|

Maqaal: Gobanimadu waa Geed Ku Baxa Dhiigga Geesiga (Akhriso)

Boocame Online- Bismalli asalamu Caleykum wa Raxmatullahi wa Barakaatuh.

Inkastoo aanan Qoraa ahayn, Hadana Caawo waxaan Jeclaystay In aan Bulshada Reer Khaatumo La wadaago talo iyo hoga tusaalayn aan is leeyahay Hadii ay wuxuun Ka qaataan, Horumar iyo xorriyad waynu Hanan karnaa.

Qodobada aan ku salayn doono kuna falanqaynayo Maqaalkan waxa ka mid ah

1. Maxaynu u dhisannay Khaatumo state Of Somalia?
.
Beesha Dhulbahante oo dhiig iyo dhaqanba Deegaan gaar ahaaneed u leh sadexdan Gobol ee Sool, Sanaag Iyo Cayn, sidoo kalena wax ku leh Gobollo badan oo geeska afrika ah sida Jubada hoose, oo dalka Somalia ah Iyo Kililka shanaad ee soomaalida Ethiopia ayaa waxay beeshu Talo midaysan ku qaadatay In ay Samaysato Maamul Goboleed soomaaliyeed oo ay ku midaysanyihiin sadexda Gobol ee SSC. iyadoo ahdaafta aasaasiga ah ee maamulkaasna lagu saleeyey ilaalinta Midnimada Umada soomaaliyeed, Nabadaynta Dalka, dhismaha qarankii Burburay iyo soo celinta sharafkii soomaaliyeed.

2. Dhibaato intee le’eg ayaa Hor taagan Maamulka Khaatumo state?

Khaatumo state Of Somalia waa Maamulka Kaliya ee somalia ka jira ee lagu dhisay wada tashi loo dhanyahay, sidoo kalena waa maamulka ugu Cadowga badan.

waa maamul ay hareeraha Ka xigaan labo maamul oo Xukuumad iyo shacabba aan jeclayn In Khaatumo Dhismato, sidoo kalena jecel in ay Dhul Ballaadhsi ku qabsadaan Sadexda Gobol ee SSC. Labadan maamul oo kala ah Somaliland iyo Puntland ayaa waxay ku wada socdaan kana midaysanyihiin Cadaawada iyo Nacaybka Khaatumo, Mid ahaan wuxuu deegaanada Ka wadaa Xasuuq, dhac, dhulboob iyo Kufsi. halka kii kalena uu Dhaqaale adag iyo siyaasad ku bixinayo kuna taageerayo Dhibaatooyinkaas aynu soo sheegnay.

Caqabada sadexaad ayaa ah Dowlada Federaalka oo dhismaheedii ay gacan wayn ka gaysteen Garaadada Beesha dhulbahante, iyagoo waliba taageera buuxda siiyay Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Hadana markii lagu guulaystay dhismahaas ay xukuumadii federaalku Tidhi Ninkii Xoogleh ayaan Xil u dhiibayaa Xaajana iga mudan, iyadoo si toos ah uga indho qarsatay dhibaatada lagu hayo shacabka u dhimanaya Calanka Buluuga ah ee Umada soomaaliyeed, maatada iyo caruurta lagu khasbayo Somaliland soo raaca, run ahaantiina ma jirto qorrax soo baxda oo uusan dhiman qof shicib ah oo deegaanada Khaatumo ku sugan, isagoo loo dilayo qabyaalad iyo soomaaliya kala goynteeda.

Siyaasada shacabka reer Khaatumo ku dhaqmayo ma tahay Mid saacidaysa maamulkooda Nacabka iyo Cadowgu Hareereeyey?

Hadii aad indho indhayso shakhsi kasta oo reer Khaatumo ahi ugu yaraan hal mar ayuu iibsadaa qadiyadiisa maalintii, run ahaantiina hadii aynaan dhaqankaas wax ka bedelin Nolosheena inta ka dhiman Xoriyad iyo Gobanimo uma helayno Goboladeena.

hadii aad iswaydiinayso sidee ayaad u iibsatay Qadiyadii Khaatumo adigoo hadana Jecel Khaatumo bal aan kuu cadeeyee:

1. Ninkasta oo Maanta xoogaa ka qaata Somaliland ama Puntland waxa Hubaal ah inuu fuliyo Danaha ay ka leeyihiin labadaas maamul, waxaana rag badani Maanta dagaal ugula Jiraan Khaatumo si aan Lacagtaasi uga go’in, gaar ahaan kuwa u shaqeeya somaliland oo aad is odhanayso Lacagteeda ma fal iyo qarjajaas ayaa la socda oo qofkii cuna uu Iimaanka beelayo.

2. dhalinyarada oo ah lafdhabarta Kacaan kasta oo aduunkan soo maray, lana rajaynayay in ay qayb libaax ka qaadan doonto Xoraynta iyo Midaynta deegaanada Khaatumo ayaa sanadahan danbe si xawli ah ugu lug yeeshay siyaasadii lagu naanaysi jiray maalinba meelbay Ku jirtaa, Maxaan Cunaa iyo fooofoo soo hoyo. waxaa badan inaad aragto dhalinyaro caadi u aragta inay la shaqayso Somaliland, dhalinyaro isku sheegaysa xulkii gobolka sool ee kubada cagta oo aduun waynaha uga markhaati furaysa inay somaliland yihiin, iyagoo ciyaaraya Koob ku sheeg lagu iibsanayo qadiyadooda, waxaaba kasii daran inaad aragto shacab daawanaya una sacabinaya markay gool dhaliyaan, sii galbinaya soona galbinaya markay sool kusoo laabtaan, taasi miyaanay Dhaawac wayn u gaysanayn Garnaqsigii Khaatumo state ee ahaa In Sool xoog lagu haysto, Miyaanay ahayn Markhaati aan la qarin karin oo caalamka ay horgaysanayaan Beesha inagusoo duushay ee Iyagoo ku tirtiraya kuna masaxaya Dacdwadii ahayd In shacabka Gobolka Xasuuq Iyo Cabudhin lagu hayo.

Waxa laga yaabaa wiilka 20 jirka ah ee u Ciyaar tagaya Hargaysa Iyo Burco inuu isleeyahay Dhaqaale Iyo Magac ayaa Kuugu jira Ciyaartaas balse miyuusan is waydiin Magac uu Xambaarsanyahay Inuu yahay Gobolkii ay difaaciisa u nafwaayeen Kumanaan Qof oo wadaniyiin ahaa, maato iyo haween. miyaanu is waydiin wiilka yar ee isleh soo dalxiis in sidii isaga loo xorayn lahaa rag badan oo geesiyiin ahi naftoodii u waayeen, kuwo kalena dhaxanta dhoodiga, Gaajo Iyo Harraad ay ugu sugnaadaan maalin iyo habayn, iyagoo isleh Wiilashiinii soo xoraysta, run ahaantii waa wax laga damqado qof aad u doodayso oo ku dafirsan, qof aad u dhimanayso oo Dhaawacaaga Milix sii marinaya.

3. Ganacsatada Iyo Meheradaha Sool iyo sanaag waxay si Toos ah u bixiyaan Cashuur noockasta oo ay tahay, sidoo kalena shacabka ku dhaqan goboladani waxay u hogaansameen awaamirta Maamulka SNM, marka laga reebo maalmo tirsan oo gadood jiro.

Lama odhan karo shacabkan waa la khasbaa, lamana odhankaro Ciidan beeleedka isaaq ayaa khasbi kara shacab deegaankoodii loogu yimid, Luuq kastana yaqaan. sida aynu ognahay Dowlado waawayn oo carbeed ayaa waxa sanadkan inqilaabay shacab wax diidan, waliba shacabkaasi wuxuu ahaa shacab ku hoos noolaa maamul iyo dowlad muddo dheer oo aan haysan hub iyo dhul toona, balse Laascaanood ninkasta oo shacab ah oo degen wuxuu heli karaa ugu yaraan hal qori oo Ak47 ah iyo rasaas fiican, sidoo kale Askariga Gambadha Jooga ee Isaaq waa Go’doon waayo dhul isaaq leeyahay waxa ugu dhow Oog oo u jirta ugu yaraan 200km, tuulo kasta iyo taako kasta oo uu hadhsado waxaa iska leh dhulbahante, markaa lama odhan karo waa la ina khasbayaa e runtii inaga ayaan lahayn damiirkii wax diidi jiray ee aynu caanka ku ahayn. Inaga ayaa dhimashadii ka cabsanayna, islaan waliba waxay rabtaa in wiilkeedu u noolaado hadana waxay leedahay Khaatumo meeday, suuro gal ma noqonaysee Dhimasho dhaxal wanaagsan reebta Iyo dhulkeenoo Isaaq qaato kala dooro Hooyo.

Hadaba sidee Loo gaadhi karaa Himilada Hadafka Khaatumo state Of Somalia?

Gobanimadu sideedaba waa Geed Ku baxa dhiigga Geesiga, Hadii aynaan Nafteeena dhimasho u ogolaan dhaxalkeedu waa Gun Iyo Nolol Geeridu ka roontahay, waxaana Xaqiiqo ah hadii 6 bilood oo kaliya Xabadu ay ka wada dhici lahayd Sool, Sanaag Iyo Cayn, Tuulo kastaana ay samaysan lahayd Jamhad maalinba meel Ku dhufata waxa xaqiiq ah in somaliland inaga baryi lahayd in aynaan Burco weerarin, sool iyo sanaagna Xornimadeeda aan la isku hayeenba.

Hadii nin walba oo sool ku leh guri, Ganacsi ama dhul uu diido Cashuurta iyo dhaqaalaha loo xaraynayo Isaaq, hadii Askarta Iyo Bilayska la midab takooro oo aan waxba laga iibin, hadii qofka ay salaamaan uu kasoo qaado Bakhti soo uraya, islaanta wiilkeedu la shaqeeyaana ay dayriso habaarna ugu darto kana samirto wiil ku sheegaas waxa Hubaal ah in aysan sii socoteen gacan ku haynta Gobolku. waxa laga yaabaa in hadii aad sool ku nooshahay is waydiiso armaa la i xidhaa ama wax la i yeelaa bal aan ku su’aalee somaliland ma leedahay Xabsi deeqa shacabka Ku dhaqan Xaafad Laascaanood ka mid ah kaliya, hadiiba ay xabsigaas yeeshaanse ma leeyihiin dhaqaale ay ku maareeyaan maxaabiis intaas le’eg. waa hubaal hadii aad kaligaa diido in lagu xidhi karo balse Gacmo wada jirbay wax ku gooyaane Diida dulmiga Raganimaa door roone.

Akhristayaasha sharafta leh waxay igalasoo xidhiidhi karaan

Somalia: tel 442 7756, ama qurbaha +164 6559 7414

ibnurabiish@gmail.com ama www.facebook.com/rabiishyare

Daalacatey :941

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Jan 3 2013. Filed under Maqaalo, slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...