Garoowe:- Munaasibad loo qabtay Arday Dhamaystay Computerka
Boocame Online- Munaasabaddaan oo ay ku qalin jebinayeen 49 arday oo ka baxay machadka barashada Kambiyuuterka iyo luuqadaha ee Goljano ayaa lagu qabtay jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, waxaana kasoo qeybgalay boqolaal qof oo isugu jira arday waalidiin macalimiin iyo Marti Sharaf kale.
Ardaydaan ayaa ka qalin jebiyey qeybaha kumbiyuuterka, sida fur furidda ama cillad saaridda iyo weliba isticmaalkiisa ayaa waxaa shahaadooyin guddoonsiiyey masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada maamul goboleedka Puntland.
Qaar kamid ah macalimiinta machadka oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in machadka laga bixiyo koorsooyin casri ah oo la xiriira barashada kambiyuuterka.
Machadka barashada kumbiyuuterka iyo luuqadaha ee goljanno ayaa ah machad dhawaan laga furey magaalada Garoowe, waana dafcaddii ugu horreysey ee ka qalin jebisa machadka.
Daalacatey :828 editor@boocame.com Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya
UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------







