama uu san qayb galin ilaahay hawnaxariistee  Garaad Ismaaciil Ducaale waxaana hubaal ah in rag badan oo uu ka mid ahaa Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir(Faratoon) ay qayb ka qaateen in aan si mugweyn aysan uga qayb galin beesha Jaamac Siyaad , hasa yeeshee waxaa jiray xubno ka tirsanaa beesha oo iyagu xilal ka helay Puntland.

Inkasta oo Xaabsade iyo ilaahay hawnaxariistee Garaad Cabdi Qani oo isa soo qabtay ilaahay hawnaxariistee Cigaal shirka hormuud ka ahaayeen, haddana muddo yar ka dib waxaa soo baxay ismaan dhaafka ilaahay hawnaxariistee Garaad Cabdi Qani iyo ilaahay hawnaxariistee Cabdilaahi Yuusuf siiba markii Cabdilaahi Yuusuf uu doonay in mar kale la doorto.

Waa arrin yaab badan in dadka hogaamiyaha dhaqan iyo siyaasiyiinta ah ee isbadbadelka badani marba dhinaca kaga yimaadaan shacabka masaakiinta kuwii shalay ka soo cadhooday Cigaal ayaa maanta dib uga cadhooday Cabdilaahi Yuusuf, marka la leeyaha kan aan isagu ku jirin hawsha ee aamusani wuxuu la mid yahay kan ku jira ee ficilka samaynay waxa ay tahay shacabka Laascaanood ee lagu kala xidhay sadexda koonteenar ee Ugaadhyahan , Jaamac Siyaad Iyo Bah-Ararasame markasta way u jeedeen sida xaalku u socdo hadana ma uusan jirin qof ku dhaca oo yidhaahda xaalkani waa qaldan yahay ee sidani nama qabato, markasta qabiilka barnaamij lagu xamaasadeynayo ayaa madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta oo wada socdaa ku jihaynayeen , waxaana markastaba laga dhaxlayey naxli cuqdad iyo sii kala fogaansho.

Waxyaalaha layaabka ah ee deegaanka Laascaanood ka dhacayey ee aan waxba laga qaban markii ay taagnayd ee la dhawranayey ama la dhayal sanayey waxaa ka mid ahaa dilalka soo noqnoqanayey ee inta mid kasta inta laga aamuso ay noqonaysay boog dhextaalay beelaha oo ay ka faa,iideysanayeen ragga siyaasiyiinta ahaa ee isku hayey deegaanka, oo aan gudaha kaliya ku ekeene qurbahana loowaarido naxliga.

Nin oday ah oo deegaanka Laascaanood ahi wuxuu yidhi shir ilyartu isqabatay(Reer Hebel Puntland ayey keensadeen anaguna Somaliland ayaan keensanaynaa, markaas Laascaanood lama qabsan laakiinse Yagoori ayaa ciidanka SNM joogeen, weyna yimaadeen Somaliland , hasa yeeshee ninkii weedhii in badan ayuu isku ciil kaanbiyey markii uu mid uu garanwaayey rasaas la dhacay , markii hore wuxuuba yaqaanay cid uu u raadsado mag iyo qaane , maanta gar iyo magla,aan iyo neef bakhtiyey ayuu ku joogaa Laascaanood.

Maamulka Puntland waxaa loo sawiray in beesha Ugaadhyahan wadato, maamulka Snm waxaa loo sawiray in beelaha Bah-Ararsame iyo Jaamac Siyaad Wataan, sidaas oo ay tahay ayaa hadda qaar badan oo Ugaadhyahan ahi maamulka Hargeysa ay u galaan malayshiyana u abuuraan yaan laydinku layn magaca Somaliland, arrimo la yaableh, (Nin Dhulbahante oo mujaahidnimo iyo xamaasad lagu yaqaanay ayaa lagu yidhi waar walaalkaa sawkan SNM u galay ee xilka u qabtay markii horena walaalkii wuxuu ahaa Puntland , ninkii halkii laga filayey in uu arrintii walaalkii ku talaabsaday inkiro oo uu canbaareeyo, ayuu yidhi wallaahay niman yahow walaalkay odayaal ayaa ku khasbay oo ku yidhi noogal Somaliland si aan naloogu karbaashin)  hada u fiirso dadkii walaalahaa ahaa ayaa mid walba sumad gooniya loo yeelay taasina waxay dhalisay kuwii waxmagarata ahaa in ay la kala saftaan fikirka noocan oo kale ah, waxaadna moodaa in ragga siyaasiyiinta oo xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyo ama hajoogo Hargeysa ama Garoowe, oo u kala dalxiis taga waayo waa dalxiis, hadaanay ahayn maxaad ku tilmaami lahayd, Axmed Cabdi Xaabsade oo doraad ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Hargeysa xilligii Cigaal 1993-1997, shalayna ahaa wasiir Puntland ah 1997-2007 maanta ah mujaahid Somaliland, barri in uu haddana Garoowe ku soo noqdo oo waliba lagu taageero ma shaki ayaa kaaga jira, waxaadna dareemaysaa Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Axmed Cabdi Xaabsade in uu Xaabsade Bah-ararsame gacanta ku hayo, oo lama hayo shacabkii Bah-Ararsame oo leh sxb waa ku sidee xagee nagu wadaa, ee taageerayaal badan ayuu ku leeyahay beesha dhexdeeda haddaanu ku lahayn sow lama qoreen nin waalan oo runta looma sheegeen.

Sidaas si leeg ayaa taageerayaasha Mahad Canbaashe ee Jaamac Siyaad dhexdiisa waxay kun jeer ka badan yihiin taageeraasha Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, saa Mahad Canbaashe wuxuu dhaxlay Yaasiin Faratoon oo calanka u sii dhiibay, waxaase kaaga sii daran Mahad Canbaashe waxa uu gacanta ku hayaa 500 oo wiil oo dhamaantood mushahar ay siiyaan Maamulka Hargeysa oo kaba faa,iiday intooda badanina kawada guursadeen dhaqaalaha SNM , oo xataa qalabka guriga loowada dhigay mid walba intooda badan kabadh iyo sariir iyo kaaci fadhiya loo dhigay, saw markaas ha noolaato maaha Jamhuurida Jaamac Siyaad ee Mahad Canbaashe iyo yaasiin Faratoon, saw maaha markaa in ay iska ilaaliyaan ugaadhyahan iyo Puntland, markasta oo la yidhaahdo olole hala qaado la doonayo in Laascaanood lagu wajaho, waxaa Isaaqu iska soo hormariyaan Mahad Canbaashe , isaguna isaga oo maqiiqsan ayaa goobta soo galaa, wax kalena maaha waxaa malayshiyada iyo Mahad Canbaasheba maankooda ku jira Puntland ayaa soo socota idinkaana laydin qabsanayaa, xataa dad badan ayey ka dhaadhacsan tahay, Dhulbahante dhexdiisa ayaa isgumaadaya haddii Laascaanood lagu dagaalamo inta xaal sidan yahay, waana ta keentay in cali Sandule la siidaayo, waayo markiiba waxaa loo sawiray nin Jaamac siyaad ah oo Ugaadhyahan qabsaday, kuwo badan oo Laascaanood joogaana waxay u ololeeyeen in qaab qabiil loo dhigo.

Sidaas si leeg ayaa Taageerayaasha Cabdisamad Cali Shire, horena Xasan daahir Afqudhac waxay kun jeer uga badan yihiin  Taageerayaasha  Garaad Saleebaan Garaad Maxmed , sidee ayeysan uga badnayn markii Xasan Daahir Afqudhac ahaa madaxweyne ku xigeen Laascaanoodna gacanta ugu jirtay maamulka Puntland, xilka gobolka waxa uu kawada dhigay wada qoyskiisa waxayna ka mid ahayd sababihii ay Xaabsade iyo Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir(Faratoon)ku hawlgaliyeen wax magaratada, si ay u tusaan in Puntland tahay goob Xasan Daahir iyo qoyskiisa u afxidhan, waxaana la yaab lahaa sida uu Xasan Daahir Afqudhac ugu fulinayey siyaasadda ay doonayaan labadaas xubnood iyo wixii fikirkoda la qabay, Maqaal lagu qoray xilligaas 2006 Laascaanood intaan la qabsan sanad ka hor oo xaaladda maamul xumo ee ka jirta Laascaanood si wanaagsan u sawiraya halkan ka akhriso.

Kala qaybsanaantaa aadka looga shaqeeyey ayaa Laascaanood lagu qabsaday, maantana sidaas ayey ku jirtaa cadowgeeduna waa ogyahay halka ciladu tahay iyadaanay baansiinka ku sii shubaan si ay u sii Olosho.

Runtii Laba Garaad Jaamac way dadaalayaan daacadna weeye laakiin tolkood gacanta uguma jiro , waxaana ku talin lahaa in ay gaabsadaan inta xaalku sidan yahay.

 

Odaaysha G11 , Khaatumo Iyo Cali Sandule.

 

 

Wararkii sadexdii maalmood ee ugu danbeeyey aad loogu hadal haynta badnaa deegaanka SSC waxa ay ahaayeen waxa ay ugu yeedheen maamulka Hargeysa Doorashooyinka iyo qabashadii iyo siideyntii ninka lagu magacaabo Cali Sandule oo isagu ahaa ragga ugu danbiga weyn deegaanka SSC marka laga hadlayo dhibaatooyinka loogeystay deegaanka.

Wararkii ugu waaweynaa ee isa soo tareyey waxaa ka mid ahaa in Cali Sandule siideyntiisa ay ka danbeeyeen odayaal qurba joog u badan laguna naanayso G11 , waxaana waraysi uu bixiyey taliyaha ciidamada Khaatumo sheegay in la siidaayey markii la ogaaday in ay san wadan hub iyo in ay yihiin tol, arrintaas oo aad uga cadhaysiisay shacabka aad u taageera Khaatumo State , waxayna in badani u argatay in arrintan ku saabsan Cali Sandule dhaawac weyn u keeni karto maamulka Khaatumo iyo taageeradii balaadhneyd ee loo hayey.

Cali Sandule iyo kuwa la hal maalana la sugayey in ay maalin uun soo gacan galayaan oo waajib kooda la marin doono.

 

Cali Sandule ayaa isaguna ku faanay in uu yahay nin aan la xidhan karin, magaalada Laascaanoodna kacdoon laga dareemay, uuna kaba faa,iidey qabashadii la qabtay, wuxuuna intaas ku sii daray in ay talooyin is dhaafsadeen kuwii qabtay. Haddaba maxaa ka qaldan bulshada Dhulbahante iyo siyaasiyiintoodaba?

Arrimaha maanta aad usoo shaacbaxay ayaa waxa ay yihiin in uu jiro gaab weyn oo u dhaxeeya shacabka Khaatumo Taageera iyo odayaasha G11 oo iyaga laftarkooda sida muuqata aan muddooyinkii ugu danbeeyey isku fiicnayn ,xilliyadan danbe  aad ugu kala fogaaday siyaasadii ka jirtay magaalada Muqdisho , oo xataa ku kala qaybsamay ka mid ahaanshaha Cali Khaliif Golaha Baarlamaanka.

 

Dhaliilaha G11 oo muddooyinkii ugu danbeeyey soo shaac baxayey oo halkii laga rabay in ay dalkii iyo deegaankii ay wakhti badan siiyaan una guntadaan sidii ay uga midho dhalin laahaayeen hawlihii ay balan qaadeen iyo sidii loo socodsiin lahaa, oo xilliyo badan ku qaatay Muqdsiho iyaga oo hunguriyeynaya qaarkood in ay xilal ka qabtaan Dawlada Dhexe , ayaa tanina haatan sii xoogaysanaysaa oo ay lagama maarmaantahay in siideynta Cali Sandule bulshada loo qeexo iyada oo qofkastaa mas,uuliyadiisa qaadanayo, oo mas,uulkii ka danbeeyey sii deynta Cali Sandule si cad u qaataa qaladkiisa haddii uu xil-hayeyna uu iskaga degaa xilka uu hayo, oo shacabka runta loosheegaa siday wax u dhaceen.

Haddiise aan sidaas la yeelin waxay u muuqanaysaa in G11, iyo maamulka Fulinta ee Khaatumo iyo shacabka taageersani ay laba wato oo kala duwan kala qadayaan, run ahaantiina arrinta danbiile Cali Sandule oo ay qabanayaan qodobo badan oo ka soo baxay shirkii Boocame3, Iyo shirkii Taleex iyada oo aan Cali Sandule maanta cidna loo sharaxayn danbiga uu ka galay shacabka iyo taariikhda beesha Dhulbahante.

Laascaanoodna maanta sababaha loogi dhiiran waayey ee ay cadowgu u fadhiyaan waxaa calaamad muuqata u ah siideynta Cali Sandule la siiidaayey oo u eeg in uu yahay nin laga baqay in lagu fuliyo go,aamadii ka soo baxay shirarkii Dhulbahante ee isdaba jooga ahaa mudada 5ta sanadood ah, waana arrinta aan hore u soo xusnay ee ah Laascaanood waxay u rahmantahay khilaafka qarsoon ee muuqda ee sida cudurka qaaxada dhex-fadhiya maskaxda iyo maanka inta badan siyaasiyiinta Ugaadhyahan, Jaamac Siyaad iyo Bah,Ararsame, oo haddii aanay deg deg u hawl galin waxgaradka Daaha gaadaashiisa ku jira ee ka soo jeeda Jaamac Siyaad, Ugaadhyahan Iyo Bah, Ararsame oo aan la abaabulin shir u dhaxeeya beelahan sadexda ah laguna gorfeyn waxjira ee dhabta, beenta iyo dhalanteedka layska dhaafin, oo ragga marba shirarka goobaha qurxoon USA iyo Yurub ee ay ka dhexmuuqdaan gabadhaha sida qurxoon u soo labistay khudbadaha ka jeedinayaa aanay ummaddan cidhtirmaysa daba qaban hubaal waxaa ah in aanay G11, G23 midna waxba qabanayn, G11 iyo Khaatumana waxaan shaki ku jirin in ay mari doonaan wadadii ay mareen NSUM, SSC IWM.

Gabagabadii iyo gunaanadkii beelaha aan sadexdaas  aan xusnay ahayn ee degan Laascaanood waxaa hubaal ah in aanay dhib baaxadweyn ku lug lahayn, tolkooduna in uu sharaf iyo qiimo ku noolaado ay jecel yihiin, waxaa iyaguna boogaadin mudan Reer Buuhoodle oo aan shaki ku jirin kuwo badan oo Reer Laascaanood ahi in ay markay goobaha lagu kaftamo joogaan ay sheegtaan in ay reer Buuhoodle yihiin , waliba in ay Kalshaale ka soo jeedaan, ammaan ayaad mudan tihiin, dhaliisha iyo ceebtu goobtay taalo waa cadahay.

Daalacatey :3203

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Nov 28 2012. Filed under Maqaalo, slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...