(Top video): Maxaad kala socotaa wacdarihii ururka xamaas Daawo.
Boocame Online- Ururuka xornimo doonka Falastiiniiyiinta ee Hamaas oo aalaaba la dagaalama Dawlada Israiil ayaa u dabaaldegay sanadguuradiisii 25-aad waxaana xuskaan ka soo qeeyb galay in ka badan 100.000 oo Falastiiniyiinta Xamaas taageersan ah kaas oo ka dhacay xaafada Katiba oo ku taala magaalada Gaza.
Xuskaan ayaa waxaa sidoo kale si cabsi la´aan ah uga soo qeeyb galay madaxda ugu sareeysa ururka Xamaas gaar ahaan Hogaamiyahooda Mr.Khaled Mashal oo mudo aad u fog dibad joog ka ahaa dhulka Falastiiniyiinta wuxuuna carabka ku dhuftay in ay xoreeyn doonaan guud ahaan dhulka Falastiiniyiinta ee weli gacantooda ka maqan.
Intii ay socotay Xaflada dabaaldega ururka Hamaas waxaa goobtaas lagu soo bandhigay Caruur aad u yar yar oo muuqaal ahaan Hubeeysan iyo Gantaalo lagu sheegay kuwii ay iskaga dhiciyeen ciidamada Yahuuda ee dawlada Israaiil.
Boocame Online
Daalacatey :506 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------