|

Dabaal dega Sanadgurada Khaatumo Iyo Qorshaha Reer UK (Daawo)

Shacabweynaha reer Khaatumo ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska waxaanu la socodsiinaynaa in ay ka soo qayb galaan xaflad weyn oo loogu dabaal degayo sanad guuradii koowaad ee Khaatumo state of somalia.  Waxaanay xafladaasi dhici doontaa habeenka sabtida ah taariikhduna ay tahay 12/01/2013waxaanay bilaabanaysaa lixda galabnimo waxaanay dhamaanaysa sadex habeenimo (6pm ilaa 3am) Habeenkaasi Laba Cali iyo xubno kale ayaa ka soo qayb galaya.

Waxaanay xafladani ka kooban tahay laba qaybood oo kala ah:

Qaybta Koowaad:

Waxaa halkaasi ka hadli doonaa madaxda sarsare ee G11 oo ay hormood ka yihiin Dr: Cali Ciise Cabdi Iyo Dr: Cali Khaliif Galaydh iyo xubno kale oo aan ka dhicin.

Waxaa kaloo iyaguna khadadka taleefoonada lagu soo xidhi doonaa madaxweynayaasha maamul goboleedka Khaatumo state of somalia.

Khudbado koobkooban oo dhinaca jaalliyadaha ah.

Maamulada qaarkood.

Suugaan noocyo badan.

Qaybta Labaad:

Waxaa loogu tala galay heeso loogu tala galay xusitaanka sannadguurada Koowaad ee maamul goboleedka Khaatumo state of somalia oo sanad jirsaday.  Waxaana habeenkaasi si weyn uga dhex muuqan doonta fannaanada reer Khaatumo state oo magaceeda la yidhaahdo Siciido Shiino, waxaanay inooga imaan doontaa wadanka Faransiiska.

Waxaa kaloo iyaguna habeenkaasi wacdaro inoo soo bandhigi doonaa, fanaaniinta soomaaliyeed badankooda, waana lagu marti qaaday.

Hadaba aan idiin sheego madasha xaflada lagu qaban doono, xilliga ay bilaaban doonto, qiimaha lagu geli doono….

Madasha xaflada lagu qabanayo:

Milan Palace

100 Dominion Road

The Green, Southall

Middlesex

UB2 4BG

Qiimaha xafladu lagu soo geli doona waa £20, waxaanay xafladu si rasmi ah u bilaaban doontaa lixda galabnimo ilaa sadex habeenimo 6pm ilaa 3am.  Waxaa kaloo habeenkaasi si Live ah idiinku soo baahin doonta Bahda Aftaag Production iyo Darwiish Tv, oo iyagu habeenkaasi kaalin mugleh ka qaadan doonaa.

Ballanteenu waa habeenka sanadgurada kowad ee Khaatumo state of somalia, ee ha moogaanina hana ka maqnaanina…….

 

Daalacatey :2446

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Dec 31 2012. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...