|

VIDEO:Ninka loo qabtey dilka Sh. C/qaadir Gacamey & xiligii la qabanayey (DAAWO)

Baraha Internet-ka ayaa lagu soo bandhigay video muuqaal ahaan aad u liita oo mobile lagu duubay oo muujinaya muuqaalka ninka loo haysto dilkii Sheekhg C/qaadir Nuur Faarax (Gacamey), waxaana ninkan oo ah nin dhalinayaro ah la sheegay in ay qabteen dadka xaafada Masjidka Sheekha lagu diley, iyadoo wiil uu dhaley Sheekha oo ninkaasi eryaday uu suuragaliyey in la qabto ninkan loo haysto in uu dilka geystey.

Muuqaalka Video ah oo mid aad liita waxaa si wanaagsna looga maqalayaa ninka dilka geystey wareysi ay la yeelanayana dad careysan oo ku soo qamaamay, iyadoo wajiga ninkan dhaawacyo ay ka muuqdaan kuwaasi oo ay u geysteen dadkii raacdeysanayey.
Ninkan oo ah nin dhalinaro ah oo da’a ahaan 20 sano jira waxaa video-ga laga maqli karaa halkii uu ka yimid, waalidkiis magacyadooda, magaalada uu ku dhashay, cidii uu la noolaa intii uu joogay magaalada Garoowe, laakiin dadkii careysnaa ee ninkan su’aalaha waydiinayey waxaa ugu badan ee ay waydiinayeen ayaa ahaa cida soo dirtey iyadoo lagu celcelinayey su’aasha aheyd “Yaa ku soo diray”.

Ninkan wuxuu kaloo sheegayaa magaca nin dhakhtar ah, waxaase aad u badan buuqa ka uudaan ninkaasi loo haysto dilka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ILAAH ha u naxariistee.

Waxaa ninkaasi loo gacan galiyey ciidamada amaanka Puntland kuwaasi oo su’aalo waydiin ku haya, iyadoo laamaha amaanka ay xaqiijiyeen inay saxaafada u soo bandhigi doonaan baaritaankaasi wixii ka soo baxa.

Link-ga video hoose riix si aad indhahaaga ugu aragto muuqaalkan.

watch video youtube halkan riix daawo video

Daalacatey :25583

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Feb 15 2013. Filed under Media, slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...