|

“Madaxwaynaha Jamhuuriyada” oo dalka dib ugu soo labtay (akhri)

Boocame  Online- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo wefdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa kasoo laabtay dalka Sudan waxaana maanta garoonka diyaaraha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, wasiirro ka tirsan Xukuumadda, xildhibaannada Barlamaanka qaar ka mid ah, taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii lagusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha kadib la hadlay wariyeyaasha isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii ay ku tageen dalka Sudan, waxa uu tilmaamay in ay ka qeyb galeen munaasibad loogu dabaal dagayey 57-guuradii ka soo wareegatay markii ay dowladda Sudan xorriyadda qaadatay dhinaca kalena ay jiraan heshiisyo la xiriirra mashaariic horumarineed.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa farta ku fiiqay in dowladda Sudan ay door weyn ku leedahay taageerrada Soomaaliya, isla markaana ay isku soo afgarteen sidii ay u sii xoojin lahayd taakuleynta hey’adaha dowladda iyo meelo kale oo iyana muhiimad leh.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sudan ay ballan qaaday tababar siinta ciidammada Booliska, isagoo dhinaca kalena xusay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudanna uu kula kulmay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Dalalka Soomaaliya iyo Sudan waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireyn ah oo muddo socday, iyadoo dalka Sudan uu ka mid yahay dalalka Africa ee ay muuqato doorka iskaashiga iyo taageerada ay ku leeyihiin Soomaaliya ayadoo dalka Sudanna ay wax ku bartaan Arday Soomaaliyeed oo kumanaan gaareysa kuwaas oo mustqabal wanaagsan ku leh haddii ay dalkooda ku soo laabtaan iyaga oo wax bartay.

Boocame Online

Daalacatey :367

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Jan 3 2013. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...