|

(Video) Amina Muuse Weheliye oo Digniin culus u dirtey Saxafiyiinta

Boocame Online- Amina Muuse Weheliye oo ka tirsan suxufiyiinta ugu caansan dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay digniin culus ay u dirtey weriyayaasha iyo suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta Soomaaliyeed iyadoona oo ga digtey inay ka foojignaadaan si xun wax u sheega keeni kara dhibaato baaxad weyn oo qabsato dadka Soomaaliyeed.

Amina Muuse oo ka qeyb galeysay shirkii lagu qabtey dhawaantaan dalka Djibouti ee lagu xusaayey sanadguuradii 40aad ee aasaaskii qoraalka Afka Soomaaliga ayaa hadal ay ka jeedisay goobtaas waxay sheegtay inay jiraan suxufiyiin Soomaaliyeed oo si qaldan u sheega una soo gudbiya wararka ay tabinayaan taas oo ayna mararka qaarkood ay arintaasi keeni karto inay abuurto dhibaato baaxad weyn leh oo saameyn ku yeelata dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Amina Muuse oo soo qaadatey tusaalooyin ku saabsan hab dhaqanka qaldan ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wararka u soo tabiyaan oo ay ayadu waayo arag u ahayd xilligii ay ku guda jirtey shaqadeeda suxufinimo ayey ku muujisay war xun sheega suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo dhibaatada baaxada weyn leh ee ka dhalan karta arintaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo weriye Amina Muuse ay waxay ka hadashay ay yihiin kuwa ku saleysan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta maanta saxaafada Soomaaliyeed ayey waxay kaloo eedeyn u soo jeedisay telefishinada Soomaaliyeed oo ay ku tilmaantey inay baarnaamijyada ka baxa qaar ay yihiin kuwo isku dira dadka islamarkaana ay dadka ka shaqeeya ay yihiin kuwo aan u lahayn xirfad aqoon oo ku filin shaqadooda oo barnaamij la isku dilay uu u qaadanaayo inuu ahaa mid meel fiican gaarey, Sidoo kale ayey Amina sheegtay inaan looga hari doonin dadka suxufiyiinta ah ee war xun sheega iyo balaayada ka shaqeeya oo mar un lala xisaabtami doono, Amina oo ka hadleysay inay suxufiyiintu qaar ku calaacalaan waa nala caburiyaa ayey waxay hadalkeeda ku sheegtay inaysan caburin ahayn marka la iska qabta suxufiga balaayada iyo war xun sheega faafinaayo oo umada u keenaayo dhibaato weyn.

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com

Daalacatey :2030

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Jan 3 2013. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...