|

Wiil yar oo mucjiso ah oo ku dhashay Boosaaso ((Warbixin + Video))

Boosaaso- Wiil yar oo mucjiso ah ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhashay magaalada Boosaaso iyadoona uu wiilkaasi yar ee mucjisada ah ay ka maqan yihiin qaar ka mid xubnihiisa muhiimka u ahjirka bini’aadanka

 

Wiilkaan yar ee mucjisada ah ayaa waxaa la sheegay inuusan lahayn wax gacmo iyo luga ah toona asagoona intiisa kale ee jirkiisu ay yihiin caadi arintaas oo yaab ku noqotey dhaqaatiirta iyo waalidiinta wiilkaas dhalay, wiilkaan oo dhawaan oo ku dhashay magaalada oo Boosaaso ayaa Dr. Yaasiin Faarax Cartan oo ah dhaqtar ka howlgala isbitaalka uu ku dhashay wiilkaas ayaa sheegay inay tahay arintaan mucjiso rabaani ah islamarkaana aan horey loogu arkin noocaan oo kale ama wax la mid ah dalka Soomaaliyeed laakiinse ay horey uga dhici jireen wadamada aduunka, Sidoo kale ayuu Dr. Yaasiin Faarax Cartan waxaa uu sheegay inaysan garin karin waxa sbabay arintaas asagoona sheegay inay aabaha iyo hooyada dhalay ilmahaan ay yihiin dad caadi ah asagoona sidoo kale sheegay inaysan hooyadu qaadan wax daawo ah is qilaafsan oo u keeni kara dhibaato ilmaha ku jira caloosha hooyada.

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mucjiso rabaani ah ayaa sidoo kale waxaa arinta wiilkaan yar wel wel ka muujiyey abaaha dhalay cunugaas mucjisada ah oo lagu magacaabo Barkhad Salaad Faarax asagoona umada Soomaaliyeed iyo dadka muslimiinta ah dhamaantood ka codsaday cidii cawino karta inay ku soo caawiyaan wixii ay u awoodaan, Sidoo kale ayaa qaar ka mid ah wadaadada Soomaaliyeed oo ka hadlay arinka wiilkaas mucjisada ah ayey waxay ku tilmaameen arinka wiilkaan mucjiso u baahan in lagu cibra qaato islamarkaana lagu sabro ilaah dartiis

Halkan Hoose Riix oo daawo Mucjisada Wiilkaan yar Ee Soomaaliga ah



Daawo

Daalacatey :5755

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Jan 26 2013. Filed under Media, slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...