|

Kibaki muxu ka dhahay Hadafkii Ay Gudaha dalka Somaliya u Galeen

kibakiBoocame Online- Madaxweynaha wadanka Kenya Mwai Kibaki ayaa sheegay in hadafkii ciidamada Kenya ay usoo galeen dalka Somaaliya ay gaareen isagoona tilmaamay in ciidamada Kenya ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya iyo Saraakiisha horkacaya ay dhamaantood mudan yihiin abaal marin ku saabsan shaqada wanaagsan ee ay ka qabteen gudaha dalka Soomaaliya oo ay kula dagaalameen ururka alshabaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya ay wax badan u qabteen Shacabka Soomaaliyeed isla markaane ay dhabarka ka jabsheen dagaalyahanada alshabaab oo sida uu sheegay caqabad ku ahaa nabad ka dhalata dalka Soomaaliya sida uu sheegay wuxuuna amaan ballaaran kala dul dhacay askartiisa hawlgalka ka wada gudaha Soomaaliya.

Mwai Kibai ayaa ku booriyey ciidamada Kenya eek u sugan Soomaaliya iney hagaajiyaan la dhaqanka dadka Soomaaliyeed isla markaane ay ka fogaadaan waxyeeleynta shacabka iyo wax walba oo dhaawici kara sharafta dalka Kenya,wuxuuna tibaaxay in dhawaan bedel lagu samayn doono ciidamada Kenya ee dagaalka ka wada dalka Soomaaliya kuwaas oo dib loogu celin dooono dalkaas.

Kenya ayaa Soomaaliya si iskeed ah usoo gashay ciida Soomaaliya iyada oo ku andocoonaysa iney la dagalameyso alshabaab ooay ku eedeysay iney afduub u geystaan dalxiisayaasha ajaanibta ah ee dalkeeda ku sgan isla markaane ay Qatar muuqata ku yihin amaanka gudaha wadankeeda,Ciidanka Kenya oo dagaal adag la galaya shabaab ayaa markii danbe ku biiray ciidamada nabada ilaalinta Amisom ee ka socda midowga Afrika,waxaana lagu eedeeya ciidanka Kenya iney ka gudbeen shaqadii loo igmaday oo ahayd nabad ilaalin iyo nabad dhalin balse ay faraha la galeen arimaha mamul u samaynta gobolada Jubooyinka.

Boocame Online

Daalacatey :2077

editor@boocame.com

Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio SSC ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |

--------------------- Fadlan Hoos Riix -------------------

Posted by on Feb 23 2013. Filed under slidernews, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented

  • Surgo,: Waad ku mahadsantihiin, baraarujinta iyo iftiiminta yoolka siyaasadeed ee madaxweynaha cusub, waxaase ka...
  • khatumo: We are with you Dr Xabeeb
  • Axmedsomali: iiidoor somali ceebee……… 230; walee………R 30;….. waaa laba...
  • Axmedsomali: Walee somalidiidka ilma Koofil, ama ilma Gunter gabalkoodii waa dhacay , Sayid maxamed baa horey u...
  • Axmedsomali: Waxa kaliya ee laga sugayo beesha jaamac siyaad waa 1.in somalidiidka Gabalkoodii dhacay runta u sheegan...