|

Fanaanka Reer Khaatumo Faarax Yare oo soo wada hees ugu tala galay Sanad guurada Khaatumo State ee 12 january (Akhriso)

Waxaa gebi ahaanba kasocda daafaha Caalamka u diyaar garowga  Xaflada sanadguurada 1aad ee Khaatumo State , Hadaba jaaliyada Khaatumo State ee Wadanka Uk ayaa siweyn ugu diyaar garoobaysa xafladaas oo laga qaadi Doona Heeso Cusub oo loogu talagalay Xaflada Sanadguurada Khaatumo State.

Heesaha Lagu soo bandhigi Doono Xafladaas waxaa Kamid ah heesta hoos Ku qoran oo uu Miraha Sameeyay Abwaan Bidhyo Abtiile Waxaana Qaadi Doona Fanaanka Da’da yar ee reer Khaatumo Faarax Yare (laabta usiidaa)

Hoos ka akhri qayb kamid ah Heesta.

soomaalaay garwaaqsada
bal gudoonsha xaajadan
gungumaanku taagnahay
labo gebi dhexyaaloo
kaxidhiidhsan gudahoo
inay gooni daaqaan
goobaaye weligood

geedkii berdaha iyo
goonyihii taleex iyo
guryihii darwiishkiyo
gobanimo udirirkii

gabigeed aduunyada
guurtidii isaga timi
markii ay gorfeeyeen
khaatumo go,aansade

Daalacatey :1243

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Dec 11 2012. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...