Warbixin: iska hor imaad dhexmaray Xoogaga Khaatumo & Jabhada SNM
Boocame Online- Waraka Naga Soogaadhaya Jidaha Degmada Xudun Ee ay isku hor Fadhiyaan ciidamada maamulka khaatumo iyo ciidamada Jamhada SNM ee duulaanka kusoo qaaday deegaanada SSC ama Khaatumo, ayaa sheegaya in maanta halkaasi markale uu dagaal ku dhex maray Laba ciidan Oo Ah korjoogayasha Ama Sahan Katirsan Labada Ciidan.
Dagaalkan Oo Mudo 30 Daqiiqo soconayaya ayaaa waxaa khasaare baladhan uu kasoo gaadhay ciidamada sida xaqdarada ah ugu sooduulay deegaanka khaatum ee Maleshiyaadka SNM.
Ila Wareedyo kusugan magalada Xudun ayaa sheegay in Rag ka tirsan ciidanka SNMTa oo sahan ah ayaa lagu laayay inta u dhaxaysa xudun iyo lafweyn Ciidamada xaq u dirirka ee khaatumo ee ka hawl gala deeganada nugaasha ayaana ku guulaystay inay ka hortagaan isla markaana cashar lama ilaawaan ah u dhigay
Ciidamada Maleshiyaadka SNM ayaa Laga Gubay Mid kamid ah Gawaadhida Dagaalka Kadib Markii ay is haleeleen mujaahidiinka Ciidamada Khaatumo Oo halkaasi Dhamac Ka ifiyay ciidamada Habqanka ee maleeshiyaadka SNM.
Waraka Ayaa waxay intaas Kudarayaan In ciidamada Maleeshiyaadka SNM ay halkaas kaga Carareen 3 Askari Oo mayd ah kadib Markii Ciidamada Xogaga Khaatumo ay Dhamacda Kawaraabiyeen Maleeshiyaadkaas,Islamarkaana ay haleeliwayeen inay ka urursadaan Maykood,Sido kale ay halkaas ka qaateen dhaawac tiro badan.
Dagaalkan ayaa kusoo adaya xili dhawaan ciidamada maleeshiyaadka SNM ee halkaas kusugan ay ciidamada maamulka khaatumo Ay ugaysteen khaasro tiro badan kadib markii uu halkaas dagaal uu ku dhexmaray.
Boocame Online
Daalacatey :1469 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------