Maxay karabtaa dawladdu kismayo
Boocame Online- Akhristow Intaadan iswaydiin,Maxaa dawladda kismaayo iyo maamul usamaynteeda kaga xiran?
Waxaad iswaydiisaa Maxay Dawladdu u saartay 4,5 oo ahaa kii lagu soo doortay dawladdan?
Haddaba Dawladdu waa ay ku khasbantahay in ay maamul u samayso hoostaga kana amar qaata inta aaney shacabka ku nool jubbooyinka samaysan maamul goboleed u gaar ah,sida kuwa ka jira Deegaano ka tirsan dalka oo ay dawladdu wax talo ah aysan ku lahayn taasoo keentay inay dawladda maamulkeeda uu ku ekaado Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Shaki ku majiro in Dawladdu maal iyo maskaxba gelinayso inay qayb lixaadle ku yeelato maamulka ladoonayo inuu ka dhismo kismaayo, Hadday ka fursanwaydana weliba muruq inay adeegsato ayaa dhici karta, Ogow caalamka inta tiisa badan waxay ka haysataa dawladdu taageero badan. waa aragtidayda.
Waxaa dhab ah inay lagama maarmaan u tahay xukuumaddu inay wada gaarto dalka oo dhan kana saarto meesha gobolaysi iyo qabiilaysiba,si aanay unoqon dawladihii ka horeeyay oo ahaa kuwo kataliya meelo gaar ah ama xaafado ka tirsan gobolka banaadir.
Siyaasadda ku aadan kismaayo oo ay dawladdu qaadatay ma aha mid qabiil ku salaysan sida dad bani qabaan maanta, Laakiin waa mid ku salaysan XUKUMIDDA DALKA oo dhan.
Mana aha mid u gaar ah Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa ee waa siyaasad uu qaadan lahaa qof kasta oo maanta ka noqda madaxweyne Soomaaliya cidduu doono ha noqdee!! sida aan qabo.
” Taladu waxay u taalaa shacabka ku dhaqan jubbooyinka kismaayooy kaskaaga adeegso” wa billahi towfiiq!!
Qore,waa – gacan-
soomaaliya ha noolaato
Daalacatey :993 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------