Boocame online » Maqaalo
Maqaal Xiiso Badan ” Khaatumo Diid ama Yeel Diiwaanka waad Galiye” (Akhriso)
Waxa Laga yaabaa Inbadan oo ka mid ah dadka Sool, Sanaag Iyo Cayn In ay raalli ku noqdeen inay u shaqeeyaan Maamulada Puntland iyo Somaliland, iyagoo naftooda ku qancinaya Mushahaari ayaa tahay, waa dowladadaadii, waxbaad la qaybsanayaa iyo siyaasada lagu naanayso foofoo soo hoyo.
Balse Xaqiiqadu waxay tahay, sida dhabta ah qofka banii aadamka ahi kama maarmo Qadiyad iyo Jiheeye siyaasadeed, waxaana Muhiim ah Maalinta aad ogaato in aad tahay qof jira inaad xisaabta ku darsato in dadnimada asalkeedu yahay Mabda’ iyo mowqif, hadii aadan Naftaada u samayn xuduud adag iyo hadaf waxa hubaal ah in ninkastoo kuu baahda uu helayo siduu kugu hawl gashan lahaa.
Kuwa ku shaqeeya kuna badasha qadiyadooda xoogaa lacag ah waxaan waydiin lahaa hal su’aal?
Markii aad iibsanaysay qadiyadaada, Dhulkaaga iyo Tolkaaa Imisa Lacag ah ayaad ku qiimaysay?
Ma kun iyo labo ama wax ka liita ayaa qiimahaaga aad ku qiyaastay?
Dunidu waa hadhka labadiisa Galin, Saaka waxaad samaysay Galabta waxay noqonayaan Labo mid:
Inaad ku Faanto iyo Inaad ka murugooto kana qoomamayso
Khaatumo state waa dowlad goboleedkeena cid inoo badalaysaana Ma jirto. dadka reer Khaatumo state waxay ukala baxaan Nin dhisanaya iyo nin burburinaya.
Maanta waxa laga yaabaa ninka burburkeeda ka shaqaynaya ee dhulbahante inuu ku doodi karo Khaatumo Maxay Noo qabatay iyo Maxay soo kordhisay, Hadaba anigoo u jawaabaya ruux kasta oo dooda noocaas ah Ku doodaya waxaan Leeyahay
Khaatumo state waa Adiga waana ruux kasta oo reer Sool, Sanaag Iyo Cayn u dhashaye Maxaad u qabatay Dalkaaga, Ma bixisaa dhaqaale, Dagaalka Ma gashaa, Guul ama geeri diyaar ma u tahay, tan kale waxa jirta odhaah caan ah oo tidhaahda “Intaadan Is waydiin Dalkaagu muxuu Kuu qabtay, Adigu is waydii maxaad Dalkaaga u qabatay”. Hadii aynu Caqli caafimaad qaba ku fekerno waxaynu ogaanaynaa Marka la eego Caqabadaha Khaatumo state hor yaalla, iyo Marxalada adag ee kajirta Deegaanad SSC, inay adagtahay in wax qabad iyo horumar si fudud lagu gaadho. Tusaale ahaan,
1.Sadexdii Gobol ee Sool, Sanaag Iyo Cayn, waxa dhulkoodii xorriyad ka haysta ugu badnaan 20%, Deegaan xor ah oo lagu shaqayn karo waxa Jiray Buuhoodle iyo Taleex.
2. Maamul goboleedyada Khaatumo state la mid ah markii la dhisayay ma jirin Maamul kale ama cid kaleoo cadow toos ah ku ahayd iyo cadow burburinaya toona. balse Khaatumo state dhinac waxa kala dagaallamaya  Beesha Isaaaq iyo isbahaysigooda Somaliland la magac baxay. dhinaca kalena Puntland. labadan maamulba way ka hordhismeen kana awood badnaayeen Khaatumo state.
3. deegaanadii xorta ahaa wixii loo qabanlahaa waxa hortaagan Mucaaarad ka socda Somaliland Iyo Puntland ama qabyaalad iyo xaasidnimo.
4. Siyaasada arrimaha Dibada waa looga horreeyey khaatumo, waxayna u baahantahay wakhti dheer iyo dadaal in lagu tartamo dhankaas
5. Dowladii dhexe ee somalia ee looga baahnaa inay shacabkeeda badbaadiso waxay Isticmaalaysaa siyaasada la yidhaahdo Ninkii Xoogleh baa Xageena wax ka ah.
6. dadkii reer Khaatumo oo iska rajaynaya guul samada kasoo dagta iyadoo aan nafta la hurin.
7. Dhaqaalaha Khaatumo state oo aan wali saldhigan, ilo dhaqaale iyo canshuur la qabtaana aysan jirin.
Intaasoo Caqabadood oo jira hadana waa kuma Ninka leh Khaatumo state waxba Maysan qaban?, Yaa dunida u sheegay In dhulbahante Midaysanyahay?, Yaa Somaliland Awoodeedii iyo saamaynteedii arrimaha dibada hoos u dhigay?, Yaa Inoo sameeyey Magac aynu wax kula qaybsano soomaali? Ardaydii waxbarashada bilaashka ah ee turkiga ee ay Puntland iyo somaliland kala qaybsanjireen yaa xaqeenii inoosoo dhiciyay?. yaa si buuxda ugu gorgortamay xuquuqda shacbiga deegaankeena?
Khaatumo state Mucaaradkeeda gudaha dhulbahante waa labo:
1.Nin Aaminsan in ay wax ka khaldanyihiin,Dhaliilayana qaabka wax loo wado iyo
2.Nin Dano dhaqaale iyo soor u mucaarada
Hadaba ninka ay u muuqato dhaliil iyo Khalad waxaan xusuusinayaa in dhaliil kasta la sixi karo Hadii si xeel dheer loo fekero, Wada hadalna la galo.
burburintu xal noqonmayso. Hadii aad diidantahay ama aad dhaliilsantahay xubno ka mid ah Xukuumada Khaatumo Ha mucaaradin Magaca guud iyo Maamulkaaga oo kala saar shakhsi iyo Qadiyada guud. samayso Garab Mucaarad ah oo toosiya lana tartama shakhsiyaadkaas, Balse ha noqon Nin ka shaqeeya danta Cadowgiisa, tolkaaa iyo shacabkaagana ha u jabin Nacab.
kuwa u burburinaya dano dhaqaale Ha ka fekeraan in irsaaqadooda uu Allah meel u dhigay, Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa Nin soori qaaday waa nin seefi qaadaye Ka feker sharafkaaga iyo dadnimadaada, naftaadana xasuusi imisa nin oo qayrkaa ah ayaa ka taajiray xoolo xalaal ah iyo xoogooda.
Sanadooyin badan kadib waxa dhici doonta in laga sheekeeyo Taariikhdan, Waxaana loo kala bixi doonaa nin Halyey ah oo ku amaanan kuna faana shacabkayga Maalintii ay ugu baahi badnaayeen ayaan naf iyo maalba u huray iyo Nin naftiisa canaanta iskuna ciilkaambiya ficiladiisii uusan ka fiirsan, lagana yaabo inuu marba tv ka daawado isagoo maalin Tolkiisu u baahnaa uu usoo horkacay cadow iyo nacab, inuu dhabarjabiyay wiilkiisii iyo walaalkii.
Xukuumada Khaatumo state iyadana waxaan ugu baaqayaa in ay wada hadal la furto soona dhawayso Mucaaradkeeda wixii damiir leh.
ugu danbayntii beesha dhulbahante waxaan ugu baaqayaa Midnimo iyo Kalgacayl, Guul ama geeri.
Qore: Abdirahiim Rabiish
Buuhoodle, Cayn, K.S.S. Somalia.
e-mail: rabiishyare@yahoo.com
Maqaal Yaableh: Iyo Caqli Xumada Horgalada maamulada Hareeraha.
Horgalayaashuu Ma Garan Waayeen Inay Furtaan Urur (Xisbi) U Gaara? , Halka Ay Soo Xambaarayaan Xisbiyada Beelah Ciise Maxamuud (Horseed) ama Kulmiye  (Habarjeclo)!!
Boocame Online- Waxaan la yaabay markaan ka akhriyay websiteyada reer Faroole in Horgale Puntland ah ee ku abtirsada beelaha SSC (Khatumo) uu Xafiis uga furay Xisbiga reer Faroole ee Horseed Magaalada Buuhoodle!
Waxaan is weydiiyay Horgale xxx  miyuu garan waayaya inuu u sheego Faroole inuu Buuhoodle ka furuyo Urur (Xisbi) taageersan Xisbigiisa Oo magaca kale leh.
Jawaabtu waa Maya, Horgale xx intaas waa igala caqli badan yahay, waxaanse Ogaaday in Siyaasada Qab Jabinta ee beelaha Waqooyi Galbeed iyo Kuwa Waqooyi Bari ka xiga Khatumo ay kula dhaqmaan Siyaasiga deegaankan oo ah Qab Jabinta!!.
Waxaa Beesha Faroole aysan marna oggolayanayn in hogaaamiye xisbi reer SSC ah uu ka samaysmo Puntland.
Waxaad maqlaysaa siyaasi siyaasiyiin Beesha SSC ah oo taageeraya ururada beelaha Isaaq iyo kuwa Majeerteenka balse marna ma maqalysid urur uu Siyaasi Beesha SSC ka samaystay Somaliland iyo Puntland waayo waxuu ka hor imaanayaa heshiis Beelaha Majeerteen Iyo Isaaqa oo ah inay Qab Jabiyaan Siyaasiga SSC.
Horgalayaashan ayaa dib ugu soo noqda deegaanada Khatumo State ayagoo xambaarsan fariinta quudhsiga ee Faroole Iyo Siilaanyo u soo dhiibeen.
Si au beerlaxawsadaan Jilibkooda ayay ku baroortaan Jilib hebel baa nooga fiican Somaliland ama Puntland, Horgalaha Jilibkaas si fiican baa reerkoodu taageeraan iyo erayo kale oo beerlaxawsi been abuur ah.
Horgaluhu waxuusan Jilibkiisa u sheegin in Mashaariicda UN ta iyo Deeq bixiyayaasha kale ee loo soo mariyo deegaanka SSC Faroole iyo Siilaanyo ay ku dhistaan Groowe iyo Burco, asagana xoogaa uu ku qayilo loo soo tuuro.
Waxaa kale labadan beelood (SS, iyo SNM) hunguri ka galay inay dilaalaan khayraadka dhex ceegaaga Deegaanka SSC (http://www.reuters.com/article/2012/05/11/somalia-oil-idUSL5E8GB3LG20120511).
Arrintani dhegxumo iyo quudhsi kuma aha horgalayaashaas oo qudha ee waxay saamayn ku yeelatay shaqsi walba oo ku abtirsada deegaanada SSC oo beelaha kale soomaaliyeed u arkeen qof aan hogaaamiye noqon karin inuu taageero hoggaan reer kale mahee.
Waxaa xusid mudan taariikh ahaan in siyaasiga ku abtirsada deegaanada SSC (Khatumo) ay beelaha Soomaaliyeed u aaminsanaan jireen shaqsi hoggaamin iyo han qofeed oo sare leh.
Taas waxaa ka dagaalamay beelaha SSDF iyo SNM oo u arkay in Hankaas faraha badan ee Soomaalidu u hayso siyaasiga SSC khatar ku tahay damacooda siyaasadeed.
Labadan jabahadood ee SNM iyo SSDF ayaa ku ballamay inay qabjabiyaan siyaasiga SSC una tusaan soomalida horgalayaal aan hogaamin mudnayn waan ku guulaysteen illaa xad.
Waxaa tusaale u noqon kara arrintani qaybsigii golaha wasiirada ee dawladda Federalka oo Madaxweyne Xasan Iyo Prime minister Saacid u arkeen in siyaasiga SSC uusan noqon Karin Wasiir (Hogaaamiye) balse uu noqon karo taageere weyn.
Arrintan ay ku guulaysteen beelaha Majeerteen iyo Isaaqa oo ah quudhsiga iyo liidnimada Siyaasiga SSC ayaa ah arrin raad weyn ku yeelan doonta faca iyo firka soo socda ee beelaha dega SSC haddaan hadda wax laga qaban.
Guul Middnimada Khatumo State of Somalia.
By: Khatumo State Diaspora (Think Tank group).
Contact: SSC_Diaspora@yahoo.com
Maqaal: Gobanimadu waa Geed Ku Baxa Dhiigga Geesiga (Akhriso)
Boocame Online- Bismalli asalamu Caleykum wa Raxmatullahi wa Barakaatuh.
Inkastoo aanan Qoraa ahayn, Hadana Caawo waxaan Jeclaystay In aan Bulshada Reer Khaatumo La wadaago talo iyo hoga tusaalayn aan is leeyahay Hadii ay wuxuun Ka qaataan, Horumar iyo xorriyad waynu Hanan karnaa.
Qodobada aan ku salayn doono kuna falanqaynayo Maqaalkan waxa ka mid ah
1. Maxaynu u dhisannay Khaatumo state Of Somalia?
Beesha Dhulbahante oo dhiig iyo dhaqanba Deegaan gaar ahaaneed u leh sadexdan Gobol ee Sool, Sanaag Iyo Cayn, sidoo kalena wax ku leh Gobollo badan oo geeska afrika ah sida Jubada hoose, oo dalka Somalia ah Iyo Kililka shanaad ee soomaalida Ethiopia ayaa waxay beeshu Talo midaysan ku qaadatay In ay Samaysato Maamul Goboleed soomaaliyeed oo ay ku midaysanyihiin sadexda Gobol ee SSC. iyadoo ahdaafta aasaasiga ah ee maamulkaasna lagu saleeyey ilaalinta Midnimada Umada soomaaliyeed, Nabadaynta Dalka, dhismaha qarankii Burburay iyo soo celinta sharafkii soomaaliyeed.
2. Dhibaato intee le’eg ayaa Hor taagan Maamulka Khaatumo state?
Khaatumo state Of Somalia waa Maamulka Kaliya ee somalia ka jira ee lagu dhisay wada tashi loo dhanyahay, sidoo kalena waa maamulka ugu Cadowga badan.
waa maamul ay hareeraha Ka xigaan labo maamul oo Xukuumad iyo shacabba aan jeclayn In Khaatumo Dhismato, sidoo kalena jecel in ay Dhul Ballaadhsi ku qabsadaan Sadexda Gobol ee SSC. Labadan maamul oo kala ah Somaliland iyo Puntland ayaa waxay ku wada socdaan kana midaysanyihiin Cadaawada iyo Nacaybka Khaatumo, Mid ahaan wuxuu deegaanada Ka wadaa Xasuuq, dhac, dhulboob iyo Kufsi. halka kii kalena uu Dhaqaale adag iyo siyaasad ku bixinayo kuna taageerayo Dhibaatooyinkaas aynu soo sheegnay.
Caqabada sadexaad ayaa ah Dowlada Federaalka oo dhismaheedii ay gacan wayn ka gaysteen Garaadada Beesha dhulbahante, iyagoo waliba taageera buuxda siiyay Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Hadana markii lagu guulaystay dhismahaas ay xukuumadii federaalku Tidhi Ninkii Xoogleh ayaan Xil u dhiibayaa Xaajana iga mudan, iyadoo si toos ah uga indho qarsatay dhibaatada lagu hayo shacabka u dhimanaya Calanka Buluuga ah ee Umada soomaaliyeed, maatada iyo caruurta lagu khasbayo Somaliland soo raaca, run ahaantiina ma jirto qorrax soo baxda oo uusan dhiman qof shicib ah oo deegaanada Khaatumo ku sugan, isagoo loo dilayo qabyaalad iyo soomaaliya kala goynteeda.
Siyaasada shacabka reer Khaatumo ku dhaqmayo ma tahay Mid saacidaysa maamulkooda Nacabka iyo Cadowgu Hareereeyey?
Hadii aad indho indhayso shakhsi kasta oo reer Khaatumo ahi ugu yaraan hal mar ayuu iibsadaa qadiyadiisa maalintii, run ahaantiina hadii aynaan dhaqankaas wax ka bedelin Nolosheena inta ka dhiman Xoriyad iyo Gobanimo uma helayno Goboladeena.
hadii aad iswaydiinayso sidee ayaad u iibsatay Qadiyadii Khaatumo adigoo hadana Jecel Khaatumo bal aan kuu cadeeyee:
1. Ninkasta oo Maanta xoogaa ka qaata Somaliland ama Puntland waxa Hubaal ah inuu fuliyo Danaha ay ka leeyihiin labadaas maamul, waxaana rag badani Maanta dagaal ugula Jiraan Khaatumo si aan Lacagtaasi uga go’in, gaar ahaan kuwa u shaqeeya somaliland oo aad is odhanayso Lacagteeda ma fal iyo qarjajaas ayaa la socda oo qofkii cuna uu Iimaanka beelayo.
2. dhalinyarada oo ah lafdhabarta Kacaan kasta oo aduunkan soo maray, lana rajaynayay in ay qayb libaax ka qaadan doonto Xoraynta iyo Midaynta deegaanada Khaatumo ayaa sanadahan danbe si xawli ah ugu lug yeeshay siyaasadii lagu naanaysi jiray maalinba meelbay Ku jirtaa, Maxaan Cunaa iyo fooofoo soo hoyo. waxaa badan inaad aragto dhalinyaro caadi u aragta inay la shaqayso Somaliland, dhalinyaro isku sheegaysa xulkii gobolka sool ee kubada cagta oo aduun waynaha uga markhaati furaysa inay somaliland yihiin, iyagoo ciyaaraya Koob ku sheeg lagu iibsanayo qadiyadooda, waxaaba kasii daran inaad aragto shacab daawanaya una sacabinaya markay gool dhaliyaan, sii galbinaya soona galbinaya markay sool kusoo laabtaan, taasi miyaanay Dhaawac wayn u gaysanayn Garnaqsigii Khaatumo state ee ahaa In Sool xoog lagu haysto, Miyaanay ahayn Markhaati aan la qarin karin oo caalamka ay horgaysanayaan Beesha inagusoo duushay ee Iyagoo ku tirtiraya kuna masaxaya Dacdwadii ahayd In shacabka Gobolka Xasuuq Iyo Cabudhin lagu hayo.
Waxa laga yaabaa wiilka 20 jirka ah ee u Ciyaar tagaya Hargaysa Iyo Burco inuu isleeyahay Dhaqaale Iyo Magac ayaa Kuugu jira Ciyaartaas balse miyuusan is waydiin Magac uu Xambaarsanyahay Inuu yahay Gobolkii ay difaaciisa u nafwaayeen Kumanaan Qof oo wadaniyiin ahaa, maato iyo haween. miyaanu is waydiin wiilka yar ee isleh soo dalxiis in sidii isaga loo xorayn lahaa rag badan oo geesiyiin ahi naftoodii u waayeen, kuwo kalena dhaxanta dhoodiga, Gaajo Iyo Harraad ay ugu sugnaadaan maalin iyo habayn, iyagoo isleh Wiilashiinii soo xoraysta, run ahaantii waa wax laga damqado qof aad u doodayso oo ku dafirsan, qof aad u dhimanayso oo Dhaawacaaga Milix sii marinaya.
3. Ganacsatada Iyo Meheradaha Sool iyo sanaag waxay si Toos ah u bixiyaan Cashuur noockasta oo ay tahay, sidoo kalena shacabka ku dhaqan goboladani waxay u hogaansameen awaamirta Maamulka SNM, marka laga reebo maalmo tirsan oo gadood jiro.
Lama odhan karo shacabkan waa la khasbaa, lamana odhankaro Ciidan beeleedka isaaq ayaa khasbi kara shacab deegaankoodii loogu yimid, Luuq kastana yaqaan. sida aynu ognahay Dowlado waawayn oo carbeed ayaa waxa sanadkan inqilaabay shacab wax diidan, waliba shacabkaasi wuxuu ahaa shacab ku hoos noolaa maamul iyo dowlad muddo dheer oo aan haysan hub iyo dhul toona, balse Laascaanood ninkasta oo shacab ah oo degen wuxuu heli karaa ugu yaraan hal qori oo Ak47 ah iyo rasaas fiican, sidoo kale Askariga Gambadha Jooga ee Isaaq waa Go’doon waayo dhul isaaq leeyahay waxa ugu dhow Oog oo u jirta ugu yaraan 200km, tuulo kasta iyo taako kasta oo uu hadhsado waxaa iska leh dhulbahante, markaa lama odhan karo waa la ina khasbayaa e runtii inaga ayaan lahayn damiirkii wax diidi jiray ee aynu caanka ku ahayn. Inaga ayaa dhimashadii ka cabsanayna, islaan waliba waxay rabtaa in wiilkeedu u noolaado hadana waxay leedahay Khaatumo meeday, suuro gal ma noqonaysee Dhimasho dhaxal wanaagsan reebta Iyo dhulkeenoo Isaaq qaato kala dooro Hooyo.
Hadaba sidee Loo gaadhi karaa Himilada Hadafka Khaatumo state Of Somalia?
Gobanimadu sideedaba waa Geed Ku baxa dhiigga Geesiga, Hadii aynaan Nafteeena dhimasho u ogolaan dhaxalkeedu waa Gun Iyo Nolol Geeridu ka roontahay, waxaana Xaqiiqo ah hadii 6 bilood oo kaliya Xabadu ay ka wada dhici lahayd Sool, Sanaag Iyo Cayn, Tuulo kastaana ay samaysan lahayd Jamhad maalinba meel Ku dhufata waxa xaqiiq ah in somaliland inaga baryi lahayd in aynaan Burco weerarin, sool iyo sanaagna Xornimadeeda aan la isku hayeenba.
Hadii nin walba oo sool ku leh guri, Ganacsi ama dhul uu diido Cashuurta iyo dhaqaalaha loo xaraynayo Isaaq, hadii Askarta Iyo Bilayska la midab takooro oo aan waxba laga iibin, hadii qofka ay salaamaan uu kasoo qaado Bakhti soo uraya, islaanta wiilkeedu la shaqeeyaana ay dayriso habaarna ugu darto kana samirto wiil ku sheegaas waxa Hubaal ah in aysan sii socoteen gacan ku haynta Gobolku. waxa laga yaabaa in hadii aad sool ku nooshahay is waydiiso armaa la i xidhaa ama wax la i yeelaa bal aan ku su’aalee somaliland ma leedahay Xabsi deeqa shacabka Ku dhaqan Xaafad Laascaanood ka mid ah kaliya, hadiiba ay xabsigaas yeeshaanse ma leeyihiin dhaqaale ay ku maareeyaan maxaabiis intaas le’eg. waa hubaal hadii aad kaligaa diido in lagu xidhi karo balse Gacmo wada jirbay wax ku gooyaane Diida dulmiga Raganimaa door roone.
Akhristayaasha sharafta leh waxay igalasoo xidhiidhi karaan
Somalia: tel 442 7756, ama qurbaha +164 6559 7414
ibnurabiish@gmail.com ama www.facebook.com/rabiishyare
Maxay karabtaa dawladdu kismayo
Boocame Online- Akhristow Intaadan iswaydiin,Maxaa dawladda kismaayo iyo maamul usamaynteeda kaga xiran?
Waxaad iswaydiisaa Maxay Dawladdu u saartay 4,5 oo ahaa kii lagu soo doortay dawladdan?
Haddaba Dawladdu waa ay ku khasbantahay in ay maamul u samayso hoostaga kana amar qaata inta aaney shacabka ku nool jubbooyinka samaysan maamul goboleed u gaar ah,sida kuwa ka jira Deegaano ka tirsan dalka oo ay dawladdu wax talo ah aysan ku lahayn taasoo keentay inay dawladda maamulkeeda uu ku ekaado Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Shaki ku majiro in Dawladdu maal iyo maskaxba gelinayso inay qayb lixaadle ku yeelato maamulka ladoonayo inuu ka dhismo kismaayo, Hadday ka fursanwaydana weliba muruq inay adeegsato ayaa dhici karta, Ogow caalamka inta tiisa badan waxay ka haysataa dawladdu taageero badan. waa aragtidayda.
Waxaa dhab ah inay lagama maarmaan u tahay xukuumaddu inay wada gaarto dalka oo dhan kana saarto meesha gobolaysi iyo qabiilaysiba,si aanay unoqon dawladihii ka horeeyay oo ahaa kuwo kataliya meelo gaar ah ama xaafado ka tirsan gobolka banaadir.
Siyaasadda ku aadan kismaayo oo ay dawladdu qaadatay ma aha mid qabiil ku salaysan sida dad bani qabaan maanta, Laakiin waa mid ku salaysan XUKUMIDDA DALKA oo dhan.
Mana aha mid u gaar ah Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa ee waa siyaasad uu qaadan lahaa qof kasta oo maanta ka noqda madaxweyne Soomaaliya cidduu doono ha noqdee!! sida aan qabo.
” Taladu waxay u taalaa shacabka ku dhaqan jubbooyinka kismaayooy kaskaaga adeegso” wa billahi towfiiq!!
Qore,waa – gacan-
soomaaliya ha noolaato
baro kicinta iyo Argagax galinta Waa Siyaasaddii USC iyo SNM-ta Ee Daroodka Wadanka Soomaaliya looggaga Saaray
Baro kicinta iyo Argagaxgalinta  Waa Siyaasaddii USC iyo SNM-ta Ee Daroodka Wadanka Soomaaliya looggaga Saaray:
Taariiqdda:  Goboladda Waqooyigga Iyo  koonfurta  Soomaaliya:
Marka aan eego Taariiqda  Goboladda Waqooyigga,Koonfurta,Galbeedka  Soomaaliya Waxaa jirta Taariiq dheer oo taxana ah oo u dhaxaysay  dadka degan gobolaadaas Taariiqdaas  oo  leh Nabad iyo Colaadba
Reer  Guuraagga
Taariiqdan ayaa Waxaan odhan karnaa Waxay ka soo bilaabatay Reer guuraggii Xoolo dhaqatadda ahaa ee Soomaaliyeed oo  ku dhaqanaa Degaanaddaas, inkasta oo ayyan dadka Soomaalidda ayan Buuggaas ka qorin Taariiqdaas Haddana Waxaad heli kartaa Sheekooyinka Jiilashii hore wixiii ay soo mareen Odayaasha  iyo Suugaanta Soomaalidda.
Dhinaca Wanaaga,  Soomaalidii hore waxay ahaaeen  Dad Xidid Wanaag,Daris wanaag leh  Xilligga ay  Nabada jirto Waxaana ku wayneed Soomaalinimadda iyo Islaamnimadda,Waxay ahaayeen Dad Isku bahaysta Dadka aan Soomaalidda ahayn ee Degga Geeska Afrika.
Dadka Soomaalidda qolobo qoladda ay is ood xigaan, waxaa ka dhexeeya guur,darisnimo, iyo qaraabonimo.
Xilliyadda Colaaddda:
Waxaa kale oo jira Colaaddo aanan marnaba ka guurin maskaxda jiilashii horre iyo kuwa haddaba,Colaaddaas oo horay u soo dhex martay labo reer oo daris ah, tusaale, Gobolka Mudug Waxaa wada degga ama Degaankaas iska soo gala Qabiilo, Waxaana  ka dhexeeya wado dhalasho  iyo xididnimo xilligga nabadda,Siddoo kale Waxaa jira Colaado horay u soo dhex maray Beelahaas oo markii mudo la joogaba dib mar u soo cusboonaadday,madaama ay jiraan buuggo hore, Waxaa isla markiiba dadka Maskaxdooda ku soo maaxda Colaaddii hore, Waxaana meeshaas ka qarxay dagaal hor leh.
Dagaaladdii hore
marka eegtid Dagaaladdii hore badidood  ee dhex mari jiray dadka Soomaalidda waxaa sababi jiray nin si gardaro ah loo dilay,Xoolo daaqsin  doon ah oo la dhacay, biyaha oo gabaabsi oo ahaa  degaanaddaas oo mararka qaar sababa in ay dadka Xoolo dhaqatadda isku dilaan biyaha.
Dowladdii Soomaaliya iyo Isdhexgalkii Bulshadda Soomaalidda, Waqooyigga, Galbeedka, Goboladda Dhexe,Shabeelooyinka,Banaadir, iyo Jubbooyinka.
Waxaa jirtay in dadka Soomaalidda Xilliggii ay Soomaaliya ka xorowday  Gumaysiggii reer yurub,in Dadka Soomaalidda ay u qabeen hamuun in ay Midoobaan,waxay dadka waxgaradka ah yiraahdaan Soomaalidu Aqoon fiican Dowladnimadda uma lahayn, mar walba waxaa iska dhexgalla  Dowladdnimadda iyo Qabyaaladda, Xisbiggii USP/ SYL SNL ayaa Waxaa la Sheegaa in dadka Soomaalidda u horseedeen in Ay midoobaan oo ay Dowladdnimo Wadaagaan, intii ka damabysay isku darkii Soomaaliya iyo Dowladnimaddii  Waxaa bilaabatay is dhex gal bushadda Soomaaliyeed.
Waxaan dadka Soomaalidda qaas ahaan Dadkii u shaqayn jiray Ciidamadda iyo Dowladda  Degaano cusub oo ay ka shaqayn jireen.
Waxaa meeshaas ka bilowday  is dhex gal bulshadda Soomaaliyeed, Markii ay Dagaaladda Xamar ka qarxayeen Dad badan Markaas ku  koran koonfurta Soomaaliya  ma ayyan aqoon meeshii ay waalidkood ka yimadeen,ama wax horumar ah oo ka jiray ma jirin, Waxayna sababta in ay dibadda u cararaan, halkii ay aadi lahaayeen Dhulkii uu ka soo farcamay waalidkood.
Burburkii Soomaaliya iyo Wixii ka Dhashay :
Dagaaladdii Jabhadda Soomaaliya Waxaa guuray  Dhamaan xiriirkii ka dhexeeyay Bushadda Soomaalidda Meel kasta oo ay joogaan, Waxaa dagaaladdaas ku dhintay  dad badan oo aanan Waxba galabsan, Waxaa Howgooddii ku waayay Malaayiin aanan Waxba galabsan, Waxaa meesha ka baxay is aaminaddii dadka Soomaalidda, Waxaa lagu kala tagay Dowladdnimaddii iyo in Wax la Wadayeesho, Waxaa soo baxay Soomaali Cusub oo Isku Af ku hadasha balse kala qalbi ah, Waxaa  soo baaxay Soohimaysi iyo  Dowladda Goboleedyo, iyo in ninkii ugu xigay Degaan ahaan uu aamini waayo.
Dhul Durigsi baro kiciyo si loo degga Degaankoodda ama loo qaato Qayraadka Degaankoodda:
inkasta oo la yiraahdo Soomaaliya oo dhan oo Waxay tahay Dhul baro kicin lagu helay, Waxaa Taariiqda  Soomaalidda ku xusan in baro kicin lagu Sameeyay Dadkii  kale oo geeska Afrika Degaanan jiray, Dadkaas ayaa Waxaa la Sheegaa in ay Ahaayeen Dad la oran jiray Gaallo,Dad badan oo ku dhaqan Baadiyaha Wadanka Kenya in ay Taariiqda ahaayeen Dad Xoolo dhaqata oo laga soo Qixiyay Wadanka Soomaaliya. dadka Qaarna Waxay Xusaan in Dadka Soomaalidda ay Dad Oromaha ay ka kiciyeen Dhulka Soomaaliy, Sidda (Gaal) Kacyo, Ceel Waaq. magacyaddaas Waxay ku tusinayaan in ay jiraan Dad kale oo degaanaa Dhulka oo looga Qixiyay Wadamadda Etoobiya ama Kenya.
Dagaaladdii Waqooyigga iyo Koonfurta Soomaaliya.
Haddii aan ku hor maro Dagaaladdii  Koonfurta Soomaaliya  ayaa Waxay Sababeen Qax badan oo  Sababtay Fulaynimadda Dadkii Daaroodka ahaa iyo Dul Dugsiggii Jabhaddii USC, gaar ahaan garabka Caydiid,Dagaalkii USC iyo Caydiid ayaa Wuxuu  ku salaynaa Fikir dheer oo ah Taariiq dheer in uu ugu tago Koofurta Soomaaliyana,Isbadalna lagu sameeyo ( Demographic) Dadka Daaroodka ah, Mirihii  Iyo Ulajeeddii Dagaaladdaas Waa kuwa Maanta badalay Muuqaalka Magaaladda Muqdishu oo ah Caasimadda Wadanka Soomaaliya in Dhamaan Madaxda Degmooyinka iyo Dhamaan Mayordda Magaaladda Muqdishu Waxay ka soo wWadajeedeen Beelaha Hawiye, Siddoo Dhamaan Dhul beereedkii iyo Qayraadkii Koonfurta Soomaaliya Ayaa Wuxuu gacanta u galay Dad aan waligood beer  horay u arag. Arinta  Kismaanyo ee Maanta Waxay ku Salaysan tahay Sidda ay Dad badan oo Soomaaliyeed Qabaan in Fikirkii USC.
SNM Iyo  20 sanno
Waxaa lagga  joogaa Burburkii Soomaaliya Labaatan sanno ilaa iyo Maanta  Jabhadda SNM Waxay  ku jiraan Dagaal iyo Coleed kala gayn Soomaaliyeed, Waxay ku kufriyeen  Xiriirkii Soomaalidda oo dhan, Waxay labaatan  u taagaayeen  in ay Xasilooni daro iyo   Colaad aan Dhamaad lahayn ku hayaan Dadka kale ee ku dhaqan Waqooyigga Soomaaliya, Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa Waxay Dhamaan ka ilaaliyeen in Wax horumar bulsho ka taabo galo degaankaas.
labaatan sanno ka dib, Waxay ay diyaar u yihiin Colaad iyo dhiig Soomaaliyeed oo hor leh in uu ku  daadiyeen  Waxay ugu yeedheen Qadiyadda Somalilnad.
Kismaanyo iyo USC-da  Xamar ee Maanta:
Sidda dad badan ay Qabaan ama  hadda og yihiin Madaxwaynaha Wadanka Soomaaliya ayaa Wuxuu  horay ugu tirsanaan jiray Golihii dhexe ee Ururkii  gacan ku dhiiglaha ahaa ee USC. Waxaana  Muuqato in uu Wali Madaxa uga jirta Siyaasaddii Dhul balaarsigga ee Jabhaddii USC.
USC/SNM  ( Dowladdnimadda Soomaaliya)
Waxaa Iswaydiin Mudan Sababta uu Siilaanyo uu Caydiid ugu qoray Warqaddii Caanka ahayd Ee Uu Siilaanyo uu u diray Maxamed Faarax Caydiid Sanadkii 1991, Warqaddaas ayaa Wuxuu Siilaanyo kula taliyay in uu Caydiid Soo Qabsaddo ilaa iyo Gaalkacyo.
Halka Jabhadda SNM ay kula balameen Balse ay ugu baxeen in ay Soo qabsadaan Dhinaca kale, Waxaana balantaasu ay ahayd in  Wadanka Soomaaliya laga ilaaliyo Maamul Daarood uu madax ka yahay, Waxaa laga Jooggaa Dhowr iyo labaatan Sanno intii si nabad ah ku qabto Madaxnimadda Wadanka Soomaaliya qof ka soo jeedda Beesha Daroodka Waxaa ilaa iyo Cad in USC iyo SNM ay ku Midaysan yihiin Siyaasadda guracan ee ku Salaysan Qabyaaladda.
BoocameOnline
Ahmed Laarri
BoocameOnline
kamaal72@gmail.com
Qormo Xiisa leh:- Jiiba Laga Noole, Gurmadoo Dagaalama‏ (Akhriso)
Sida taariikhdu xaqiijisay Gumaysigii Ingiriis kuma talo gelin in maanta cidi ka noolaatoo Dhulbahante. Cudur iyo hub gumaada dad iyo duunyo lama hadhin. Cudurro badan buu degaanka Dhulbahante ku beeray,kuwaas oo dad iyo duunyo gumaada amma si ba’an u wiiqa. Hub iyo ciiidan ayaa dhul iyo cir lagu xasuuqay. Degaankii waxaa hadiyad loo siiyey Wagaashe iyo Gaalo madow kale.  Dugaag dadka iyo xoolaha cuna sida Kaneecada,Shillinta,Dhuugga,Libaax,Madaxkutti,Yey ayuu ku beeray degaanka Dhulbahante. Sun dhamaysa Xoolaha siiba Geela iyo Fardaha iyo dadka buu ceelasha ku shubay,Bustayaal cudur sida buu dadka u qaybiyey. Ila eeg warbixin sidan qiraysa.
http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/10075176
Duulaanka Nugaal waa tijaabo kale,oo haddaan la isu gurman aan degaan iyo beel toonna ka badbaadi doonin. Degaan iyo beel kasta waxaa dani ugu jirtaa in cadowga meeshiisa loogu tago,oo hadda ah agga Nugaasha,sidii Kalshaale. Degaan iyo beel kasta waxaa dani ugu jirtaa inay abaal iyo teello tolka la yeelato,si aan hadhow cidla cadow uga helin. Iyaba hoos kala dan iyo aragti waa yihiin,waxaase mideeya dulmiga Dhulbahante. Taariikh xumo ayaa haysata,waxay taariikh ku doonayaan dulmiga Dhulbahante.
Waa ayaan darro in uu kugu guuro cadow,hubaal berri cidla kaa heli doona. Waa ayaan darro in gaajo aan jirin hunguri quudheed kugu kellifto. Goorma ayaa Wagash Wagash kii shalay Hogosh Hogosh ka maantu deeqii Eebbe la wareegey,saw ma ah Eebbe kan deeqda oo dhan bxiya.
Gurmada oo dagaalama,dhibtii Ingiriisba laga nool. Kiristaanku ilaa dhawr boqol oo buug iyo madhab buu leeyahay,si wad jirta ayuu danhiisa u raacdaa. Qabiil kasta oo Eebbe ugu deeaqy degaan,dad iyo duunyo,diin iyo dhaqn suuban hadduu si wada jirta deeqdaas u ilaashan waayo,Eebbena ugau mahadniqi waayo waa hubaal inay nimcadaas la weyn doono.
Hadal iyo erayo kuma cabbiri karo,waxa maanta Dhulbahante ku sugan yahay oo aan cidi la wadaagin. Maanta haddan la is daba qaban goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen baa meel fog oo tan maanta ka sii xun laga jirin doonaa,Eebbe kama dhigo. Ruux kasta,koox kasta,beel kasta iyo degaan kasta waa inuu si degdeg ah u fuliyaa waxa kaga beegtoon tolka. Hadhsiimo ma jirto ilaa inta laga hubsanayo nabadda degaanka,diinta iyo dadka. Waa inoo Gurmad iyo Dagaal inta Jiilka dambe loo sugayo xuduud uu si sharaf iyo nabad leh ugu noolaado.
M.H.Buraleh
Laascaanood,Jaamac Siyaad , Ugaadhyahan ,Bah-ararsame , Cali Sandule Iyo G11.
Maqaalkeenu maanta waxa uu ku saabsan yahay sababta ilaa maanta Laascaanood looga ridi-la-yahay Heeryada saaran ee ku habsatay mudada 5 sanadood,? Waxaa iyana isweydiin leh maxay tahay sababta reer Buuhoodle ay deegaankooda sida layaab kaleh ugu difaaceen?.
Wuu odhan karaa akhriste ka soo jeeda deegaanka SSC maxaa maqaalkan qalinka lagu balaadhinayo Laascaanood sidan loogu soo bandhigay, waana wax dhici kara in uu qofkaasi saxsan yahay , laakiin arrin ayaa jira ka mugweyn beel iyo qoys oo ah sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen ummad dhan oo geeska afrika magac iyo maamuus ku lahayd oo rag koobani jiritaankeedii meesha ka saarayaan.
Run ahaantii dhamaan shacabka hoos yimaada magacyadan aan kor ku xusnay ma wada wadaagaan dhaliisha, ha sayeshee dhibaatada ayey wadaagaan oo waxay ku sifoobayaan dadkii doonta wada saarnaa ee kuwa hoosta joogaa biyo u baahdeen , markay ku daaleen marwalba dadkii kor ka jiray ee ay sii marayeen, ayey yidhaahdeen oo inagaaba kuwaas uga dhaw biyahee maynu hoosteena daloolino oo biyaha halkan ka soo dhaansano, haddii aanay kuwa sare ka gaadhin oo aanay odhan waar anagaa hawsha idiin fududeyna ee keena wadaanta dhamaantood waa halaagsamayaan oo doontu waa qaraqmaysaa.
Taas macnaheedu waxa weeye kuwa ku abtirsada Jaamac Siyaad, Ugaadhyahan, iyo Bah,Ararsame ee arkaya sida ay wax u dhacayaan ee aan ka hortagin hadba kii dhibaatada wada wuxuu la mid noqonayaa kuwaas halaagsamay, Tusaale ahaan markii uu wax kharibayey Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir (Faratoon) Jaamac Siyaadkii ka aamusay ee dhibaatada ka qaban waayey  ee uu dadkiisa iyo deegaankiisa kuwado, qayb ayey ka yihiin ceebta iyo halaaga maanta deegaanka ka jira, sidoo kale dadkii ku abtirsanayey Bah,ararsame ee Axmed Cabdi Xaabsade wax ka qaban waayey markuu tulkii ceebta iyo halaag u soo hoynaye iyaguna Xaabsade waxba kama ood sokeeyaan, sidoo kale kuwa Ugaadhyahan ku abtirsada ee markii Xasan Daahir Afqudhac awoodii uu ku haystay Puntland ku takri falayey waxba ka qaban waayey iyaguna ceebta iyo fadeexada dhacday qayb ayey ku leeyihiin maanta Cabdisamad Cali Shire u jeeda .
Sidee Laascaanood Gacanta Dadkii Lahaa uga baxday.
Intii aan Laascaanood la qabsan aan dib u yara jaleecno annagoo  og in Taariikhba Taariikh inoo dhiibayso, hadana waxyaalo isbiiraday ayaa sababay in beelahan aan kor ku soo xusnay markasta loolan qarsoon ka dhaxeeyey , laga soo bilaabo xilligii Labada Garaad kaliya Dhulbahante lahaa ilaa maanta , haddana xilli kasta marxaladiisa ayuu lahaa, oo marna ma aysan dhicin in deegaan Dhulbahante lagu loofaro oo dadkii cadowga u ahaa gacanta loo galiyo, iyada oo nin markaas lawada dhashay lagu xinayo taabanayo, khilaaf ka dhashay dhaqaale ama xil awgeed.
Khilaafka ugu weyn ee ka dhacay sadexdan beelood burburkii dawladii dhexe ka dib wuxuu soo shaac baxay 01.08.1998 markii lagu dhawaaqay Puntland in kasta oo madax dhaqameedka badankooda intaa xilligaa jirtay ka qaybgaleen haddana kama uu san qayb galin ilaahay hawnaxariistee  Garaad Ismaaciil Ducaale waxaana hubaal ah in rag badan oo uu ka mid ahaa Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir(Faratoon) ay qayb ka qaateen in aan si mugweyn aysan uga qayb galin beesha Jaamac Siyaad , hasa yeeshee waxaa jiray xubno ka tirsanaa beesha oo iyagu xilal ka helay Puntland.
Inkasta oo Xaabsade iyo ilaahay hawnaxariistee Garaad Cabdi Qani oo isa soo qabtay ilaahay hawnaxariistee Cigaal shirka hormuud ka ahaayeen, haddana muddo yar ka dib waxaa soo baxay ismaan dhaafka ilaahay hawnaxariistee Garaad Cabdi Qani iyo ilaahay hawnaxariistee Cabdilaahi Yuusuf siiba markii Cabdilaahi Yuusuf uu doonay in mar kale la doorto.
Waa arrin yaab badan in dadka hogaamiyaha dhaqan iyo siyaasiyiinta ah ee isbadbadelka badani marba dhinaca kaga yimaadaan shacabka masaakiinta kuwii shalay ka soo cadhooday Cigaal ayaa maanta dib uga cadhooday Cabdilaahi Yuusuf, marka la leeyaha kan aan isagu ku jirin hawsha ee aamusani wuxuu la mid yahay kan ku jira ee ficilka samaynay waxa ay tahay shacabka Laascaanood ee lagu kala xidhay sadexda koonteenar ee Ugaadhyahan , Jaamac Siyaad Iyo Bah-Ararasame markasta way u jeedeen sida xaalku u socdo hadana ma uusan jirin qof ku dhaca oo yidhaahda xaalkani waa qaldan yahay ee sidani nama qabato, markasta qabiilka barnaamij lagu xamaasadeynayo ayaa madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta oo wada socdaa ku jihaynayeen , waxaana markastaba laga dhaxlayey naxli cuqdad iyo sii kala fogaansho.
Waxyaalaha layaabka ah ee deegaanka Laascaanood ka dhacayey ee aan waxba laga qaban markii ay taagnayd ee la dhawranayey ama la dhayal sanayey waxaa ka mid ahaa dilalka soo noqnoqanayey ee inta mid kasta inta laga aamuso ay noqonaysay boog dhextaalay beelaha oo ay ka faa,iideysanayeen ragga siyaasiyiinta ahaa ee isku hayey deegaanka, oo aan gudaha kaliya ku ekeene qurbahana loowaarido naxliga.
Nin oday ah oo deegaanka Laascaanood ahi wuxuu yidhi shir ilyartu isqabatay(Reer Hebel Puntland ayey keensadeen anaguna Somaliland ayaan keensanaynaa, markaas Laascaanood lama qabsan laakiinse Yagoori ayaa ciidanka SNM joogeen, weyna yimaadeen Somaliland , hasa yeeshee ninkii weedhii in badan ayuu isku ciil kaanbiyey markii uu mid uu garanwaayey rasaas la dhacay , markii hore wuxuuba yaqaanay cid uu u raadsado mag iyo qaane , maanta gar iyo magla,aan iyo neef bakhtiyey ayuu ku joogaa Laascaanood.
Maamulka Puntland waxaa loo sawiray in beesha Ugaadhyahan wadato, maamulka Snm waxaa loo sawiray in beelaha Bah-Ararsame iyo Jaamac Siyaad Wataan, sidaas oo ay tahay ayaa hadda qaar badan oo Ugaadhyahan ahi maamulka Hargeysa ay u galaan malayshiyana u abuuraan yaan laydinku layn magaca Somaliland, arrimo la yaableh, (Nin Dhulbahante oo mujaahidnimo iyo xamaasad lagu yaqaanay ayaa lagu yidhi waar walaalkaa sawkan SNM u galay ee xilka u qabtay markii horena walaalkii wuxuu ahaa Puntland , ninkii halkii laga filayey in uu arrintii walaalkii ku talaabsaday inkiro oo uu canbaareeyo, ayuu yidhi wallaahay niman yahow walaalkay odayaal ayaa ku khasbay oo ku yidhi noogal Somaliland si aan naloogu karbaashin)  hada u fiirso dadkii walaalahaa ahaa ayaa mid walba sumad gooniya loo yeelay taasina waxay dhalisay kuwii waxmagarata ahaa in ay la kala saftaan fikirka noocan oo kale ah, waxaadna moodaa in ragga siyaasiyiinta oo xidhiidh wanaagsan ka dhaxeeyo ama hajoogo Hargeysa ama Garoowe, oo u kala dalxiis taga waayo waa dalxiis, hadaanay ahayn maxaad ku tilmaami lahayd, Axmed Cabdi Xaabsade oo doraad ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Hargeysa xilligii Cigaal 1993-1997, shalayna ahaa wasiir Puntland ah 1997-2007 maanta ah mujaahid Somaliland, barri in uu haddana Garoowe ku soo noqdo oo waliba lagu taageero ma shaki ayaa kaaga jira, waxaadna dareemaysaa Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Axmed Cabdi Xaabsade in uu Xaabsade Bah-ararsame gacanta ku hayo, oo lama hayo shacabkii Bah-Ararsame oo leh sxb waa ku sidee xagee nagu wadaa, ee taageerayaal badan ayuu ku leeyahay beesha dhexdeeda haddaanu ku lahayn sow lama qoreen nin waalan oo runta looma sheegeen.
Sidaas si leeg ayaa taageerayaasha Mahad Canbaashe ee Jaamac Siyaad dhexdiisa waxay kun jeer ka badan yihiin taageeraasha Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, saa Mahad Canbaashe wuxuu dhaxlay Yaasiin Faratoon oo calanka u sii dhiibay, waxaase kaaga sii daran Mahad Canbaashe waxa uu gacanta ku hayaa 500 oo wiil oo dhamaantood mushahar ay siiyaan Maamulka Hargeysa oo kaba faa,iiday intooda badanina kawada guursadeen dhaqaalaha SNM , oo xataa qalabka guriga loowada dhigay mid walba intooda badan kabadh iyo sariir iyo kaaci fadhiya loo dhigay, saw markaas ha noolaato maaha Jamhuurida Jaamac Siyaad ee Mahad Canbaashe iyo yaasiin Faratoon, saw maaha markaa in ay iska ilaaliyaan ugaadhyahan iyo Puntland, markasta oo la yidhaahdo olole hala qaado la doonayo in Laascaanood lagu wajaho, waxaa Isaaqu iska soo hormariyaan Mahad Canbaashe , isaguna isaga oo maqiiqsan ayaa goobta soo galaa, wax kalena maaha waxaa malayshiyada iyo Mahad Canbaasheba maankooda ku jira Puntland ayaa soo socota idinkaana laydin qabsanayaa, xataa dad badan ayey ka dhaadhacsan tahay, Dhulbahante dhexdiisa ayaa isgumaadaya haddii Laascaanood lagu dagaalamo inta xaal sidan yahay, waana ta keentay in cali Sandule la siidaayo, waayo markiiba waxaa loo sawiray nin Jaamac siyaad ah oo Ugaadhyahan qabsaday, kuwo badan oo Laascaanood joogaana waxay u ololeeyeen in qaab qabiil loo dhigo.
Sidaas si leeg ayaa Taageerayaasha Cabdisamad Cali Shire, horena Xasan daahir Afqudhac waxay kun jeer uga badan yihiin  Taageerayaasha  Garaad Saleebaan Garaad Maxmed , sidee ayeysan uga badnayn markii Xasan Daahir Afqudhac ahaa madaxweyne ku xigeen Laascaanoodna gacanta ugu jirtay maamulka Puntland, xilka gobolka waxa uu kawada dhigay wada qoyskiisa waxayna ka mid ahayd sababihii ay Xaabsade iyo Yaasiin Xaaji Maxmuud Xiir(Faratoon)ku hawlgaliyeen wax magaratada, si ay u tusaan in Puntland tahay goob Xasan Daahir iyo qoyskiisa u afxidhan, waxaana la yaab lahaa sida uu Xasan Daahir Afqudhac ugu fulinayey siyaasadda ay doonayaan labadaas xubnood iyo wixii fikirkoda la qabay, Maqaal lagu qoray xilligaas 2006 Laascaanood intaan la qabsan sanad ka hor oo xaaladda maamul xumo ee ka jirta Laascaanood si wanaagsan u sawiraya halkan ka akhriso.
Kala qaybsanaantaa aadka looga shaqeeyey ayaa Laascaanood lagu qabsaday, maantana sidaas ayey ku jirtaa cadowgeeduna waa ogyahay halka ciladu tahay iyadaanay baansiinka ku sii shubaan si ay u sii Olosho.
Runtii Laba Garaad Jaamac way dadaalayaan daacadna weeye laakiin tolkood gacanta uguma jiro , waxaana ku talin lahaa in ay gaabsadaan inta xaalku sidan yahay.
Odaaysha G11 , Khaatumo Iyo Cali Sandule.
Wararkii sadexdii maalmood ee ugu danbeeyey aad loogu hadal haynta badnaa deegaanka SSC waxa ay ahaayeen waxa ay ugu yeedheen maamulka Hargeysa Doorashooyinka iyo qabashadii iyo siideyntii ninka lagu magacaabo Cali Sandule oo isagu ahaa ragga ugu danbiga weyn deegaanka SSC marka laga hadlayo dhibaatooyinka loogeystay deegaanka.
Wararkii ugu waaweynaa ee isa soo tareyey waxaa ka mid ahaa in Cali Sandule siideyntiisa ay ka danbeeyeen odayaal qurba joog u badan laguna naanayso G11 , waxaana waraysi uu bixiyey taliyaha ciidamada Khaatumo sheegay in la siidaayey markii la ogaaday in ay san wadan hub iyo in ay yihiin tol, arrintaas oo aad uga cadhaysiisay shacabka aad u taageera Khaatumo State , waxayna in badani u argatay in arrintan ku saabsan Cali Sandule dhaawac weyn u keeni karto maamulka Khaatumo iyo taageeradii balaadhneyd ee loo hayey.
Cali Sandule iyo kuwa la hal maalana la sugayey in ay maalin uun soo gacan galayaan oo waajib kooda la marin doono.
Cali Sandule ayaa isaguna ku faanay in uu yahay nin aan la xidhan karin, magaalada Laascaanoodna kacdoon laga dareemay, uuna kaba faa,iidey qabashadii la qabtay, wuxuuna intaas ku sii daray in ay talooyin is dhaafsadeen kuwii qabtay. Haddaba maxaa ka qaldan bulshada Dhulbahante iyo siyaasiyiintoodaba?
Arrimaha maanta aad usoo shaacbaxay ayaa waxa ay yihiin in uu jiro gaab weyn oo u dhaxeeya shacabka Khaatumo Taageera iyo odayaasha G11 oo iyaga laftarkooda sida muuqata aan muddooyinkii ugu danbeeyey isku fiicnayn ,xilliyadan danbe  aad ugu kala fogaaday siyaasadii ka jirtay magaalada Muqdisho , oo xataa ku kala qaybsamay ka mid ahaanshaha Cali Khaliif Golaha Baarlamaanka.
Dhaliilaha G11 oo muddooyinkii ugu danbeeyey soo shaac baxayey oo halkii laga rabay in ay dalkii iyo deegaankii ay wakhti badan siiyaan una guntadaan sidii ay uga midho dhalin laahaayeen hawlihii ay balan qaadeen iyo sidii loo socodsiin lahaa, oo xilliyo badan ku qaatay Muqdsiho iyaga oo hunguriyeynaya qaarkood in ay xilal ka qabtaan Dawlada Dhexe , ayaa tanina haatan sii xoogaysanaysaa oo ay lagama maarmaantahay in siideynta Cali Sandule bulshada loo qeexo iyada oo qofkastaa mas,uuliyadiisa qaadanayo, oo mas,uulkii ka danbeeyey sii deynta Cali Sandule si cad u qaataa qaladkiisa haddii uu xil-hayeyna uu iskaga degaa xilka uu hayo, oo shacabka runta loosheegaa siday wax u dhaceen.
Haddiise aan sidaas la yeelin waxay u muuqanaysaa in G11, iyo maamulka Fulinta ee Khaatumo iyo shacabka taageersani ay laba wato oo kala duwan kala qadayaan, run ahaantiina arrinta danbiile Cali Sandule oo ay qabanayaan qodobo badan oo ka soo baxay shirkii Boocame3, Iyo shirkii Taleex iyada oo aan Cali Sandule maanta cidna loo sharaxayn danbiga uu ka galay shacabka iyo taariikhda beesha Dhulbahante.
Laascaanoodna maanta sababaha loogi dhiiran waayey ee ay cadowgu u fadhiyaan waxaa calaamad muuqata u ah siideynta Cali Sandule la siiidaayey oo u eeg in uu yahay nin laga baqay in lagu fuliyo go,aamadii ka soo baxay shirarkii Dhulbahante ee isdaba jooga ahaa mudada 5ta sanadood ah, waana arrinta aan hore u soo xusnay ee ah Laascaanood waxay u rahmantahay khilaafka qarsoon ee muuqda ee sida cudurka qaaxada dhex-fadhiya maskaxda iyo maanka inta badan siyaasiyiinta Ugaadhyahan, Jaamac Siyaad iyo Bah,Ararsame, oo haddii aanay deg deg u hawl galin waxgaradka Daaha gaadaashiisa ku jira ee ka soo jeeda Jaamac Siyaad, Ugaadhyahan Iyo Bah, Ararsame oo aan la abaabulin shir u dhaxeeya beelahan sadexda ah laguna gorfeyn waxjira ee dhabta, beenta iyo dhalanteedka layska dhaafin, oo ragga marba shirarka goobaha qurxoon USA iyo Yurub ee ay ka dhexmuuqdaan gabadhaha sida qurxoon u soo labistay khudbadaha ka jeedinayaa aanay ummaddan cidhtirmaysa daba qaban hubaal waxaa ah in aanay G11, G23 midna waxba qabanayn, G11 iyo Khaatumana waxaan shaki ku jirin in ay mari doonaan wadadii ay mareen NSUM, SSC IWM.
Gabagabadii iyo gunaanadkii beelaha aan sadexdaas  aan xusnay ahayn ee degan Laascaanood waxaa hubaal ah in aanay dhib baaxadweyn ku lug lahayn, tolkooduna in uu sharaf iyo qiimo ku noolaado ay jecel yihiin, waxaa iyaguna boogaadin mudan Reer Buuhoodle oo aan shaki ku jirin kuwo badan oo Reer Laascaanood ahi in ay markay goobaha lagu kaftamo joogaan ay sheegtaan in ay reer Buuhoodle yihiin , waliba in ay Kalshaale ka soo jeedaan, ammaan ayaad mudan tihiin, dhaliisha iyo ceebtu goobtay taalo waa cadahay.
Yaa Ka Masuul Ah Maamul Xumidda Ka Taagan Gobolka Sool?
Maqaalkan waxaa la qoray shano iyo badh ka hor
Nov 03, 2006 By:sscayn.com
Faallo(sscayn.com):-Gobolka Sool oo ka mid ah 5tii Gobol ee saldhiga u ahaa dhismihii Puntlnad sanadkii 1998,ayaa u muuqda mid xaaladiisa Maamul iyo kala danbayneed ay hada maraso meel hoose,iyadoo xaalku marayo halkii ugu danbayse,taasi oo ka dhalatey Faraglin aan Cadaallada ku dhisnayn oo uu madaxweyne ku xigeenku ku hayo,maamulka Gobolka,amuurtaasi oo bulshada Gobolku si weyn u dareentey,kadib markii uu madaxweyne ku xigeenku uu isagu noqday kan kala badala Wasiir ilaa Biyo-tooni
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u muuqdaa in yahay cidd ka masuul ah dhibka G.Sool,maadaama uu Gobolka Burburkiisa loo tiranyo,oo uu isagu noqday qofka Wasiir ilaa Biyo tooni kala badala,isagoo ka dhiga dad isaga taabacsan,waayo wax uu Badalaa isagoo sharaciga dhinac maraya,Gudoomiyahaasha,Maayiradda Xoghayaasha, Xisaabiye yaasha,Taliyeyaasha laamaha kala duwan ee Ciidamada iyo ilaa xataa Shaqaalaha hoose ee Laamaha Dawlada,isagoon wax wada tashi ah la yeelan Hay’adaha ay ka kala tirsan yihiin,amuurahaas oo burburiyey wada shaqayntii iyo kala danbayntii Maamulka Gobolka.
Madaxweyne ku xigeena ayaa sidoo kale lagu eedaynayaa inuu gobolka u xil saartey koox loogu yeedho (Garanley)kuwaasi goobaha lagu qayilo iyo makhaayadaha lagu qaxweeyo .kaga sheekeeya in ay igu yihiin cida kala badasha masuuliyiinta gobolka sool.waxaanu madaxweyne ku xigeenku taladii ka qaaday Isimad, Cuqaasha Waxgaradka Mutacalimiinta iyo ee maamulka kale ee Puntland.
Faragalinta uu madaxweyne ku xigeenku ku hayo Gobolka Sool,ayaa u muuqata mid uu Madaxweyne ku xigeenku ku doonayo siduu uu u heli lahaa dad u dhaga-nugul,iyadoo aanu madaxweyne ku xigeenku dadkaas u badalin shaqo xumo ,balse u badala dano gaar ah,ama mid Qabyaaladeed.
Sidoo kale waxaa madaxweyne ku xigeenka lagu eedaynayaa inuu caddaalada daro qaawan oo beelaysan uu u kala badalo masuuliyiinta Gobolka.isagoo ka buuxiyey Beeshiisa dhamaan goobaha muhiim ka ah ee Gobolka iyo dawlada dhexe.
Madaxweyne ku xigeenka waxaa uu Beelaha Dega Gobolka Sool qaarkood ku tilmaamay in aayan miisan ama Culays Siyasadeed ku lahayn Gobolka Sool,sida Bahararsame,Qayaad Cumar wacays,Wacays Cabdille,Ugaasyo, (Reer Warsame)Jaamac Siyaad) iyo (Bihi-darays) Naaleeye Axmed.
Aynu eegno Saamiga Beelaha Gobolka Sool,sida ay xilalka Gobolka u kala hayaan.
Maamulka Gobolka Sool.
Gudoomiyaha Gobolka Sool – Jaamac Siyaad.
Taliyaha Qaybta Booliska G.Sool- Ugadhyahan
Taliyaha Aaga ee Ciidanka Daraawiishta- Ugaadhyahan
Taliyaha Jeelka G/Sool- J.Siyaad.
Isku-duwaha Dawlada Hoose Ugaadhyahan
Xeer Ilaaliyaha Gobolka Sool.- Ugaadhyahan
Isu-duwayaasha Gobolka Sool.
Isu-duwaha W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidkl G/Sool. -Ugaadhanyahn.
Isu-duwaha W/Waxbarshada G/Sool.- Ugaadhayahn
Isu-duwaha W/Caafimaadka G/Sooll -Jaamac Siyaad.
Isu-duwaha W/Maamliyadda ee G/Sool iyo Cayn –Ugaadhyahan
Isu-duwaha Wakaaladda Biyaha G/Sool –Ugaadhayahan .
Isu-duwaha W/Qorshaynta G/Sool- Qayaad.
Isu-duwaha W/Beeraha iyo dirta iyo Daaqa. -Ugaadhyahan.
Isu-duwaha Shaqadda Iyo Shaalaha- Ugaadhyahan
Degmada Laascaanood
Duqa Degmada Laascaanood-. Bahararsame
K/Xigeenka Duqa- Ugaadhyahan.
Xoghayaha Dawlada Hoose- Qayaad
Agaasimaha Maaliyadda D/Hoose -Ugaadhyahan.
Xisbaaliayha D/Hoose- Jaamac Siyaad.
Madaxa Buugaagta D/Hoose- Ugaadhyahan.
Khasnajiga D/Hoose- Ugadhyahan.
Baanka
Maamulaha Bangiga Degmada L/canod- Ugaadhyhan .
Ku/Xigeenka- J.Siyaad.
Xisaabiyaha- Bahararsame.
Khasnajiga- Ugaadhyahan
Laamaha Booliska ee Degmada Laascaanood.
Taliyaha Saldhiga Galbeed .- J Siyaad.
Taliyaha Saldhuga dhexe -Xaamud Ugaas.
Taliayha C.I.D -Ugaadhyahan.
Taliyaha Ilaalinta Canshuuraha -Ugaadhyahan.
Taliayha Taraafikadda- J.Siyaad.
Wasaaradda Maaliyadda ee G/Sool.
Xisaabiyaha Gobolka Sool.- J/Siyaad.
Kaaliyaha Xisaabiyaha G/Sool -Ugaadhyahan
Mamulaha Cnashuuraha Bariga- Ugaadhyahan
Maamulaha Kastanka -Bahararsame.
Maamule ku xigeenka Kastanka -Ugaadhyahan
Maamulaha Canshuuraha Dad-badan.- Ugaadhyahan.
Maamulaha Canshuuraha Toosan- Ugaadhyahan.
Mamulaha Shaqaalaha iyo maamulka –Ugaadhyahan.
Maamulaha Kastanka Tukaraq.- Ugaadhyahan.
Khasnajiga W/Maaliyada G/Sool -Ugaadhyahan.
Cadaalad Darada iyo Maamul xumida uu Madaxweyne ku xigeenku ku hayo Gobolka Sool,ayaa waxaa imaan karta.
1. In uu Gobolku noqdo meel aanu Maamulka Puntland ka jirin.
2. In Soomaaliland u sah la’naato in ay gacanta ku dhigto Gobolka Sool oo uu ka go’o Puntland.
3-In Nabad galaydu faraha ka baxdo oo Beelaha walaalaha ee Wada dagaa,oo Qabiil qabiil lays kaga horyimado.
Tallo Soo Jeedin.
Si maamulka gobolku u hagaago,waa in cid walba loo daayo shaqadeeda,sida Ciidamad Wasaaraddaha IWM. Waan in dadka ku nool deegaanka Gobolku noqdaan, mid ay u siman yihiin Maamulka,Taladuna noqoto mid dadka ka dhaxaysa. Waa in Canshuuraha dadka laga qaadayo wax loogu qabtaa Bulshada,sida Caafimaadka,Waxbarshada Biyaha,Bilicda Magaalada IWM.
Waa in Masuuliyiinta kala duwan ee Gobolka iyo degmooyinku ay noqdaan kuwo ku xidhan,kana amar qaata Wasaaraddaha shaqo ahaan ay hoos tagaan ,halka ay hadda hoos tagaan madaxweyne ku xigeenka.
Qoraalkan waxaa ka masuul ah Qoraaga ku saxiixan.
Cali Xuseen Faarax Laascaanood
sscayn.com
(Jilibkayga)- ayaan daacad u Ahay, Waa waxa Dowlad la’aanta dhigay Gobolka Sool (shifo lagala quusay)
Jilibkaygga  ayaan daacad u ahay Waa Waxa Dowladda la’aanta na dhigay Gobolka Sool (shifo lagala Quusay)
Maqaalkan Ayaa Waxaan ku eegaynaa Dhibaatadda ay Qabyaaladda Hoose ee Degaanadda Khaatumo ay ku Hayaan Nafsadoodda iyo Maamul Walba oo damca in uu wax ka qabto Degaankan.
Dhacdadii ka dhacday Shalayto Degaanadda Xudun ayaa Waxay tusmo u tahay Muqaalka Dhibaatooyinka ku baraahsadday ee Regaadiyay Degaanadda sool, Sanaag iyo Cayn in uu ka Hirgalo Wax Maamul ah,kuwaas oo dhamaantood salka ku ah Ficiltan iyo Xiniftan u dhaxay qaar ka mid ah Beelaha Dega Gobolka Sool.
Dhibatooyinka Jilib jilbaysigga Dadka Beesha Dhulbahante ayaa Waxay tahay Dhibaatadda dhulkan uu ugu hirgali la’ yahay Wax maamul ah gabihaanba, Haddaba Waxaa is waydiin leh Maxay Sababta ah ? Maxayse Salka ku Haysaa Kala Qaybsanaantan ?
Colaad horre iyo Booggo aan la dhayin:
Waxaa jirta Hadal horre aan hadda ka hor ka dhagaystay BBC- Haweeney Idaacadda BBC ugu soo waramaysay Xaaladda Soomaaliya 1991 ayaa Waxaa la Waydiiyay in Beesha Daaroodka dib u qabsan karaan Magaaladda Muqdishu, Markaasna Waxay Malayshiyadda Daroodku ku sugnaayeen Magaaladda Afooge, Waxay kagga Jawaabtay lagama yaabo, Sababtoo ah Daroodka Waxaa u dhaxaysa Gudahoodda Collaad ka wayn tan ay u Qabaan Hawiyaha, Waxay noqotay run Sidda ay u Sheegtay, Haddii aad dib u eegtid Xilligaas Daaroodka Cidna kama Hub, Gadiid iyo Dad badnayn ee Waxaanan ka dhaxay Talo iyo Midnimo, Waxaana jirtay Colaad Hoosse oo Daroodka u sii dhexeeyay, Haddana Waxaa Cad in Beesha Dhulbahante Qaas ahaan Gobolka Sool ay u dhaxayso Collaad ka badan Colaadda ay u qabaan Maamul kale.
Inkastoo ayyan jiran Dagaalo Waawayn oo Taariiqdda Tilmaami karto oo u Dhexeeya Dadka Gobolka Haddan,Waxaa jiray Collaad Hoose Dilal.
Collaalaad horre oo u dhaxaysay Qaar ka mid Beelaha oo la xiriirta Dil la isku gaystay oo gaaray Heer Maamul iyo Ciidamo Shisheeye la isku soo Kaxaysto.Waa Xaqiiqdii Sababta Colaaddaas Sokeeye Gobolka Sool uu farah uga baxay.
Saldadan
Dhibaatooyinka Jijilbaysigga ayaa Qaar Waxay ka Xiriiraan Dadka isku Haysta Saldandda beesha iyo Cidda ay tahay in Ugu Sareeyaan Bulshadda oo ay tahay in Wax laga waydiiyo iyagga arimaha Degaanka ama iyagga in Madax loo dhigo Haddii aysa waxba ka Soconaynay Maamulkaas.
Dhibaatooyinka Saldanadda ayaa Waxay soo Socdeen Ilaa 100 Sanno oo ay Soo Dhaaftay Bulshadda Degaanka, Waxaana jira marwalba kuwa Isku Sheega Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqan iyo Saraakiil ka Qayb qaata Ficiltanka Jilibaysigga Ee ka jira Degaanka.
Dhaqaale kala Bursi.
Danaha Jilibagaysagga ayaa Qaarkood Waxay la Xiriiraan Dhaqaale Raadin oo ay Qaar ka mid ah Beelaha ay dan Dhaqaale ka raadsadaan Meelaha ama Maamuladda ay u arkan in ay Dantu igu jirto, Waxaa jirta Dood Dheer oo ka dhex jirta Dadka Beesha oo lagu kala qaysan yahay Arimaha Dhaqaalaha Siddii wax loogga qaban lahaa, Dadka Qaar ayaa Waxay u Arkaan in Haddii Khaatumo ay Lacag hesho in soo iibsan karta cid kasta oo dhaqaale u Xilaynaysa Maamul kale, Dad qaarna Waxay u Arkaan In Qadiyaddu ayyan Ahayn Wax Dhaqaale lagu iibsan karo, oo ay Waajib shardi ay tahay Qof Walba in uu taageero Qadiyadda oo aan Wax dhaqaale ah lagu siin.
yaa ah Cadowgga ah oo aan la isku Raacsanayn ?
Haddii aan tusaale u Soo qaato labo qof oo Reer Lasanod Haddii aad Waydiisid, Waa kuma Cadowgga Beesha ? Waxaad ka helaysaa labo jawaab Midkood, waa Soomaaliland ama Waa Puntland ?
Waxaa jirta Dad u arka in Dagaalkuba uusan jirin dhinaca Somaliland ee ay tahay in Puntland lala Dagaalamo oo aan jeclayn in Dhinaca Somaliland la soo abaarro, Waxaa jirra kuwa u arka in Cadowggu Degaanka ay yihin Somaliland oo lala dagaalamo.
Arintan ayaa Waxay tahay Doodda iyo Kala qaybsanaan ugu wayn ee Siyaasadeed ee u dhaxaysa Beesha.
Hiil la’aanta Gobolka Sool iyo Sanaag iyo Xabaddii SNM
Waxaan Waraystay Dad badan oo ka yimid Gobolka Sool, Waxaan jirtay Taariiqo Fuul Xun oo Soo dhex maray Jabhadda SNM iyo Beelaha Degaanadda, Waxaan jirta Cabashooyin la Xiriira in Xilliyaddii ay Dagaalaas Socdeen in aan la isku hiilin oo Beelaha Gobolka Qaarkood ay Daawanayeen iyaddo Dadkii Jabhadda SNM ay Xasuuqayso,Dhacdadaas Waa Wax kalifay in beelaha Gobolka Sool iyo Sanaag ay ka tagto Hiil iyo Isku Damqashadda, Wuxuuna Nin Walba leeyahay Anigga Dagaalka Waagaas waa igu kaliyaystay.
Kibir, Xaasidnimo iyo Xin
(Dadka reer Miyigga Waa ka nifaax iyo kufrigga)
Waxaa jirta Xaasidnimo badan oo ku aasan dadka Degaankan Gobolka Sool oo ah Xiqdi iyo Xaasidnimo ay Gudahoodda Isku Hayaan oo ka mid ah Sababaha ayyan Waxba u hagaagin karin.
Waxay Dhamaantoodda ku salaysan yihiin in Qofkii iska Yiraahdda Waxa Qabo Waxaa Cay iyo Aflagaaddo iyo Wax sheeg aan Dhamaad lahayn Dabadda u qabanaya Qoladda kale, mana Joojinayaan ilaa ay arkaan Qofkaas oo ama Waashay ama Qolof la tuuray uu ka noqdo, Waxaana muuqata in Marwalba oo Meel lagu soo Xaliyo Arimaha Degaanka in ay Meel kale ka baxaysanayaan.
BoocameOnline
Qormo: Safarkaygii Hargeisa & Sirtii aan soo helay! (Sawiro + Akhriso)
Boocame Online- Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Intaa kabacdi, Akristaha sharafta badanoow, safarkeygii aan dhawaan wadankeenii hooyo ku tagay (August 6, 2012-illaa-September 6, 2012). Waxaan ku so booqdey qeeybo ka mid ah gobollada dalka, oo eey ku jiraan gobollada waqooyi ee Soomaaliya-Caalamiyan-,ee loo yaqaano Somaliland.
Inkastoo aan dano kaloo gaar ah u tagay, hadana aad ayaan u xiiseeynayey in aan indhaheeyga kusoo arko, sifiicanna bal usoo indha indheeyo, si aan u kala saaro xaqiiqda iyo wixii kasoo hara.
Nasiib wanaag! Waxaan kala soo noqdey in badan oo badashey fikradii aan markii hore ka heystey, badalina doonta tan eey dadbadani ka heystaan, waxaana jecleeystey in aan aqristayaasha la wadaago, waana tan ee kusoo dhowaada.
Aan ku bilaabo’e, maadaama Airport-ga Hargeeysa uu dhismo ku socdey markii aan gobollada waqooyi tagayey, waxaan ka dagay Airport-ga Barbara, oo xaqiiqdii kuleylkeeda heerka uu gaarsiisanyahay uu ii dhinnaaba.
Mid saaxiibkeey ah oo ila socdey ayaa wuxuu iiga qosliyey maanlintaa, anigoo kuleyl dartii la yaaban, wuxuu igu yiri, “War Cabdiboqorow maxaa la inoo yiri Cilmi Boodhari jaceylbaa diley, war waa nin uu kuleyl dilaye kawaran!”.
Waxyaabaha aan horey usii maqley, Airport-ga Berberana aan kula kulmey waxaa ka mid ahaa, in eey ka jiraan laba saf. Midka muwaadiniinta iyo kan Ajaanibta.
Hadii aad wadato Passport-gii Soomaaliyeed ee hore, ee cagaarnaa, waxaad galeeysaa safka “Muwadiniinta”, waxaana galida Somaliland iyo ka bixideedaba lagaa kala qaadayaa min $10/= oo canshuur ah, ama Gobollada Waqooyi u dhalo ama Koonfur ka imoow, waa isku mid.
Hadiise aad wadato Passport-ga cusub ee E-Passport-ga, balse Gobollada Waqooyi looga yaqaano “Passport-gii C/llaahi Yuusuf”, waxaad galeeysaa safka “Ajaanibta”, oo waxaad isku saftihiin kuwa wata passport-yada dowladaha kalee shisheeye. lacagtana wey kugu kordheeysaa, oo waxaa lagaa qaadayaa, min $40+ marka aad galeyso iyo marka aad ka baxeyso Somaliland intaba, meeshii aad rabtaba u dhalo’e.
Sababta arintan marka aan xuuraansadeyna, waxaa la igu yiri, Passport-ga cagaaran wuu “Inaga dhaxeeyaa”, Midkanse dowladii C/llaahi Yuusuf baa keensadey.
Su’aashu waxeey tahay, yaa bixinaya marka-Waa inta dantu kasoo gashee- lacag $90/= ku dhow, isagoo heli kara in uu $20/= bixiyo? Waxaana arintan sii fududeeyey, oo dadkuna eey sameeyaan, in Airport-ga caalamiga ah ee Aadan Cade, horey usoo maraan, ayey lacag $15/= ahna kusoo sameeystaan passport-kii cagaarnaa, kaasoo inta aad taagantahayba laguu kala tuurayo, hadiiba sawirada iyo lacagtu kaa diyaar yihiin. Wareerba haku daayo!
Waxyaabaha igu cusbaa waxaa ka mid ah, marka Airport-ga Barbara aad banaanka uga soo baxdo, waxaa boorsooyinkaada kala dafaya Xamaaliyaal, mana ka kartid war boorsada ii daa, Baska aad hoosta ka taagantahay ayuu dushiisa ku tuurayaa, kadiba horey ayuu kaa leeyahay, “War iinoo dhiib kuu xamaalnaye!” Oo anigaaba saarankaraye inteed ula ordeysey, subxaankee, War cusub!
Marka aan soo dhaqaajinney, waxaan soo marney wadada Dheer ee Barbara iyo Hargeeysa isku xirta, tasoo ah -Inta aan arkey-wadada kaliya ee si wanaagsan u dhisan.
Nasiib darro! Inta aad ku socoto, waxaad ka argagaxeeysaa tirada baaburta ah ee ku gadoontey/qalibmatey, ee wadada dhinacyadeeda isku wada buusbuusmey, sababtuna waa darawallada oo Maan-Dooriyaha Qaadka aad isaga badiya, gawaaridana God, Tog iyo Dalcad toona aanan ka qabaneeynin darteed, waloow dadka qaarna leeyihiin wadadaa ayaa Jinniyo iyo wax la mid ah laguba xantaa.
Waxaad Buuraleey iyo dhul geedo gaagaaban leh soo dhexmartabe, marka aad Hargeeysa kusoo dhawaato ayaa cimillada hawada isbadalayaan, oo kulleeylkii aadka u darnaa ee Barbara ka baxeeysaa. Nasiib darrose! Hargeeysana waa meel aan dhaxanta kula yaabey. Dadka weey iskala qabsadeen, balse aniga oo ku cusbaa intii aan is lahaa Xarakoo, oo Shaar isku taag, ayaan Burunkiito ka qaadi gaarey, waloow dhaxantu aaney xad kabax u aheyn sidii Kuleeylkii Barbara, hadana waa xoogaa Nin dhalinyara ah oo Xaniintiisu qac leedahay, uu dareemayo, odeyna warkiisa daa.
Waxyaabaha igu cusbaa, oo aan sida gaarka ah ula yaabey, waxaa ka mid ahaa, in Magaalada Hargeeysa loo kala daganyahay Reer-Reer ama lookala badanyahay, oo reerbaa ku tilmaaman meelkasta. Waxaad maqleeysaa “Daanta Reer hebel iyo Daanta reer hebel”, marka laga reebo xabad-xabad iska Dool ah, ama Gobollada kale ee Soomaaliya ka yimi, iskana dhexdaga meelkasta.
Waxyaabaha Hargeeysa eey caanka ku tahay, balse aniga igu cusbaa ayaa sidoo kale waxeey ahaayeen, in dhulkeeda oo dhami wada Dhagax yahay, waxaaba looga yaqaanaa Hargeeysa “Miskiin kalkaale”, micnaha hadii dagaal uu meel kugu qabsado, waad haabaneeysaa oo kaliya. Dhibkiisa ayaase wuxuu yahay, waa kan isdagaalka Xaafadaha siina fududeeya. Waxaa iska caadi ah in dhagax meel uu ka yimid aadan garaneyn, uu guriga kuugu soo galo ama dusha uga soo dhoco, gaar ahaan habeenkii, hadii qof reerka ka mid ah uu ku daqramana waa yeelkii.
Waxyaabaha sida gaarka ah iiga yaabiyey, oo aanan ka filaneyn Hargeeysa, oo caasimdii Somaliland ah, waliba mudana 20+Sano nabad heysatey, ayaa ah in wadooyinkeeda oo dhami aad u burbursanyihiin, xitaa tan hormarta Madaxtooyada oo magaalada gudaheeda ku taala. Dhamaan waa bohollo, iyo karakeeyshan.
Roobka marka uu da’ana waxaad soo xasuusaneeysaa, Suuqa Bakaaraha oo uu Roob ku da’ay. Dhiiqada, Dacda ureeysa ee wadada dhex ceeygaagta darteed. Maxaa loo dhisi waayey ayaan dadka weydiiyey, maadaama mudo Somaliland nabad aheyd, waxeey dadka kudhahayaan, Musuqmaasuq maamulka ragaadiyey iyo Qaad ama Qayilaad darteed, ayaan cidiba dhiseyn.
Waxeey kuugu sii darayaan, Musuqmaasuqa marka laga soo tago, waqti yar ayaa xafiisyada dowlada laga shaqeeyaa, inta badanna Qayilaad ayaa loo fadhiyaaa, ummadana waa iska wada fuqaro, oo ninnkii meel loo dhiibaba inta aan laga qaadin ayuu is leeyahay, war xoogaa aad kusii noolaato meesha kala hadh, Maxaa wax la dhisaa marka! Waxeey dadku isweydiinkaraan maxeey tahay sababta kooxda la yirhaado “The UN’s Somalia Monitoring Group oo uu badaxda u yahay ninka la yiraahdo “Matthew Bryden” eey warbixino la mid ah tan eey Madaxda Xamar joogtaahi sida joogtada ah uga qorta, eey uga qori weysey?
Waxaadse ogaataa in madaxa hey’adaasi uu madax u yahay Matthew Bryden oo ah nin aaminsan kala goyngoynta dalka Soomaaliya, waa ninka ku faana in uu sito passport Somaliland ah, waa nin Xaakiisuna oo dhowr cunug u heysaahi eey kasoo jeeda gobollada waqooyi-Somaliland ee Soomaalida. Ninkani wuxuu ka tirsanyahay koox la yiraahdo “ The Somaliland International Recognition Group”, oo ah koox dacallada caalamka si joogta ah uga ololeeysa in Somaliland laga jaro Soomaaliya! Nadiib darro! Madaxda Soomaliya wali uma eeysan tilaaboqaadin sidii isaga iyo kuwa la midka ahba eey meel cad ummada uga saaro laheyd. Fadlan si aad wax uga ogaato ninkan madaxda ka ah hey’adaa muhiimka gaarka ah u leh Soomaaliya, lifaaqyada hoose kasii aqri (2 & 3).
Dhinaca kale waxaad si aad ah ula dhaceeysaa hantida gaarka loo leeyahay, iyo sida eey u kobacdey, oo bilicda magaaladana eey u hormarisey, gaar ahaan dhismayaasha Hotellada oo eey ugu caansanyihiin Hotel Mansoor, iyo Hotel Ambassador, dabcan hotella kaloo aad u waanaagsanna weey jiraan. Marka aad tagto ma maleyn kareeysid Cadaanka dhooban iyo kuwa soo dagaya. Qaar hey’ado ayaan u shaqeeynaa ayey leeyihiin.
Qaar suxufiyiin ayaan nahay ayey leeyihiin. Waa hubaal in inbadan oo Jawaasiis caalami ahi ama waxyaabo kale u yimidna eey ka buuxaan. Waxa bilicda magaalada sii biley waxaa ka mid ah: Dhismayaasha Shirkadaha gaar ahaan sida: kuwa Isgaarsiinta iyo Baararka.
Magaalada oo Dadka u dhashey aad ugu soo laabanayaan darteed, ayaa waxaa kasii sameysmaya Xaafado cusub, gaar ahaan kuwo eey dagaan dadka dhaqaalaha leh ama ganacasto ha ahaadeen, ama Dad mudo Qurbo-Joog soo ahaa. Xaafadahaas oo aad ka garankarto naqshadaha guryaha iyo nuucyada gawaarida intaba. Waxeey sidoo kale magaaladu leedahay goobo dhowr ah, oo ah nuucyada kala duwan ee waxbarasho. Jaamacadaha ka furwan waxaa ugu caansan: Jaamacada Golis, iyo Jaamacada Hargeeysa, dabcan kuwo kalana weey jiraan oo isku soo wada xigxiga.
Xaafadaha magaalada Hargeeysa waxaa dhexmara, Togag Biyo-Mareeno ah, oo marka uu roob da’o magaalada biyaha ku wada fataha. Baabuurtana aad ugu rafaado marka eey wadooyinka xaafadaha qaarkood goynayaan, Waxaa ku filnaan laheyd Buundo yaroo aad u gaaban, oo meelaha togaga magaalada dhex maraahi lasaaro, ama siyaabo kaloo uga haboon loo xalliyo, mase jirto cid howshaa u kacdey illaa iyo hada.
Nasiib darro! Wixii eey dowladi qaban laheyd ayaa magaalada ugu liita, Marka laga reebo dhinaca nabada.
Waxyaabaha kaloo igu cusbaa, ayaa ahaa Goobaha tirada badan ee ganacsi ee Ethiopian-ku ku leeyihiin gudaha Hargeeysa, oo waliba calanka Ethiopia ku sawiranyahay ama ka babanayo.
Waxaa sidoo kale la iigu waramey in guryaha badanaaba iyaga eey ka shaqeeyaan iyo gooba badanoo ganacsi sida: Hotellada. Waa hubaal in Dowlada Ethiopia wax badan ka warqabto.
Waxyaabaha muhiimka ah waxaa ka mid ah, sida magaalada eey u daadsanyihiin ciidamada BS-ta ee Sirdoonka. Ethiopian-kuna dabcan qeybta ugu weyn ayey ku leeyihiin, oo waxaa uga furan meesha wax eey safaarad ku sheegaan-Ileyn ma aqoonsana Somaliland’e-. Waxaa odayaal ii sheegeen in Saraakiin waaweyn eey ka howlgalaan gudaha Hargeeyga, shabakadana u daadsanyihiin dhamaan gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.
Waxaan la yaabey markii saaxiibkey igu waaniyey in aanan kaligey Hotel iska dagin, oo aan Guri family ah dago, sababta oo ah buu yiri, “Ma rabo in eey kugu dhacaan wixii aniga igu dhahay, oo aheyd in hotelkii anigoo indha ka duuban la igala baxay, nasiib wanaagse! Nimanka shirkada aan la shaqeeynayey, ayey arintii gaartey, oo isoo samatabixiyey”.
Magaalada waxeey leedahay Goobo badan oo caafimaadeed, waxaase ugu roon isbitaalka weyn ee Adna (Edna Adan Maternity Hospital), oo dhinaca Dhaliinka haweenka si gaar ah loogu Ammaano, Adna waa Xaaskii uu ka geeriyoodey (Allaha u naxariistee) Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Nasiib darro! Marwo Adna aad ayey Xagjir ugu tahay, xaqiiqdiina ugu talax tagtey, uguna dhardhigatey xumaan isaga sheegida Ummada walaalaha ah ee Waqooyi iyo Koofur, oo hade waxkastoo xun ku sheegta guud ahaanba walaalaha Koonfureed, iyadoo waxyaabaha qaarkoodna aaney afkaba ku habooneyn Akhlaaqiyan iyo dadnimo ahaan intaba. Waxaa kawada marqaati kacay Indheer-Garadkii daawadey Qudbadii eey ka jeedisey Shirkii Biljam, ee nasiibdarrada aheyd (lifaaqa 1-aad ee hoose ka daawo Video-ga qudbadaa). Xaqiiqdiina mararka qaar ayaan is iraahdaa, waxaaba dhaama, Feeysal Cali Waraabe oo Xagjirnimo dhinaca kala goywnta dalka iyo naceyb abuurka lagu sheego.
Marka laga hadlayo dhinaca Qadiyada Gooni isutaaga Somaliland –Ama kala Jarida dalka-Dadka waqooyi joogaahi, waxeey ugu kala qeybsanyihiin laba qeeybood- waa dadka aan siyaasiyiinta aheeyne- A-Da’yarta soo koreeysa. iyo B-Dadka waaweyn. A-Dhinaca dadka da’yarta ah, guud ahaan kuwa Qurbaha laga soo celiyey, gaar ahaan kuwa Ciyaal-Casiirka ah, aad ayey ula xamaasadeeysanyihiin Gooni isutaaga Somaliland. Programing joogta ah oo siyaasiyiinta eey ku hayaan darteed.
Waxaana ka dhaadhacsan Reer Koofur oo dhan: Rag iyo Dumar, Caamo iyo Culimo, Sheikh iyo Shaab waxba isma dhaamaan, oo waa Umulo-Dooxyo, Marras iyo Maato leys ah. Waa kuwii ina xasuuqey oo waa wada Cadow. Kuwa Gooni-isutaaga kasoo horjeedana, waxeey raali ka yihiin dhibkii ina gaarey.
B-Balse dhinaca kale; Dadka waaweyn waxeey ku leeyihiin, dhibka waxaa geystey Regime-kii Maxamed Siyaad Barre, oo Soomaali oo dhami ka wada tirsaneyd, oo waliba ragii ugu sareeyey qaar ka mid ah eey Waqooyiga kasoo jeedeen. Ragaasi waxaa ka mid ahaa: Sareege Gaas Xuseen Kulmiye Afrax, waxaa sidoo kale ka mid ahaa: Axmed Maxamuud Faarax oo ka tirsanaa Gudigii siyaasada ee Golihii dhere ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, oo waliba geeridiisi kadid lagu aasey Hargeeysa kadib burburkii Dowladii Siyaad Barre, waliba isagoo “Geesi Qaran ah!”.
Xaqiiqduna waxeey tahay, wuxuu regime-kaa ahaadaba Ummada Soomaaliyeed oo dhan ayaa la dagaashey, Koofur iyo Waqooyiba.
Nasiibdarro! Kadibna iyadii dhexdeedaa is leeysey. Waxeey ila tahay in kala goynta dalka eey ka fududahay in Ummadu is cafiso, wixii xukun dowladeed ahna si cadaaladi ku jirto loogu wada heshiiso, Xaqiiqdiina waa waxa caalamku ina lahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafey.
Wax aaney Waqooyi Koofur uga baahneyna, Koofur ugama baahna waqooyi, iyadoo la wada ogyahay in Koofuri tahay meesha Wabiyada dalku wada maraan, tahayna meesha dalku ugu kheeyraadka badanyahay.
Waxaase maragmadoonto ah in shacab dhan oo walaalo ah aanu mudneyn in Jiil dhan loo cuqdadeeyo, oo dhaqaale, waqti iyo Juhdi intaa la egi la galiyo, ee ilaahoow Xamar nabad inooga dhig, iyadaa Hantideenii maguurtada aheydi taallaaye, waxkastaahina meeshaan waa qaali, marka loo eego Muqdisho’e.
Gabagabo/Gunaanad
Nasiib wanaag! Dadka Koofureed guud ahaan sida Dadka waaweyn ee walaalaha waqooyiba aaminsanyihiin, waxeey ka xunyihiin wixii ku dhacay walaalahooda Waqooyi. Waxeey ka tiiraanyoodaan dhibkii eey gaarsiisey Dowladii Milateriga walaalihii waqooyi ee Midnimadi Ummadeena salka u ahaa, ee iyagoo Dal gooni ah noqonkara, ka doorbidey in eey walaalahood la midoobaan, hal dalna wada dhistaan.
Marka eey walaalaha Koofureed diidanyihiin kala Goynta dalkana, ma aha in eey Xasuuq shacab ogolyihiine, eey tahay oo kaliya garashada in dadku walaalo wadayihiin dantooduna ku wada jirto midnimadooda iyo isku duubnidooda, ileyn horaa waxaa loo yiri, “Gacmo wadajirbey wax ku gooyaane”.
Wixii Dulmi Kursi ama Kheyraad ah ee dhacayna, walaaluhu weey isaga garaabikaraan, isna xaqsoori karaan, waase in sidaa la isula fahmo, inta cadowgu midba gaar u didsanlahaa, oo uu yuubanlahaa. Marka aadse aragto Siyaasiyiin markii hore Qadiyada Gooni isutaaga meelkasta la taagnaa, oo inta Muqdisho iska xaadiriya xilal kasoo qabta, ee hadana Hargeysa xilal kale ka qabanaya,
sida: Mudane: Maxamuud Cabdullahi Jaamac,“Sifir”, iyo Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, iyo kuwo kaloo la mid ahaaba, waxaad dareemeeysaa nuxurka meesha Ummaduba dhab ahaan kala joogto, siyaasiyiinta ayaa dano jago/Kursi u waalaya maahane.
“Nimaan Dhul Marin, Dhaayo Maleh”
Lifaaq
1-Shirkii Belgium iyo Qudbadii Adna: http://www.youtube.com/watch?v=SihG_cQCZg4
2-http://en.wikipedia.org/wiki/Matthew_Bryden
3-http://dissidentnation.com/who-is-matt-bryden/