|

Top news: Doorka ‘Somali Chanel’ Darenka Shacabka, Barnamij Xiiso leh, & Qormo Dheer + ((Videos))

Boocame Online- Ugu Horayn Mada oo Dhan Alle Ayay Usugnaatay Waxaana Caawa Qormadan Kooban Hadii Rabi Idmo Ku Eegaynaa Doorka Tvga Caalamiga Ah ee SOMALI CHANEL kaga Jiro Horumarka Guud ahaan Mandaqada Soomalida,  Baahinta Fidinta Diinta & Halku dhigyada Wanaagsan, & Waliba Dareenka Ay Ka Qabaan Dhamaan Shucuurta kala Duwan ee Soomaalidu.

Aynu usoo Daa Degnee Iyadoo Aynu Ognahay Baahiyada Ay Uqabaan barashada Diinta iyoTubta toosan Ku dhaqankeeda Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed, Gaar ahaan Kuwa ku dhaqan Dalalka loo qaxay intii bur burka Ka Danbaysay.

Ayaa Hadaba Tvga Ayaa Qayb Wayn wuxuu ka Qaatay Barista Shucuubta Soomaaliyeed Islaamka Ah Diintooda Wanaagsan iyadoona lageliyey Dadaalo Dheeya kuwaas oo ku Taxaluqa Barnaamij Qiimo Wayn u xambaarsan Dhamaan bulshada Islaamka ah.

Waxayna Ka Xusaynaa Barnaamijka Loogu Magacdarat Tubta Toosan Kaas Oo Qayb ka ah barnaamijka Qiimahoodu Sareeyo ee Baxa Tvga SOMALI CHANEL.

Iyadoo Aynaan Halkan Kusoo Koobi Karin Barnaamijta Ku taxaluqda Tubta Toosan Iyo Barashada Diinteena Suuban, Ayaa Dhinaca Kale Tva SOMALI CHALEL ayaa Qayb wan ka qaata Dhismada Guud Ahaan Mandaqada Afka Soomaaliga Ku Hadasha, Isagoona Meesha kasaaraya Uxaglin Meelo gaara Ama Dawlad Gaara.

Halkan Hoose Ka Daawo Qay Barnaamijka Daldhis oo Siwayn Loogu Lafa Gurayo Xaalada Wax barasho ee Gobolka Mudug Gaar Ahaana jaamaca maagalaada Gaal Kacyo.

Sidoo kale Waxaad Muuqaalkan Hoose kaga Bogon Doontaan Barnaamijka Daldhis ee Kabaxa Tvga SOMALI CHANEL  Kaas oo Lagu Qaadaa Dhigayo Horumarka Khaatumo State & Diyaaradii ka Degtay Magaalada Taleex.

Akhriste Waxaad Muuqaalkan Hoose kaga Bogataa Barnaamijka Daldhis ee TV SOMALI CHANEL  Kaas oo laga Hadlayo Xaalada Caafimaad ee Gobolka Togdheer  & Horumarka Halkaasi ka Socda.

Tvga SOMALI CHANEL ayaa Dhinaca kale Ka Madhnayn Barnaamijta Waxbarashada Iyo Sidii loo dhiiri gelin lahaa Dhamaan Da’yarta Soomaaliyeed.

Baahinta Wararka iyo Tvga SOMALI CHANEL

Sida aynu kawada dheregsanahay Tvga Caalamiga ah ee Somali Chanel Ayaa dhamaan Bulshadu waxay isku raacday Ka Haqabtirida Wararka Kala Duwan ee Deeganada Soomaalida, kuwaas oo daawadaashu siwayn ugu Qancaan.

Waxaana Xusid Mudan In Xiliyada Wararku Ay Taagan yihiin Siwayn Loola Socdo Tvga Somali Chanel, Taas oo Qayb ka ah Hufnaanta Wararka iyo Daacadnimada Looga Bartay Maamulka & Howlwadeenada Tvaga SOMALI CHANEL.

Dareenka Shacabwaynaha Soomaaliyeed & Tvga Somali Chanel.

Kadib Xoga Dheeriya oo Aanu ka Raadinay Dhamaan Mandaqada Afka Soomaaliga Lagaga Hadlayo Ayaa waxaanu Ogaanay In Dhamaan Buslshadu Siwayn Ula dhaceen Barnaamijta Waxa ku Oolka Ah ee ka Baxda Tvga SOMALI CHANEL, iyo Qaybta laxaadka leh ee uu kagajiro Kobcinta mustaqbalka Dhalinyada Soomaaliyeed.

Tvga Maxaa ka Mamnuuca – Hadana Lagu Raacay ?

Iyadoo Aynu Ognahay Diinteena Suuban Sida Ay Uga Hadashay Heesaha Iyo Dhamaan Waxyaabaha Fusuqa Keeni kara, Ayaa Gabi ahaanba Tvga Soomali Chanel Mudaduu furnaa Waxaan laga Baahin  dhamaan waxyaabaha Aysan Banayn Diinteena Suuban Bulshadana U Horseedi karo Cadho ALLE iyo Fusuqa oo ku dhex baaha.

Taas oo Ah Waxa ALLE Lagu mahadiyo Bulshaduna Siwayn usoo Dhowaysay  Meelkasta oo Ay Joogaan.

(Guntii iyo Gabagabada Qormadeena )

iyadoo aynaan Halkna Kusoo Koobi Karin barnaamijta ka baxda Tva Caalamiga ah ee Somali Chanel , Isla markaana Kaalinta Wayn ugu Jira dhamaan Bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha, Ayaan dhankayga waxaan ku boorinayaa Inay halkaas Kasii Wadaan Howlaha Balaadhan ee Ay Bulshada Uhayaan, Isla markaana Ka Dheeraadaan Waxyaabo Magac xumo usoo Jiidi kara Tvga.

By- Axmed Cabdiqaadir Jabaan (Axmed Darwiish)

burukude1@gmail.com

Boocame Online – Warbaahinta Qarnigan Cusub 

Daalacatey :2604

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Dec 27 2012. Filed under -, Media, slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...