|

Xuska Sanad Guuradda Koobaad Ee Khaatumo State & Doorkii Golaha Dhaqanka khaatumo + (Sawiro)

Xuska Sanad Guuradda Koobaad Ee Maamulka Khaatumo iyo Doorka Golaha Dhaqanka khaatumo.

BoocameOnline

Waxaa laga joogaa Muddo hal Sano ah ilaa iyo intii la aasaasay Maamul Goboleedka Degaanadda S.S.C Ee Khaatumo, Waxay ahayd Xilli uu u bilowday Waqti Cusub Dadka ku dhaqan Goboladda Sool,Sanaag iyo Cayn.
Waxaan rabnaa in aan Qoraalkan ku eego Waxyaalaha Xusidda Mudan ee Sanadkii la soo dhaafay lagu xusuusan karo Maamulka khaatumo qaas ahaan doorkii Isimmaddda Degaanka ay ka qayb qaateen midnimadda iyo teegeeradda Maamulka Khaatumo ( Khaatumo State of Somalia) iyo doorkii ay qaateen Dhismaha Qaranka Soomaaliya.

Midnimadda Golaha Isimadda

Waxaa Xaqiiqdii u dayasho mudan Isimadda Degaanadda SSC ay ku midoobeen in ay ka arimiyaan danta dadka degaanadda Sool,Sanaag iyo Cayn, waxay si wada jira ah Cod buuxa ku Taageereen Maamul madax banaan, waxay qayb lixaad leh ka qaateen baaddi goobka Qaranimaddii Soomaaliya, waxay xiriir wayn la soo samayeen bulshaddii Soomaaliyeed ee kala abaaday.Midnimadda ay Golaha Isimadda muujiyeen waxay isku soo dhawaysay in Dhamaan dadka ka soo jeedda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay si kalsooni ah u taageeraan Madaama Madaxda dhaqameedkii ay isku wada waafaqeen in la qaato Maamul Madax banaan oo u baadi gooba Xuquuqddii dadka Degaanadda khaatumo, Arintaas waxay ay aad u adkaygsa in dadkii ka soo horjeedday Maamulka Khaatumo ayan marnaba ka Guulaysan in helaan Isim taageersan ama ay soo Gollo fariisiyaan,gaar ahaan Maamulka Jabhadda SNM ayaa wuxuu marnaba ku Guulaysan waayay in heleen hal isim oo ka soo jeedda beeshan.

Xiriirka Caalimigga iyo Wadamadda Deriska ah.
Waxay ahayd markii koobaan oo Isamadda dhaqan ee Goboladda khaatumo qaas ahaan Isamadda Degaanka ku ah Wadanka Gudihiisa ay Wafti heer sare ah ugu soo baxaan Wadamadda dibadda, waxay Isimaddu Safar Xiriirka Caalamigga ah ku tageen Wadamadda Dariska ah Sidda Ethopia,iyaggoo si wayna looggu soo dhaweeyay Magaaladda Jigjiga,Safarkii Jigjiga ka dib Waxay u gudbeen Wadanka Jabuuti oo ay kula kulmeen Madaxda Dhaqanka iyo Madaxwaynaha Wadanka Jabuuti,ka dib isimaddu Waxay Safar ku tageen Wadamadda Kenya, Uganda iyo Turkigga, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxda Ha’addaha Caalamigga ah iyo Madax ka tirsan Dowladdahaas

Dhismadda Dowladda Federalka iyo Xiriirka Madax Dhaqameedka Soomaalidda.

“dhismaha Dowladda Federaalka waa Guushii Reer Khaatumo iyo dhabar jabkii gooni-goosadda.”

Dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahayd Guushii kobaad ee u soo hoytay dadka reer khaatumo,waxayna dhabar jab xoog leh ku ahayd kuwii Caalamka u sheegay in Soomaaliya Wadanka la yiraahdo jirin, si ugu fududaato in Caalamku uu siiyo Ictiraaf,waxayna Hadaladaas ka mid ah dood ay ka jeedisay Barlamaanka Biljum Kalkaaliso Adna oo ahayd Haweenayda uu ka geeriyooday Madwayne hore ee Hargaysa ina Cigaal.waxaan Hadaladeed ka mid ahaa “anagga ayaa ah wadan Dimuqradiya ee hanala Aqoonsaddo ee Alshabaab iyo koonfur yaanan la aqoonsan” iyaddoo markaas ulajeeday Soomaalidda kale.

Safarkii ay Isimmadda dhaqanka iyo Siyaasiyiinta khaatumo ku tagen Magaaladda Nairobi

Safarkii ay Isimmadda dhaqanka iyo Siyaasiyiinta khaatumo ku tagen Magaaladda Nairobi

Siddii Udubadda looggu taagay Dowladda Federalka Soomaaliya waxay Shiiqay dabayshii xagaaga ahayd iyo wax alaale iyo wixii ka soo horjeedday Midnimadda Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Isimadda Degaanadda Khaatumo waxay ka mid ahayeen bud dhigayaashii dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,Waxayna mar walba si sharaf leh uga Dhex muuqdeen Bulshadda Soomaalidda, waxayna mar walba wakiil ama afahayeen loo dhigayay Madax dhaqameedka soomaalidda.

Arimaha Degaanka khaatumo iyo ka soo Dagitaankii Magaaladda Taleex.
waxa lagu tilmaami karaa in ay ahayd Taariiq qorantay ( Historic moment) Safarkii ay odayaasha dhaqan ay uga soo duuleen Magaaladda Muqdisha iyaggoo geesinimo muujiyay in ay soo raacaan Diyaraad ugu horaysay ee ka soo degta Magaaladda Teleex,ama aan iraado Goboladda khaatumo.

Midnimadda iyo Xoraytii.
Waxay isla markii ay ka soo degaan Wadankii waxay islma markiiba guda galeen Howlihii u yiilay degaanka iyaggoo Safar ku tagay jiidda hore Ee Ciidamadda Difaaca ee maamulka Khaatumo.
waxay u kala gudbeen dagaanadii ay beeluhu deganayeen waxayna shirar iyo wadatashi kula soo noqdeen bulshaddii ay ka soo jeedeen iyo howlihii ay bulshadda u hayeen.

Cahdi iyo balan.
sidda aan wararka ku hayno qof walba oo ka qayb galay shirkii Taleex ee lagu dhisay Maamulka Khaatumo ayaa waxay lagu balamay in nin walba meesha kaga aadan bulshadda uu ka qabto howsha, oo uu ilaaliyo cahdi la wada galay, Waxaan oran karnaa Isimadda ayaa waxay ahaayeen kuwa aanan marnaba ka bixin Cahdiggii iyo balantii ay galeen, ilaa iyo intii la dhisay Maamulka Khaatumo marnaba kama ay bixin howshii ay u balan qaadeen Dadka iyo Dowladda Khaatumo.

Ahmed laarri
kamaal72@gmail.com
Boocameonline

Daalacatey :768

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Jan 2 2013. Filed under News, slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...