|

Sowtaa dhallaankii inkiray adhax macaankiisa By: yusuf (Gabay)

Boocame Online- Ummad waliba waxay leedahay Dhaqan iyo Hido u gaar ah waxaa kaloo jirta in ummad kastaana sidoo kale leedahay Af ay isku afgartan gaar ahaan Soomaalida Afkeeda haddaan kahadalno waa Af qani ku ah eray bixinta dhediisa Suugaanta laguna magacaabo Afka Suugaanta sidaas darteed waxaa jirtay markii la qorayey Af-Soomaaliga waxaa loo sameeye habka Af loo qoro sida ugu fiican xitaa waxaa kicin kara qof aan macnihiisa garanayn oo akhriyi kara balse nasiib xumo markii wadanku Burburay ayaa waxaa dhacday in Afkii Soomaalidu ku hadli jirtay khlaankhal ku dhaco qaarkiisna meeshaba ka baxo.

Haddaba sidan soo socota Gabayn wuxuu kahadlayaa sida Afku qaniga u yaha iyo sida ummaddan Soomaalidu u dayacday ee ay uga dooratay Afaf kale oo aanay lahayn kuna caayan tahay markay joogto dalalka lagaga hadlo waxaana gabaygan tiriyey Yuusuf Xasan Ismaaciil wuxuu yidhi .

1. Abasaxa hashii noqotayee abaha doonaysay

2. Idankeed gal sow awrkii jamal alaq kumuu siinin

3. Ammintii markay gaadhayee awgu tirinaaye

4. Sow inanku goojada ma dayin soo ansixinteeda

5. Shuhuuraadka waxay tirada idil eegis noqotaaba

6. Goortay abbaarteedu timid loo anfaco doontay

7. Sow uburyo daybaaq mahelin ibo ku maalkeeda .

8. Asaraarka intii ay wadiyo eelka iyo maagga

9. Sowtaa afkeedii ku lumay eray fog loo sheegay

10. Sowtaa abraarteen lahayn alifyo deelkiisa

11. Ada iyo sowraa Idii unugii baabiisay

12. Abuuyahayba sowtaa shibane shaqalkii eedoobay

13. Ingiriiska sowtaa natidhi asalku waa kiisa

14. Imtiraamka sowtaan lasiin oday ku deeqsiiya

15. Sowtaa abuurkii layidhi waa inxune diida

16. Sowtaa dhallaankii inkiray adhax macaankiisa

17. Iyadaa ilduufkana lahayd uu ku oolsamaye

18. Bal ogaada eebahay magalo eexo iyo reere .

19. Iskuulada hadday dhigan lahayd or iyo jiibtiisa

20. Ama ay abwaanada naxwaha iyaga waydiiso

21. Akhyaarkiisu wuu badan lahaa uunka noo bara,e

22. Ibliisaan mucii garanahayn baa ku awdalane

23. Siyaasiga asqeeyaa markiyey aydanuu galaye

24. Ubadkii qurbaha loo anbiyey aayihii dhiga,e

25. Ashkatadu waxay qabanaysaa aaran iyo doone

26. Alla yaa adhigan baylahdaa ood u dhigi doona .

27. Adduunyada la joogiyo dunida aaggu kala soocay

28. Ruuxaan afkiisii bilayn waa addoon rarane

29. Ayaantii gumaysigu fadhiyey eerashaan jirine

30. Abniqii la naarkii haddii illiga loo siibay

31. Oo ay afkaar doora iyo aamin wada gaadhay

32. Ummadaha haddii ay agtimid ubaxna beeraysay

33. War maxaa axdigii ay qorteen aayar kala geeyey.

34. Udubkii haddii uu ka dhacay aqalka loo taagay

35. Loolkii haddii uu burburay qabaxii iimoobay

36. Ururkiisa waxaan loo dhigayn eeguu liicsamaye

37. Illinkii afbuucbaa ku dhaca uusan taag noqone

38. Afkayaga maxaa iin badiyo aayirnimo gaadhay.

39. Astihii xarfaha labo u dhaca la,isu oodaayey

40. Min uguurka markii laysu liso gabayga meeshiisa

41. Shanta uurar buuxdaa markii la,isu meel geeyo

42. Ama midi intuu daakhil galo midi afkeer joogo

43. Isu dhaca waxaan laga helayn eyrash kuu qoraye

44. Caqligii ilaahay wax baray wuu arkaa garane

45. Indhihii xeel dheeridu gashaa aayar uun boganne

46. Uf waxaan la odhanayn buu u yahay eeshiyaan badane

47. Nimankii abaabulay cilmay ummadda siiyeene

48. Isirkood waxay uga tageen oolimaad badane

49. Anagaa xumaynaye haddii orobo aan raacnay

50. Uub buu kusii qubanayaa aan xil loo qabine

51. Soomaalaay afkaagii ha lumin ooshu yey tagine.

By- Abwaan Yuusuf Xasan Ismaaciil

Boocame Online 

Daalacatey :1802

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Dec 11 2012. Filed under slidernews, Suugaan, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...