Xog: Hagardamada Horgal Cali Qase iyo Horgal Jeniyare (Top warbixin)
Boocame Online- Wararka aan ka helayno magaalada laascaanood ayaa sheegay in qaar kamid ah Horgalada Maamulka Siilaanyo ujooga magaalada laascaanood ay haatan bilaabeen ka ganacsiga Dhiiga iyo shacabka Reer Laascaanood iyagoo hore u iibsaday Dalka iyo dadka reer khaatumo.
Warar Rasmiya oo ayaa xaqiijinaya Labada Nin ee lagu mgarcaabo Horgal Cali Qase Iyo Horgal xaaji Jeeniyare ay Bilaabeen Suuq cusub oo lagu gato dadka iyagoo habeenkii ugu dhaca guryahooda halkaas oo ay ku xidhaan xabsiyada magaalada laascaanood ee Shacabaka Lagu Dhiig Miirto.
kadib dilalkii qorshaysanaa ee lagu laynayo shacabka magaaladda laascaanood ayaa waxaa garab socday xarig si joogta ah loogu geysanayay shacabka ku dhaqan magaaladda laascaanood kuwaas uu maamulka gobolka oo ay horkacayaan horgaladda deegaanka ay iska soo qabqabteen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya labadan Gacan ku dhiigle ee dadka shacabka ee aan waxba galabsan caadaystay inay xabsiga ka buuxiyaan, islamarkaana ugu hanjabaaan inaanay siidayn ilaa ay lacag madax furasho ay bixiyaan, hadii kale ay ku eedayanayaan Ururka Al- Shabaab inay katirsan yihiin ama Xidhiidh la leeyihiin.
Qaarkamida Shacabkii saaka laga soo daayay xabsiga dhexe ee magaaladda laascaanood ayaa sheegay in markii hore la iska soo qabtay kadibna lagu soo daayay lacag dhan 500 oo dollar iyadoo loogu hanjabay hadii uu bixin waayo lacagta lagu dari doono liiska argagixisada.
Labadan Horgal ee Caadaystay inay ka baayac mushtareeyaan Dhhiga iyi dadka shacabka reer khaatumo ayaa kala ah Horagle Caliqase Iyo Hosgale Xaaji Jeniyare,Kuwaas oo maamulka hargaysa uu ugusoo magcaabady inay dhibaan dadka iyo shacabka reer khaatumo.
Hadaba Maxaa Lagudboon Akhristooy Shacabka Gobolka Sool ?
Boocame Online
Daalacatey :1462 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------