|

News: Al-shabaab oo xafalad aroos tacshiirad huwiyey & Khasaaraha

Boocame Online- Ruux ayaa ku geeriyooday rasaas ay maleeshiyaadka Al shabab la beegsadeen Goob ay ka socotay xaflad aroos ah gobalka Hiiraan.

Xaflad aroos ah oo ka dhaceysay deegaanka Booco oo 30 kiilo mitir koofur kaga Toosan magaalada Beledweyn ayaa maleeshiyaadka Shabaab tacshiirad ku fureen Waxaana halkaasi ku dhaawacmay Sadex gabdhood oo mid ka mid ah ay u Geeriyootay dhaawacii soo gaaray.

Dhaawaca Labada gabdhood ee kale ayaa lagu daweeynayaa Cisbitalka guud ee Magaalada Beledweyn, inkastoo dhaqaatiirtu sheegeen in ay soo hagaageyso Xaaladooda caafimaad.

‘’Anagoo xalay ku caweyneyna xaflada arooska islamarkaana ay goobta ka muuqatay farxad weyn ayaa niman afka soo duubtay oo hubeysan ay rasaas nagu fureen dadkiina wey kala carareen farxadiina waxey isu bedeshay murug’’ ayeey tiri haweeney joogtay xaflada arooska.

Dadweynaha ku nool magaalada Beledweyn ayaa arrintan si weyn uga xumaaday iyagoo ku tilmaamay fal ka baxsan bani’aadanimada, waxeyna wacad ku mareen in Shabaab ay kula xisaabtami doonaan xadgudubyada iyo jariimooyinka ay ka Geysteen gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa falkan iyo kuwo ka sii naxdin badanba hore uga Geystay gobolka Hiiraanm, taas oo wali ka go’I la’ quluubta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibaddaba

Boocame Online

Daalacatey :523

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Jan 3 2013. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...