|

Madaxwayne ‘xasan sh max’ud’ oo ku wajahan Khartuum + warbixin

Boocame Online- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Sudan kana qeybgalay xuska sanadguuradii 57 aad ee ka soo wareegtay madaxbanaadida dalkaasi ayaa la filayaa in maanta uu gaaro maagaalada caasimada ah Kharduum.

Mudane xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray dalka Sudan ayaa halkaasi kaga qeybgalay dabaaldeg loo sameeyay sanadguuradii 57 aad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi xoriyadisa ka qaatay gumeystihii Ingiriiska.

Sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu wadahadal la yeeshay madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka soo jireeenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal iyo in Sudan ay gacan ka geysato dib u dhiska Soomaalia.

Danjitaha Soomaaliya u fadhiya Sudan Maxamed C/llaahi Ugaasayaa Radio Muqdisho u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la filayo in Barqanimada maanta uu gaaro magaalada Khartuum halkaas oo uu wadahal kale kula yeelandoono madaxweynaha dalka Sudan, sidoo kalena waxaa dhici karta in Madaxweynuhu kulan la qaato ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Sudan.

Boocame Online

Daalacatey :531

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Jan 2 2013. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...