Wasiirkii ugu horeeyay ee maliyada Somaliya oo ku geeriyoday London
Boocame Online- (London) Allaha ha u naxariisteen waxa xaley magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ku geeriyooday wasiirkii ugu horreeyay ee maaliyadda Soomaaliya Xaaji Cismaan Axmed Rooble.
Sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid eheladiisa marxuum Xaaji Cismaan ayaa muddooyinkii dambe ku xannuusanayay isbitaal ku yaalla London.
Wuxuu ahaa marxuumka wasiirkii maaliyadda ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii isna geeriyooday Aaden Cabdulle Cismaan(Aadan Cadde) .
Xaaji Cismaan Axmed Rooble ayaa ahaa ganacsade caan, waxana uu in mudda ah ku noolaa waddanka Ingiriiska.
Si kastaba, Meydka marxuumka ayaa lagu wadaa in la keeno magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si halkaas aas qaran loogu sameeyo.
Sida ay lee yihiin ilmaha uu dhalay Xaaji Cismaan wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1919-kii, isla markaana waxa ifka kaga tagay 37 carruur ah oo isaga uu dhalay.
Boocame Online
Daalacatey :660 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------