(Live On Air) Xaalada Gobolka Cayn, Darenka Shacabka, Dagaalkii Xudun & Arimo kale. (Akhri + Dhegayso)
Wariye Xamse Xassan Geelle oo noogga soo Waramay Degaanadda Khaatumo State of Somalia ayaa wuxuu noogga Waramay Xaaladda Xudun iyo Xaaladda Guud ee Gobolka Cayn.
BoocameOnline ( Arbaco) Nov.28.2012
Waxaan Caawa Markay Saacadda Gobolka Minnesota ku ahayd 3:AM Habeenimo aanu Qadka Telefoonka Kula Xiriirnay Wariyaha Ruug Cadaagga ah( Senior Corespondent) Xamse Xassan Geelle Ee inoogga soo warama Degaanadda Khaatumo State of Somalia oo aan ka Waraysanay Xaaladda Guud Degaanadda Khaatumo, Qaas ahaan Dagaaladdii ka dhagacay Magaaladda Xudun.
Halkan ka Dhagayso Waraysigga Xamse Xassan Geelle iyo Axmed laarri
Xaaladda Xudun.
Xaaladda Magaaladda Xudun Ee Gobolka sool ayaa Waxaa Hadda Gacanta ku haya Maamulka Khaatumo iyo Shacabka geesiyiinta Reer Xudun ka dib Markii ay Dagaal Seddex goosaad Saaka Aroortii ka Xarqay Magaaladda Xudun.
Wariye Xamse oo Qadka telefoonka kula Xiriiray mid ka mid ah Taliyaasha Ciidamadda Maamulka Khaatumo ayaa noo Xaqiijiyay in Magaaladda ay Gacanta ku hayaan Maamulka Khaatumo iyo Shacabka Degaanka,Wuxuuna Sheegay in Madaxda Sarre ee Maamulka Khaatumo ay Hadda ku Sugan yihiin Magaaladda Xudun.

Dhinaca Gobolka Cayn
Wariye Xamse oo ku sugan Magaaladda Buhuudle ayaa wuxuu siddoo kale noogga Waramay in uu Safar ku Soo maray goobo badan oo hoos yimaado Gobolka Cayn,Wuxuuna si aad ah ugu Soo kuuragalay Xaaladda nabad galyadda iyo bal in Wax doorashooyin ay ka Dheceen qaybo ka mid ah Gobolka Cayn, Wuxuuna noo Xaqiijiyay in Wax doorasha ah ayyan ka dhicin gabi ahaanba Gobolka Cayn.
Kacdoonka Shacabka
Dad waynaha Goboladda Khaatumo ayaa Waxay Si aad u soo dhawaynayaan Arintan,ka dib, Markii ay Maalintii shalayto ahayd la sii daayay Maxaabiis ka tirsan Ururka Xaqduudsi oo la Sheegay in ay Soo Qabteen Shacabka Xaq U dirirka ah ee Degaanka, Maamulka Khaatumo ayaa Wuxuu sii dayay Maxaabiistaas, iyaddoo lala Xiriirinayo Arimo Siyaasadeed oo ah ka hor tag Colaad Sokeeye, Maamulka Khaatumo oo ay Hogaanka ku hayaan Dad ku Xeel dheer Arimaha Siyaasadda iyo Tabcadda Dabinka ee Jabhadda SNM ka Wado Goboladda Khaatumo,ayaa Waxay ka dharagsan yihiin in Jabhadda SNM ay Doonayso in ay Colaad Sokeeye ka Dhex Abuurto Dadka Degaanka,taas oo Uu Maamulka Khaatumo si fiican uga dharagsan yahay.
Fariintii Cali Khaliif iyo Digniintii horay loogu diray:
Maamulka Khaatumo,Xubnaha Guddigga Fulinta iyo Issimadda Degaanka ayaa Waxay Marar badan Fariimo Digniin ah u Direen Jabhadda goonigoosadda ee ku sugan Degaanadda Khaatumo in ay Iska baxaan Degaanaddaas intii uusan dhicin Dhaac iyo Dhimasho. Waxaana Ugu Danbaysay Fariinta ay Maamulka Khaatumo ay Usbuucii la soo dhaafay ay u direen Jabhadda goonigoosadka ah Balse Hogaanka Jabhadda SNM ee Siilaanyo iyo ina Kaahin oo ahaa Nimankii dhiig badan oo Soomaaliyeed daa’diyay Ayaa Waxay mar kale diyaar u yihiin in ay isku gubaan Bulshadda Soomaalidda Ee Goboladda Waqooyigga si ay Xerro Geel ugu Xareeryaan Shacbigoodda.
BoocameOnline
Fadlan Taageer Raadiyaha SSC Codka Shacabka in aan ku Balaarino Degaanadda Maamulka Khaatumo State of Somalia.
la soo Xiriir Axmed laarri ama Wakiiladda kale ee u Fadhiya Aduunka, Xamse Xassan ( Buhuudle) Maxamud Boocame ( London) Axmed Darwish ( Kenya)

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
