Hanaqaad: Munasibad qalin jebina oo kadhacay Gobolka Sool (Daawo)
Boocame Online (laascaanood) Waxaa Maanta Kadhacay Magaalada Laascaanood Ee Xarunta G/sool Xaflad Ay Ku Qalin Jabinayeen Arday Iyagu Wax Kabartay Dugsiga Hanaqaad Ee Magaalada Laascaanood Kuwaas Oo Kabartay Xirfadaha Kala Duwan Sida Dawaarka,Cunta Karinta,Qalabka Guryaha Iya Waliba Xiisado Gaara Sida Caafimaadka,Xisaabta,Iyo Waliba Ganacsiga.
Ardaydan Iyagu Kaqalin Jabisay Dugsiga Hanaqaad Ayaa Tiradoodu Dhantahay 200 00 Arday Kuwaas Oo Iyagu Dhamaantood Yihiin Gabdho .
Ugu Horayn Xafladaasi Ayaa Waxaa Lagu Furay Aayadaha Quraanka Kariimka Iyadoona Aayadaha Kadib Hadalka Lagu Soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Dugsiga Hanaqaad Xaliimo Saalax Xasan Iyadoona Kawar Bixisay Xaaladaha Guud Ee Uu Dugsigu Soo Maray Iyadoona Siwayn Uamaantay Ardaydan Iyagu Maanta Xaflada Loo Qabtay Halkaas Uga Soo Jeedisya Ardaydan Qalinjabinaysay Hadalo Iskugu Jira Hanbalyo Iyo Dardaaran .
Ugu Horayn Waxa Uu Gudoomiyuhu Hadalkiisa Ku Furfurtay Taqwada Ale Iyadoona Hadalo Dardaaran Iskugu Jira Usoo Jeedisay Dhamaan Ardaydii 200 Ahaa Ee Iyagu Halkaas Maanta Ku Qalin Jabiyay Ugu Danbayntii Waxa Uu Gudoomiyuhu Uu Dardaaran Culus Udiray Ardaydaas Iyagu Maanta Wax Barashadoodii Dhamaystay Taas Oo Ku Aadanayn Inay Waxbarashada Sii Wadaan Aysana Halkaas Ku Dhaafin Kana Run Sheegeen Wixii Mudada 6 Ay Baranayeen.
Dhinaca Kale Waxaa Iyana Halkaas Hadalo Iskugu Jira Hanbalyo Iyo Dhiiri Galin Kasoo Jeedisay Basra Cumar GeeleOo Iyadu Xubin Ka,ah Ururka Hanaqaad Ee Kajira Gudaha Magaalada Laascaanood.
Basra Ayaa Hadaladeeda Iskugu Jira Hanbalyo Iyo Dhiiri Galinta Kasoo Jeedisay Ardayda Hortooda Iyadoona Sheegtay In Waxbarashada Dhanka Gabdhuhu Ay Baryahan Danbe Soo Hagaagayso Iyadoo Awal Ay Ahayd Mid Aad Utaya Yar Sidoo Kale Waxay Ay Hadalo Dhiiri Galina Ujeedisay Dhamaan Ardaydii 200 Kudhawayd Ee Iyagu Halkaas Maanta Kuqalin Jabinaysay Iyadoona Usheegtay Inay Waxbarashada Sii Wadaan Isla Markaana Baraan Wixii Ay Barteen Dhamaan Jiilasha Soo Socda.
Dhanka Kale Waxaa Iyana Halkaas Kahadashay Macalin Cibaado Geele Oo Iyadu Qayb Wayn Kaqaadatay Heerarkii Ay Soo Mareen Ardaydani Mudadii 6bilood Ahayd Ee Ay Cilmigan Baranayeen Halkaas Kasoo Jeedisay Hadalo Dardaarana Oo Ku Aadan Ardaydan Iyagu Maanta Waxbarashadoodii Dhamaystay Iyadoona Si Dheer Ugu Dheeraatay Muhiimada Ay Aqoontu Uleedahay Bulshadan Kudhaqan Gudaha Magaalada Iyo Waliba Dibadaba Sidoo Kalena Waxay Ardada Ku Boorisay Inay Sii Wadaan Wax Barashadan Ay Soo Wadeen Mudada 6bilood Ah.
Dhanka Kalena Waxaa Isna Halkaas Kahadlay Macalin Axmed Maxamed C/laahi Oo Isagu Ardaydaas Sii Sogootiyay Hadalo Dardaarana Usoo Jeediyay Iyadoona Ardaydan 200 Lagu Gudoonsiiyay Madashaas Shahaado Sharaf.
Isku Soo Wada Duuboo Xafladan Maanta Kadhacday Gudaha Magaalada Laascaanood Kuwaas Oo Ay Ku Qalinjabinayeen Arday Dhan 200 O0 Kuwaas Oo Iyagu Kabartay Xirfadaha Kala Duwan Dugsiga Hanaqaad Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Kudhaqan G/sool Qaar Kamid Ah Ardayda Wax Kabarata Dugsigaas Iyo WalibaMasuuliyiin Katirsan Ururka Hanaqaad Ayaa Iyagu Dhamaantood Halkaas Kalmada Iskugu Jira Dardaaran Iyo Dhiiri Galin Uga Soo Jeediyay Ardaydaasi Iyadoona Ugu Danbayn Xafladaasi Ay Kusoo Idlaatay Jawi Aad Ugu Wanaagsan .
Hoos ka Daawo – Sawirada Munaasibadaasi.
Daalacatey :518 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya
UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------













