Nairobi: Ururka KHAYDO Oo Xaflad Balaaran Qabtay (Sawiro+warbixin)
Boocame Online -(Nairobi) Waxaa Galabta Ka Dhacday Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya Munaasibad Balaadhan oo Ay Soo Qaban Qaabiyeen Xubnaha Ururka KHAYDO oo ah urur dhawaan Ay dhidibada utaageen dhalinta Khaatumo State ee ku dhaqan magaalada Nairobi.
Munaasibadan Balaadhan Ayaa Waxaa kasoo Qayb galay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Khaatumo State ee ku Dhaqan magaalada Nairobi.
Ugu Horayn waxaa Halkaasi ka Hadlay Gudoomiyaha Ururkaasi Mr Axmed Maxamed Xirsi wuxuuna ka warbxiyey waxyaabaha Ururka Loo Aasaasay , Waxa uqorshaysan Iyo sidoo kale Su’aalo wada tashi ah oo uu usoo ban dhigay madasha.
C/qaadir Firdhiye Afhayeen Jaaliyada Khaatumo ayaa dhankiisa Siwayn usoo Dhoweeyay Ururkani, Isagoo Si balaadhan uga Jawaabay Su’aalaha madashaasi lagu soo bandhigay.
Cabdi Qaadir Ayaa Sidoo kale Kula Dar Daarmay Xubanaha Ururkani Inay ka Dheeraadaan Khilaaf & waxyaabaha uhorseedi kara dibu dhaca, isla markaana Ay ka Duulaan Hadafka Guud Ee Ururka KHAYDO.
Hooyo Canab oo Ku hadlaysay Magaca Hooyooyinka Ayaa Siwayn Dhankeeda usoo dhowaysay Dhalinta Fir fircoon ee Isu taagay Midaynta dhalinta khaatumo ee ku dhaqan Dalka Kenya & Deeganada Khaatumo State ba.
Dhalinta Gudiyada Waxbarasho oo madashan ka Hadlay Ayaa Dhankooda talooyin Muhiima Ujeediyey Dhamaan Xubaha Ururka & Bulsho waynta Deeganada Khaatumo State oo Dhan.
Abwaanada Ama Hal Abuurka Ayaa Dhankooda Halkaasi kusoo Bandhigay Suugaan Cajiiba oo lagaga Hadlayo Xaalaadaha Deeganada Khaatumo & sida loogu baahan yahay In Lays Kaashado.
Axmed Siraad Baqow oo Dhanka wax Garadka ku hadlayey Ayaa Dhankiisa Bogaadiyey Xubnaha Ururka Islamarka Ugu baaqay inay sii xoojiyaan dadaalka ay u istaageen.
Isku Soo Wada Duuboo Munaasibadan Balaadhan ee Maanta Ururku Soo Qaban Qaabiyey Ayaa Badan keeda ahayd wada tashi, Waxayna Xubanaha Ururkani Ay Sheegeen in kulamadani ay noqon doonaan kuwa Joogta ah.
Ururkan KHAYDO Ayaa loo dhisay Qaab NGO waxuuna Xooga saarayaa , Midaynta Dhalinta Khaatumo ee Dalka Kenya, Isagoo Mudooyinka Soo Aadana Qorshaynaya Inuuu Ku Baaho Dhamaan Deeganada Khaatumo State.
Hoos ka Daawo – Sawirada Munaasibada
By – Axmed C/qaadir Jabaan (Axmed Darwiish)
Boocame Online – Nairobi Office
Daalacatey :2603 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------


















