R/wasaara ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray & Qorshahisa
Boocame Online- Bekir Bozdag, R/wasaara ku xigeenka dalka Turkiga ayaa waxa uu soo gaaray magaalada Muqdisho subaxnimadii hore ee maanta isaga oo ay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ay ku soo dhaweysay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Fooziyo ayaa kadib soo dhaweyntii ay ugu sameysay masuulkaani Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa lasheegay in ay u soo dhaadheceen gudaha magaalada Muqdisho, si ay u guda galaan qaar kamid ah howlihii uu dalka u yimid oo ay ugu weyntahay dhagax dhigidda Iskuul lagu barto Tacliinta beeraha, kaas oo ay gacanta kuheyn doono dowlada Turkiga.
Iskuulkaasi uu dhagax dhigayo Bekir Bozdag ayaa lasheegay in uu yahay Iskuulka 21-ka October ee degmada Waaberi ee gobalka Banaadir halkasi oo lasii dhigay ciidan sii baara goobaha uu tegayo amaanka goobtana ay u adkeeyaan.
R/wasaara ku xigeenka dalka Turkiga ayaa sanadkii hore sidaan oo kale waxa uu u dhagax dhigay Waaxda lasocodka saadaasha Hawada ee garoonka Muqdisho kadib markii uu safar ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

UK 020351904757 | USA & CANAD 415 655-0816 | Norway 021953208 | sweden 0840303194 |
---------------------
Fadlan Hoos Riix -------------------