Agaasimada W- Arimaha Gudaha Khaatumo oo Hadlay (Dhegayso)
Boocame Online- Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul goboleedka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa cambaareyn dusha uga tuuray maamulka Somaliland, isagoona sheegay in maamulka Somaliland uu gabaad siiyo kooxo xag jiriin ah waa sida uu hadalka u dhigaye waxa uuna ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in aysan kala hadlin madaxda Somaliland arimaha goboladda waqooyi ee Soomaaliya marka uu furmo wada hadalada u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland balse ay ka wada hadlaan oo kaliya arimaha deegaanada Somaliland.
Agaasimaha ayaa ugu horeynba hambalyo u diray qodobo dhawaan laga soo saaray shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Buuhoodle Beesha Aadan Axmed oo ka tirsan Beel weynta Dhulbahante kaas oo ahaa mid Beeshu aayaheeda ay kaga tashanaysay. Hadaba halkan ka dhagayso warbixin xasaasi ah oo aan ka diyaarinay arintaas.
(HALKAN KA DHEGAYSO – AGAASIMAHA)
Hadalkani kasoo yeedhay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ee maamul goboleedka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan ayaa kusoo beegmaya xili ay weli jiraan walaac balaadhan oo dowladda reer galbeedku ay ka muujiyeen tagi taanka deegaanada Somaliland isla markaasna ay digniino culus u direen dad yowgoodii halkaasi kaga sugnaa.
By – Wariye Abdirahman Wadani
Daalacatey :2513 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacayaUK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------