Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo Lagu Soo Dhoweeyey “Dandan”
Boocame Online (Buuhoodle) Waxaa maalinimadii Shalay si aad u diiran loogu soo dhoweeyey deegaanka Dandan, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kasoo kicitimay Saaxdheer.
Garaadka waxaa meel magaalada ka baxsan kaga hor tegay dadweyne tiro badan oo ka kooban qaybaha bulshada magaalada Dandan.
Dadka soo dhoweeyey Garaadka waxaa hogaaminyey Chief Caaqil C/risaaq Jaamac Cabdi Bile.
Garaad Jaamac ayaa loo gelbiyey dhinaca gurigii loogu talo galay inuu dego mudada uu joogo Danadan.
Gaaradka ayaa safarkan u tegay Dandan si uu uga qayb qaato shirweyne beesha Jaamc Siyaad dhowaan uga furmi doona halkaasi.
Waxaana shirkaas oo ah wada tashi beesha dhexdeeda in la qabto ku dhaqaaqay Caaqil C/risaaq Jaamac.
Qaban qaabada shirkan ayaa si toosa hadda uga socota gudaha dalka iyo jaaliyadaha dibedda.
Wixii kusoo Kordha Dib kala Soco Inshaa Allah
Daalacatey :875 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------