Shirweynaha Sahan UK Ee BIRMINGHAM 27.12.2012
published by SahanStaff on Sat, 12/22/2012 – 20:02

Shirweynihii guud ee ururka Sahan Charity iyo wax qabadkiisii deegaanka Khatumo State
Waxaa la ogyasiinayaa dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha kale ba ee ururka samafalka ah ee Sahan Development Organisation oo fadhigiisu yahay wadanka UK in uu shirkiisii guud sanadkan ku qabanayo magalada Bermingham.
Waxaa ururku warbixin buuxda ka bixin doonaa waxqabadkii sanadkan 2012, isla markaana wuxuu soo bandhigi doonaa qorshayaasha cusub ee uu damacsan yahay in uu qabto sanadka soo socda 2013.
hoolka shirku ka dhacayo.
Addresss:460 Green Lane, B9 5QJ, Birmingham
Waqtiga: 27th December 2012,
12:30 p.m –

Waxa iyana halkaa inoogu diyaar ah qadadii iyo refreshmentigii kaleba.
Hay’adu waxay mar walba u taagan tahay wax u qabadka dadka danyarta ah, iyadoo deeganada khatumo state ka fulisey hawlo badan oo horumarineed, sida gurmadkii abaaraha iyo biyo dhamiskii, kaalmo joogto ah oo ay siiso dadka jilicsan sida; kuwa dhakhtarada ku jira magaloyinka lasanod iyo buhodle, Curyanada oo ay u soo dirtay deeqo kala duwan sida, lacago iyo gaadhiyaal ay ku socdeaan, magaloyinka Buhodle iyo Lasanod. horumarinta wax barashada , caafimaadka, kaalmada danyarta, iyo agoonta.
isla markaana ururka Sahan laantiisa Finland ayaa iyaguna fuliyey mashaariic muhim ah sida dayactirka jikada Cisbitaalka Laascaanood iyo dhismaha rugta daryeelka haweenka uurka leh iyo caruurta (MCH) ee magaalada Buuhoodle
Deeq Lacageed oo Dhan $6000 oo Loo Qaybiyey Agoonta iyo Dhawaca Buhoodle iyo Las- canood
Deeqdani lacagta oo dhamayd $4000 ayaa ururka Sahan UK wuxuu u soo diray dadkii ku dhaawacmay dagaaladii ka dhacay nawaaxiga buuhoodle iyo agoomihii waalidkod ku dhinteen ee maghalada buuhoodle, halka magalada Lascanodna ay nasiib u heshay $2000 iyadoo loogu talo galay in wax lagaga qabto dad badan oo ku dhaawacmay rabshadihii halkaa ka dhacay bishii sadexaad ee 2012.
Ururka Sahan UK oo Deeq Gaadiidka Curyaamada ugu deeqay Curyaamiinta Lascanod iyo Buuhoodle
Ururka Sahan oo Fadhigiis yahay Wadanka ingiriiska ayaa deeq Baabuurta Curyaamiinta soo gaadhsiiyey Qaarkamid ah Curyaamiinta Gobolka Sool iyo Cayn gaadiidkani Curyaamiinta ee la soo gaadhsiiyey Lasanod iyo Buuhoodle ayaa tiradoodu dhamaydsaa 30 gaadhi oo loogu tala galay in loo Qaybiyo inta ugu jilicsan Curyaamada deegaanka. .Waxaa gaadhiyaashaa Lascanod ka qaybiyey oo wakiil ka ahaa Mubaarak Xasan Faarax.
Shiikh Mukhtaar Axmed Xaaji Faarax oo kamid ah Culumada Buuhoodle oo loo soo wakiishay gaadiidkani dhinaca buuhoodle ayaana u Mahad celiyey ururka Sahan UK gaadiidkani ay ugu deeqeen Dadka jilicsan ee Curyaamada deegaanka Buuhoodle, Waxana uu shiikhu intaasi ku daray in loo baahan yahay in loo soo badiyo Gaadiidkani Maadaada Dadka Curyaamadu intaasi ka badan yihiin.
2. Qayb ka mid Waxqabadkii Ururka Sahan laanta Finland
Waxqabadkii ururka Sahan laanta Finland waxaa ugu muhisanaa sanadkan 2012:
a. Dayactirkii jikada Cisbitaalka Laascaanood oo aad u baaba’sanayd intii aan la dayactirin ka hor, waxaadna ka arki kartaan sawirada hoose sida ay isu badashay.

b. Dhismaha MCH cusub oo laga dhisay Buuhoodle
Waxaa kaloo sanadkan aad muhim u ahaa in Sahan laanta Finland ay dhistay dhisme MCH oo ka kooban 9 qol oo isugu jira qolalka, dhakhtarka, umulisada, umulaha ku nastaan, jiko, 3 musqulood, bakhaar, xafiis maamul iyo hoolka shirarka.
Haddii la dhamaystiro waxaa ka faa’iidaysanaya dumarka uurka leh oo aan hore haysan meel rasmi ah oo lagaga umuliyo, waxaa kaloo ka faa’iidaya caruurta yaryar oo lagu daryeeli doono.
3. Mashaariicda sanadkan 2013
Ururka Sahan laamihiisa kala duwan waxay diyaariyeen qorshe lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC), mashaariicdaas oo ku wajahan waxbarashada, caafimaadka, deegaanka iyo biyaha.
Waxaa ururka Sahan diyaar u yahay in uu cid kasta doonaysa in ay deegaankooda horumariyaan in ay la shaqeeyaan oo ka caawiyaan sidii ay hadafkaas u gaadhi lahaayeen, iyagoo diyaar ula ah in ay ka caawiyaan dhinac dajinta qorshe suurtaagal ah iyo ka caawin sidii loo fulin lahaa.
Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan
Daalacatey :1422 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

