Topnews: Qasaraha Ciidanka dalka Jabuuti Iyo Dagaal Gaadmo Ahaa
Boocame Online- Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa waxa uu kawar bixiyay dagaal ay Shabaab ku qaadeen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM kuwaas oo ku sugan gudaga magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ku geeriyooday askari katirsanaa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyada oo dhaawacna uu kasoo gaaray sedax askari oo Soomaali ah waxa uuna kufaanay in ay Shabaabka ka khaarijiyen saraakiil Ajaanib iyo Soomaali isugu jirta.
Ninkaan u hadlay AMISOM ayaa waxaa uu sheegay in dhibatada ay Shabaabka gaarsiiyeen ay qasbi doonto in Shabaab aysan waligood weerar danbe lahaweysan ciidamadooda.
Shabaab ayaa horay waxa ay u sheegteen in ay weerar ay ku qaadeen ciidamada Jabuuti ee jooga B/weyne ay qasaare tii ugu darneyd ku gaarsiiyeen, iyagoona balan qaaday in ay sii wadayaan dagaalada kadhanka ah.
Boocame Online
Daalacatey :795 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------