|

Video: Dr Xabeeb Soo dhowayntii Qaran ee Loogu Sameyay Buhodle

Boocame Online- Dr.Cabdiraxmaan Cali Cabdi” Dr. Xabeeb” oo ah doctor ku takhasuusey daaweynta dadka dhimir ka ah amaba waaalan ayaa maanta lagu soo dhaweeyay gudaha magaalada Buuhoodlee.

Dr. Xabeeb, Wuxuu ka yimid magaalada Mugdisho ee caasimada Dowlada Federalka Somalia, Dr. Xabeeb oo ah nin ku soo takhasuusey daaweynta dadka waalan ama dhimirka ah ayaa usoo kicitimey in uu wax qabad iyo gargaar buuxa ka geysto dhibaatada dadka dhimir ka ah ka haysata shacabka magaalada Buuhoodle.

Hadaba Doctorkan ka soo kicitimey magaalada Mugdisho ayaa maanta waxaa ka qeyb qaatey soo dhaweyntiisa dhamaan Isimo,Cuqaal,Waxgarad,Ganacsato, iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Soo dhaweynta Dr.Xabeeb kadib ayaa waxaa layskugu yimid Hall Shirarka Ee Cabdigurey Plaza, Yadoo madashaasi laga soo jeediyey qudbadi aad u qiimo badan oo lagu soo dhaweynayo Dr.Cabdiraxmaan Cali Cabdi”Dr.Xabeeb”.

Waxaana ugu horey madashaasi qudbad aad u qiimo badan kasoo jeediyey, Sh.Cumar Sh. Cismaan oo ah sheekhal beledka gudaha magaalada Buuhoodle.

Yadoo Sh. Cumar Sh. Cismaan ugu horey hadalkiisa ku bilaabey soo dhaweyn diiran oo uu u fidinayey Dr.Xabeeb, Sidoo kale Sh.Cumar Sh. Cismaan, ayaa wax badan ka cabtey daryeel la’aanta haysata dadka Dhimir ka ah amaba Waalan ee ku sugan gudaha magaalada Buuhoodle.

Sidoo waxaa madashaasi ka hadley Suldaan Siciid Cali,Oo isna ku dheeraadey soo dhaweyn balaadhan oo uu u fidinayo Dr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi”Dr.Xabeeb”, Yadoo Suldaan ku ku guubaabiyey dhamaan dadka u dhashay magaalada Buuhoodle Daljoog Iyo Dibadjoogba inay ka qeyb qaatan soo dhaweynta Doctor kani, Sidoo kalena ay u fiijignaadaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen, Dr.Xabeeb oo magaaladani uga soo gurmadey meel fog.

dhanka kale waxaa isna madashaasi ka hadley Gudoomiyaha”Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada buuhoodle” Dr.Cabdishaafi Axmed Cali,Oo ugu horey soo dhaweeyay Dr.Xabeeb, Yadoo gudoomiyaha Jaamacadani ku dheeraadey in dadaal badan laga bixiyo Arimaha Caafimaadka Iyo Waxbarashada oo ay ku liitaan bulshada ku dhaqan gudaha magaalada Buuhoodle amaba dadka deegaankani dega.

Ugudanbeyntii munaasibadani lagu soo dhaweynayey oo ay ka qeyb qaateen,Isimo,Cuqaal,Waxgarad,Culimaa’udiin,Ganacsato, Iyo sidoo kale dhakhaatiirka caafimaad ee magaaladani Buuhoodle, Ayaa u dhacdey si heer sare ah.

Boocame Online

Daalacatey :793

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Jan 3 2013. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...